“Berigii Ay Persian-ka & Roman Empire-ku Dagaallamayeen, Waxaa Ay Muslimiintu U Hiilisay Roomaaniyiinta, Maanta Markay KULMIYE Iyo WADDANI Noo Noqoto, Waxaanu Isku Kitaab Nahay KULMIYE”

0
220

Faysal Cali Waraabe oo Ka Hadlay Sababona Raaciyey Guul-darrada Soo Gaadhay Murashaxii Xisbiga WADDANI

“xisbi kastaba intii isugu tagtay baa codaysay, waad aragtaan oo Jeegaantii ayaana badsatay, waxaas oo dhanna waxaa ka mas’uul ahaa dadkii keennay waxa la yidhaahdo…………”

++++++

“Annagu Haddi Aanu Xisbiga UCID Nahay Guusha Waanu La Leennahay KULMIYE Oo Waanu La Qaybsanaynaa Mar Haddii Aanu Jebinay Xisbigii Aynu Garanaynay Halka Uu Ku Socdo”- Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Hargeysa(Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ka mid ahaa Musharrixiinta doorashada Madaxtooyada Somaliland ee lagu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tartamay, ayaa hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka doorashada ku guulaystay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo u tartamayey Xisbiga Kulmiye oo uu Faysal sheegay inay isku Kitaab yihiin Kulmiye iyo UCID oo ay Waddani wada rideen, siduu hadalka u dhigay.  Faysal Cali Waraabe oo markii gelinkii dambe ee shalay Komishanku ku dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka dhacday ka dib Warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay inuu hambalyeynayo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa la doortay, isla markaana Talooyin u hayo dhinaca hoggaaminta ah, sidoo kalena waxa uu tilmaamay inay UCID ahaan Guusha la leeyihiin Kulmiye.

“Horta doorashadani waxay ahayd mid dimuqraadi ah oo haddana hab qabiil ku dhacday oo qabaail baa loo codeeyey ee looma codayn kitaab iyo  cidda wadi karaysa dalka, laalkiin waan hambalyaynayaa natiijadeeda, beeshaydii oo aniga ii codaysayna waan hambalyaynayaa inkastoo layla qaybsaday oo in badan la iibsaday”. Sidaas ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaana u intaa ku daray “xisbi kastaba intii isugu tagtay baa codaysay oo guulaysatay, waad aragtaan oo Jeegaantii ayaana badsatay, waxaas oo dhanna waxaa ka masuul ahaa dadkii keennay waxa la yidhaahdo Garxajisiya iyo belaayadii la innagu soo dhextuuray ee lagu sameeyey meesha iska cidlada ah ee la yidhaahdo Belaayo-jeex (Maroodijeex Hotel) markaa haddanu nahay xisbiga UCID waxaa na saaran masuuliyad aanu horena beesha caalamka ugu sheegnay oo aanu ku qasbannahay taasoo ah inaanu aqbalno natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada”. “Haddaanu annagu nahay xisbiga UCID waxaanu leennahay, waad ogtihiinoo berigii ay dagaallamayeen Beershyaanka iyo boqortooyadii Roommaani waxaa Muslimiintu u hiilisay Roomaaniyiinta, Beershiyaankuse waxay ahaayeen kuwo dabka caabudi jiray, markaa annaga markay maanta noo noqoto KULMIYE iyo WADDANI, Waxaanu isku kitaab nahay xisbiga KULMIYE, laakiin WADDANI waxaa uu ahaa Soomaali weyn, markaa annagu guusha waanu la leennahay KULMIYE oo waanu la qaybsanaynaa mar haddii aanu jebinay xisbigii aynu garanaynay halka uu ku socdo”. Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali WAraabe.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here