“Berbera, Waa Magaalo $100 Ee Ka Soo Baxa Ay $99 Xukuumaddu Qaadato, Halka Doolar Ee Hadhayna Ay Qaataan Dadka Shaqaalaha Ah Ee Gobolka”

0
14

Xisbiga UCID Oo Ka Deyriyay Xaaladda Nololeed Ee Bulshada Gobolka Saaxil

“Waxan Leeyahay Tii 80-Meeyadii Aanu Ka Dhignay Berbera Ayaanu Ka Dhigaynaa, Waxaanu Samayn Doonaa Afarta Waddo Ee Looga Baxo Magaaladda Mid Walba In Gaadiidka Lagu Jaro, In Lagu Dagaalamo Oo Ay Xaqooga Helaan Dadkani” Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax

Berbera (Hubaal) Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa ka dayriyay xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan magaalada Berbera.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka saaxil, ayaa si adag uga hadlay xaalad nololeed oo adag oo uu sheegay inay ka jirto gobolkaasi xiligan oo lagu jira bisha ramadaan, isla markaana uu gobolka saaxil ku dulman yahay waa sida uu hadalka u dhigaye dhaqaalaha ka soo baxa deegaanka gobolka oo ay xukuumaddu ku bixiso meelo kale, isagoona taasi ku sababeeyay maamul-xumo gobolka ka jirta.

“Waxa nasiib-darro ah in masaajidkaasi Xaaji Shidde dhisay xalaytoole loo ururinay $3,000 oo laydhka lagaga bixiyo, ka ku xigana $5,000 ayay ahayd. Runtii magaaladani waa magaalo-xeebeed, waa magaalo ay xukuumaddu boqolka doolar ee ka soo baxa ay sagaal iyo sagaashan qaadato, halka doolarna ay qaataan dadka shaqaalaha ah ee gobolka. Waa nasiib-darro, nin waliba wuu iskaga tegay Berbera, maanta waxay maraysaa xili dadka maanta magaalada joogaa aanay lix kun oo qof ka badnayn, hudheeladii waaweynaa baa wada xidhan, dukaamadii baa is xidhay, sababta keentayna waa maamul la’aan ka jirta gobolkan, cid u hadasha ayaan jirin, shaqaalihii dekedda aya la yidhi, ninka baabuurka wadaa haddii uu wax jiidho amaba duqeeyo isaga ayaa la eryayaa. Habeen dhawayd waxa ka dhacday dekedda, gaadhi dekeddu leedahay ayaa jiidhay shan gaadhi, halkii baana inankii lagu xidhay, dadkii ehelkiisa ahaa yaa yimid oo yidhi, laba dhibaato ayaa na haysata, midi waa baabuurtii uu jiidhay ayaa ayaa adduunkoodii laynaga doonayaa midna waa, inankii ayaa shaqadii laga eryayaa.” ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax

Waxa uu ugu baaqay bulshada inay ka gilgishaan dhibaatada, isagoona ku hanjabay inay gobolka ka samayn doonaan kacdoon, “Waxan leeyahay tii 80-meeyadii aanu ka dhignay berbera ayaanu ka dhigaynaa, waxaanu samayn doonaa afarta waddo ee looga baxo magaaladda mid walba in gaadiidka lagu jaro, in lagu dagaalamo oo ay xaqooga helaan dadkani.” ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here