“Berigii Codka Waxaad Iga Siiseen Daahir Rayaale Oo Wuxuu I Dheeraa Inantaa (Marwada) Reer Boorame Ahayd”

0
22

Boorame (Hubaal)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in qabyaaladu halkii ugu saraysay ka marayso dalka Somaliland oo ay soo aas-aaseen masuuliyiin xukuumada ka tirsan, isla markaan wuxuu sheegay in waxbarashada Somaliland halkii ugu hoosayay ay marayso oo xukuumada looga baahan yahay inay sarre u soo qaado.

riyaale iyo faysalGuddoomiyuhu wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad xisbiga UCID magaalada Boorame ugu baqtay taageerayaal xisbiga ku soo biiray.“Maanta waad ogtihiin oo dawladu waxba ma qabato, oo biyihii waa lacag, laydhkii waa lacag, tacliintii waa lacag, caafimaadku waa lacag oo intaba gacanta dawlada ayaanu isku soo celinaynaa.Maanta reerkii lacag leh ayay caruurtoodu jaamacad helaysaa, laakiin reerkii danyarta ahi waa fanash. Waxaanu jecelahay in aanu iskuulada dawlada waanu tayaynaynaa,ka furanaya iskuul gaar ahna waxaanu ku xidhi doonaa shuruudo adag.”Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuun hadalkiisii sii raaciyay“Maanta qabyaalad ayaa jirta oo wax wada madaxda ilaa madaxdu hagaagtan qabyaalad laga bixi maayo oo maalintii dhawayd madaxweynaha waxaan u soo jeediyay in la sameeyo guddi madaxbanaan oo baadha sida ay wasaaraduhu wax u qaataan, sida hay’ada shaqaluhu u qaatan, sida qandaraasyada loo bixiyo.Laba guddoomiye ayaanu ahayn aniga iyo Riyaale oo barigii codka waad iga siiseen oo isagu wuxuu I dheeraa inanta reer Boorame ahayd, marka halkaasu igaga helay doorka,laakiin dooran waa UCID.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here