Berbera (Hubaal) – Munaasibad Lagu Caleemo Saaray Chief Caaqil Khadar Chief Caaqil Da’uud Siciid Oo saldannada caaqilnimo ka dhaxlay aabihii ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaallada Berbera. Caaqilkan oo caleemo saarkiisa ay ka qayb galeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo uu kamid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin, Baadhsaabka gobolka SAaxil, Maayarka Degmada Berbera, xidhibaanno golaha wakiillada ka tirsan, kuwo golaha deegaanka Berbera ka tirsan, Xoghayaha fulinta ee dawladda Hoose, cuqaal, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale badan. Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay oou duceeyey caaqilkan cusub ayaa soo dhaweeyey caleemo saarkiisa iyaga oo ballan qaaday inay si fiican ula shaqayn doonaan ilaahayna uga baryay in uu xilka caaqilnimo ku asturo. “Caaqilku waxaa uu hoogaan u yahay shan beellood oo walaalo ah waxaana uga hooseeya oo la shaqeeya saddex caaqil hoosaad, waxaana uu hoggaaminayaa shantaa beellood iyo saddexdaa caaqil talada ay soo gooyaanoo uu afar ku yahay. Sidaasi darteed waxaan maamulka gobolka iyo wasaaradda uu ka tirsan yahay ee daakhiligaba waxaan ka rejaynayaa in ay si fiican ula shaqeeyaan”.sidaas waxaa yidhi mid kamid ahaa masuuliyiintii dhaqanka eemadasha ka hadlay. Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbere oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warramay miisaanka xafladdani leedahay iyo milgaha caaqilkan cusubi huwanyahay. “xafladani mid dhaqan weeye sidaasi darteed waxaa uu innaga mudan yahay inaynu u ducayno ooaynu ku soo dhawayno maamulka beeshiisa. Waxaan ku faraxsannahay in beesha khayr Yoonis iyo guud ahanba beellaha cumar jibriil sida ay u dhan yihiin halkii doogga lahaydna way degen yihiin xisbiga KULMIYE-na way taageersan yihiin”. Sidaas ayuu yidhi xoghayaha Cabdikariin Aadan Cadde. Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay wasiiru dawlihii hore eeduulista hawada Axmed Nuuur Faahiye oo isna ka shekeeyey tariikhdii uu lahaa caaqilkan cusub aabihii “Waad garanaysaan sida uu ahaa Marxuumku sida uu ahaa illahay idinkiina inankiisa [caaqilka cusub] oo khaddar ahina ku fashilmi maayo oo halki aabihii Daauud ayuu mari doonaa”.ayuu yidhi Axmed Nuur Faahiye. Masuuliyiinta kale ee halkaa ka hadashay waxaa mid ahaa agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaradda waxbarashada oo u duceeyey caaqilka. Maayarka magaallada Berbera Cabdishakuur Cidin ooisna khudbad ka jeediyey caleemo saarka Caaqilka waxaanuyihi “waxaan leeyahay Jiifka cusub illaahay ha kuu sakhiro xilka laguu dhiibay, reerkuna waxaa uu kaa filayaa in magacii uu lahaa reerkani iyo isku duubnidii aad sidii uu ahaa u sii adkayso oo inuu sii adkaado mooyee aanay waxba ka nusqaanmin”. Baadhasaabka gobolka Saaxil oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in gobol ahaan ay sharaf u tahay in ay la sheqeeyaan caaqilka cusub, cidda ugu horeysa ee ay caaqilka is qabilayaanna waa xafiiska gobolka”. Ayuu yidhi Baadhasaabka gobolku. Gebogabadii waxaa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Jaamac Cabdillaahi Biin waxaana uu yidhi “Haddii reerkii Khayr yoonis ay isu wada tageen oo ay caaqil cusub caleemo saareen oo ay isku soo raaceen oo ay soo galbiyeen oo ay waliba dhaxaltooyo ka dhigeen oo ay garasho ku soo doorteen waanu soo dhawaynaynaa”. Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku. Ugu dembeyn Chief caaqilka cusub oo halkaa lagu caleemo saaray ayaa hadal koobanoo uu jeediyey waxaa uu ku codsaday in loo duceeyo oo xilka la saaray lagula shaqeeyo.