“…Qabyaalladda Hala Iska Daayo Ayaad Tidhaahdeen [Haddana] Dhammaantiin Waxaad Tihiin reer Galbeed Isu Jiibinaya” – Baashe Cali Jaamac, Wasiirka Biyaha Somaliland
“Anigu Waxaan Ka Mid Ahaa Wefti Garaad Cabdiqani Hoggaaminayay Oo Xamar Iyo Balligubadle Oo Xabbadi U dhaxayso Nabad Ugu Kala Dab Qaadayay”
Boorama (Hubaal)- Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay in halgan iyo tacab badan loo soo maray nabadaynta beellaha Somaliland isla markaana ay ku timi hawl adag iyo wakhtiyo duruufo kala xidhnaan ahi ay jireen oo dagaaladii dib u xoraynta Somaliland ee SNM ay kula jirtay xukunkii Siyaad Barre in ay rag u dhaqaaqeen in ay nabadaynta beellaha Somaliland u soo qalab qaateen oo ay Muqdisho uga soo xadhko xidheen in ay beelaha Somaliland nabadeeyaan oo ay dagaalka beelaha meesha ka saaraan isla markaana beelaha Harti iyo Isaaq aanu dagaalka SNM iyo Siyaad Barre ciidankiisa dhex marayaa aanu beelaha saamayn ku yeelan.
“Horta nabada Somaliland ka jirtaa waxay ka bilaabantay bari oo iyadoo dagaal xoog lihi uu socdo oo dawladii Siyaad Barre ay xoog tahay SNM-na ay dagaal adag kula jirtto, ayaanu goosanay in aanu beelaha Harti iyo Isaaq bari horta nabad ka dhex dhalino waxaan ka mid ahaa Wefti Garaad Cabdi Qani hoggaaminayay oo deegaano badan nabadaynta beelaha ku tegay iyadoo xabadu socoto ayaanu goosanay in aanu nabad baadi doono waxaanu maray deegaano badan waxaanan ugu dambayn tagnay magaalada Balli gubadle waa halkii aanu isku baranay Guddoomiye Muuse Biixi. nabada Somaliland sidaas ayaanu bariga uga bilawnay waliba wakhtigaa beelaha Awdal anaga ayaa nabadaynta ku metelaynay oo wakiil ka ahayn, nimanka Balli Gubadle iyo Xamar oo xabadi u dhaxayso nabad ugu kala dab qaadayay ayaanu ahayn.”ayuu yidhi Wasiir Baashe oo Maalintii Salaasadii khudbad ka jeediyey madal ilyartu is qabatay oo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ku foolladeeyey Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu ku soo biiray xisbiga talada Haya.
Wasiirka oo kaftamayay masuuliyiinta kala duwan ee hadalka uga horraysay ayaa yidhi. “Horta waxaan maqlayay dadkii iga horreeyay dhammaantood waxay ka hadlayeen qabyaaladda hala iska daayo laakiin intiina meesha ka hadashayba reer galbeed isu jiibinaya ayaad tihiin. Intaa hadaan kaftan u dhaafo waxaan leeyahay dalku wuu kala tegay oo galbeedkuna horumar ayuu sameeyay bariguna dalka wuu ka hadhay, markaa waxaan leeyahay Guddoomiye hala isla sugo dalka oo hala isa soo gaadhsiiyo. Qoladayadii nabada bilawdayna imika iyagaa dib u dhacay oo mucaaridnimo ku dambaysay laakiin waxaan ALLE ka baryayaa in ay xaqa u soo noqdaan oo ay gartaan.” Ugu dambayn waxaauu farriin u diray Prof Cali Khaliil Galaydh oo uu ku booriyay ku daydo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo uu u soo maro Somaliland isla markaana uu xisbiga uu doono kaga biiro siyaasadda dalka. “Prof. Axmed waxaan leeyahay soo dhawaw waxaan tahay aqoon yahan loo baahan yahay oo waliba in badan ka hadla in dalku aani is gaadhsiinayn oo bariga uu dib u dhac badani ka jiro.Prof.kayagana waxaan leeyahay dariiqa Axmedu soo maray Somaliladn u soo mar oo wanaagga iyo horumarka dalka wax ku darso markaad timaadona xisbigaad doonto ku biir oo dalkaaga iyo dadkaaga u kaalay.” Ayuu yidhi Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac