Qeybtii 2aad Ee Xog-warran Xiiso badan Oo Uu Muj. Xasan Guure Jaamac Kaga Hadlay Xaallada Siyaasaddeed ee Dalku Ku Jiro
“Waxaan Leeyahay Md. Madaxweyne Ka Dembe Ee Yimaadaa [Madaxweynaha Kugu Xigi Doonaa] Isugu Kaaya Yeedhi Maayee, Mar Haddaanad Maanta Musharrax Ahayn, Adigaanay Waxba Kaa Daadanayne Isugu Kaayo Yeedh”
++++
“Horta waxaa Immika dhacda in Ninka Xilka Hayaa Uu Ka Naxo Ninka Kale Ee Ay Is Xigaan, [Waayo] marka nin meesha soo galo, Waxaa Meesha K Baxaya…”
Hargeysa (Hubaal) intiinnii akhrisatay cadadkii wargeyska HUBAAL ee soo baxay 29-kii bishii August ee aynu soo dhaafnay waxaanu idiin soo gudbinay qaybtii koowaad ee xog-waran xiiso badnaa oo uu Muj. Xasan Guure Jaamac, Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranku kaga hadlay amuuro khuseeya xaallada dhaqan/dhaqaalle, siyaasadeed iyo bulsho ee wadanku ku sugan yahay isaga oo soo dhaweeyey gogosha nabadeed ee beellaha bariga Somaliland iyo xukuumadda uga furmi doono magaallada Burco. Xog-warankan oo sidoo kale uu Muj. Xasan Guure kaga hadlay tallooyin uu u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo guud ahanaba bulshada Somaliland ayaanu jeclaysannay inaanu lnnaanu laba toddobaad kadib idiin soo gudbinno qaybtiisii labaad, annaga oo doorbidnay qoddobo muhiim ah oo xog-warankaasi xambaarsan yahay oo ka turjumaya wadciga dhabta haatan lagu jiro. Qeybtan waxaa uu guddoomiyaha madasha wadatashigu kaga hadlayaa su’aalo laga weydiiyey hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo oo aymuddo dheer ku soo wada jireen halgankii SNM, isla markaana isaga oo Xasan ahaan aqoon badan u leh guddoomiyihiisii halgankii SNM haatanna Madaxweynaha Jamhuuriyadda ah ay haddana mucaaradad kala horyimaadeen xukuumadda uu madaxda ka yahay, waxaana uu Xasan Guure oo arrintaa ka hadlayaa uu yidhi “Axmed Maxamed Siilaanyo shakhsiyaddiisa duri mayno oo waa guddoomiyahayagii, waa ninkii ugu muddada dheeraa hoggaamintii SNM, laakiin annagu waxaanu duraynaa nidaamka jira ee uu madaxda ka yahay, laakiin Somaliland maanta ayaabay ugu wanaagsan tahay markaad gees qudha ka eegto oo waxaa la filayaa in bari iyo galbeed iyo dhexdiiba ay isu yimaadaan, waxaanse ka digayaa inay noqoto sidii berigii hore oo ay ku dhammaato wasiir la bixiyo iyo laba nin oo wasiirro ah iyo laba oday oo faqa, waayo beeshaas dhulbahante ama Hartiba waa beel ballaadhan oo reer Somaliland ah, muddaynu kala yara jeed-jeednay , nasiib wanaagse maanta haddii la isu soo dhawaadday waxaa haboon inaan laba wasiir iyo madaxweyne aanay arrintu noqon ee waa in si qoto leh loo lafo guraa wixii tabasho ah waayo waa mushkilad qaranku leeyahay”. Sidaa ayuu yidhi Muj. Xasan Guure Jaamac oo weriye A. A. Ciidle xog-warankan kula yeeshay hotel Dalxiis ee magaalalda Hargeysa, laba toddobaad ka hor. Waxaana uu intaa ku daray “wada-hadallada [beellaha bariga iyo xukuumaddu] waa arrin qaranku leeyahay, waxaanay u baahan tahay in si qaran looga wada hadlo, waxay u baahan tahay inaanay qolo moodin in qolo kale lagu bedellayo. Dhawaan waxaan maqlaayay odayaal reer Awdal ah oo ka hadlaaya arrintaas. Ma aha in keenna soo kordhaa uu dhib keenno.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranku, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya hab dhaqanka muddooyinkan dembe ku soo kordhay saaxadda siyaasadda iyo xilalka qaranka masuuliyiinta loo dhiibo “Horta waxaa dhaca in immika wixii [masuuliyadii xilka] baa waxa uu noqday marka nin meesha soo galo in nin meesha ka baxo oo dawladnimadii baa noqotay wax inna wada qaadi waaya. Berigii hore waxaa jiri jirtay in nin idinka ahi haddii uu magaallada yimaado waa lagu farxi jiray, immika ninka xilka hayaa wuu ka naxaa ninka ay is xigaan ee magaallada yimaada, waayo xilkiisa ayuu cidhiidhi ku noqonayaa. Madaxtooyada haddaad immika gasho qolo idinka ah baa didaysa, markaa maaha dawladnimadii inay caynkaas noqoto ee si ay innoo wada qaado waxaa loo baahan yahay in dhammaanteen aynu isu nimaadno oo madal ballaadhan ku kulanno”. Sidaasi ayuu yidhi guddoomiye Xasan Guure Jaamac. Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya dawladnimada iyo shir beelleedyada oo uu sheegay in halka laga soo unkay dawladnimadu ay tahay shir beelleedyada, balse haatan siyaabo qaldan loo fasirto “shirkii Boorame waxaa la yidhaahdaa waxaa uu ahaa shir beelleed, waar dawladnimada halkee lagu dhisay, ma xisbiyo ayaa dhisay?. Shir beelleed baa lagu dhisay dawladnimada, maantana way murkacanaysaa halkay maraysaa, sidaasi darteed waxa ay u baahan tahay in la isu yimaado, iyada oo aan beelna lagu bedelayn beel kale oo shir qaran la qabto, madaxweynuhuna mar haddaanu maanta musharrax ahayn ha hoggaamiyo shirkaas, waayo in badan baan ka hadlay oo aan idhi waxaynu u baahannahay madaxweyne kaalin wanaagsan haysta, maanta haddaba haddii uu madaxweynuhu ka fadhiistay [tartanka] wuu ku mahadsan yahay, markaa waxaan leeyahay md. Madaxweyne ka dembe ee yimaadaa isugu kaaya yeedhi maayee adigaanay waxba maanta kaa daadanayne isugu kaaya yeedh”. Ayuu yidhi Muj. Xasan Guure Jaamac