“Beyd-gaabnimada Siyaasadeed ee Garabka Cabdiraxmaan Cirro Waa Niman Bil Saddex Guuray”-

0
49

Xogahaya Garabka Toosinta WADDANI Eng. Daauud Abiib Axmed

 

Hargeysa (Hubaal)- Xoghayaha guud ee garabka toosinta iyo caddaalladda ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Eng. Daauud Abiib Axmed ayaa naqdiyey hab dhaqanka siyaasadeed  ee garabka Cabdiraxmaan Cirro ee iyagu maroorsaday taladii xisbigaasi. Eng. Daauud Abiib Axmed, Xogahayaha garabka Toosinta oo xalay qoraal ka soo saaray magaallada Hargeysa kaasi oo uu nuqul kamid ah uu Wargeyska HUBAAL helay ayaa uu kaga hadlay fadeexadaha siyaasadeed ee garabkaasi u hor seeday milgihii xisbigaasi ku caano maalay tan iyo aasaaskiisii.  Qoraalkaasi oo uu cinwaan uga dhigay Engineerku ‘’Beyd-gaabnimada Siyaasadeed ee Garabka Cabdiraxmaan Cirro Waa Niman Bil Saddex Guuray’’, waxaa isaga oo dhamaystiran uu  u dhignaa sidan: “Siyaasaddu meeqaam ahaan caalamka waxaa ay u qaybsantaa laba nooc, kuwaas oo kala ah dhisid iyo dumin, sidaasi oo ay tahay waxaa muuqata oo aan daah saarnayn in garabka Cirro horkacayaa ay ku sifoobeen nooca dembe ee siyaasaddu tahay ee Duminta.  Waxaad moodaa inay u tafoxayteen ceebayn aan ku jirin anshaxeena soomaaliland. Waxay ayaamahan dhex dabaallanayaanna ma ah hadal meelna kagama jiro milgihii iyo xasaannadii ay lahaayeen ama ku sifoobi lahaayeen masuuliyiin doonaya in ay hantaan quluubta shacbiga. Horena waan u sheegay inaan xikmad lagu ogayn  hadalladooda meel ka dhaca ah ee xagxagashada masuuliyiintu ku ladhan tahay. Waxaa marag madoon ah oo aanay qirsanayn iyagu halyeynimada Madaxweynaha qaranka Somaliland oo isagu ah Geesgii horumarka, sidaas oo ay tahay qarankan uu hoggaamiyaa isaguna waa geesi, ciidamadiisa kala duwanina waa geesiyiin amaan mudan. eng-daauudWaxaanu u haynnaa ixtiraam, waayo waxaa muuqata inay ka qayb qaataan oo ay u nugul yihiin caawinta iyo taakulaynta dadkooda, markaa bal iyaga oo sidaas ah oo shacbigooda u adeegaya miyay ka qabataa in ninkii burburiyey xisbiga WADDANI ee labada xil isku hayaa uu wax ka sheego ciidammada ammaankeena suga ee hadh iyo habeen u soo jeeda gudashada waajibaadka ka saaran bulshada. Run ahaan waxaan odhan karaa in  haddii aad farmasii gasho oo aad weydiiso in aad Cabdiraxmaan Cirro ka iibiso, waxaa uu kuu dhiibayaa  Kiniinkii Hurdada, hadaad bakhaar gasho oo aad tidhaa iga iibi Xamarji, waxaa uu kuu dhiibayaa Kiishash qamadi ah, kolkaa idinka oo boogo wada leh siyaasaddana kamadhan afxumada birmagaydada iska daaya oo askariga xalay intaad huruday soo jeeday  maad garan waydeen inaaad  la xidhiidhaan taliyihiisa” ayuu yidhi Xogahayaha guud ee garabka toosinta WADDANI, Eng Daauud Abiib.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here