Guriga wajahaddiisa hore waxaa ku yaalla geed wayn oo qudhac ah. Gurigu wuxuu lahaa laba irridood. Mid bannadan iyo mid furan oo laga galo. Ka bannadan hortiisa oo geedka hoostiisa ah, waxaa ku taallay kaabbad. Kaabbadaas ayaanu fadhinay. Waqtigu wuxuu ahaa galin dambe, cadceeddu qabawday. Gurigan aannu hor fadhino midkaayana ma deggena, waa se guri wajahad fiican leh, dadkuna waxay iskaga nastaan kaabbadan iyo hadhka wacan ee isku qoofalan, neecawda qaboobina ka dhacayso. Waddo lugta iyo gaadhigaba u wanaagsan oo raf ah ayaa aqalka hor marta. Aniga iyo saaxiibkay wax arrin ah meesha kumaanu hayne, wax yar ka dib inaanu iska kala tagno ayaanu rabnay.
Meeshii aannu fadhinay waxaa noogu yimi nin haylo xun, oo muuq xun, oo qaab darro badani ka muuqato. Intaanu nala hadlin ka hor, waxaanu markiiba u qaaddanay inuu yahay nin dawarsanaya. “Xabbad sigaar ah ii dhiiba”, ayuu nagu yidhi. Anigu sigaarka ma cabbo laakiin saaxiibkay wuu ku fallanyey bahalka. Markaas uu ninku noo yimiba, midh uu mar hore shitay oo kala badhka maraya ayuu saaxiibkay nuugayay. Ayaanle, waa saaxiibkaye, markuu jeebka gacanta galiyey, isagoo sigaar ka baadhaya, wuu ka waayey nasiib darro. Wuu is illawsanyey ee xabbadii u dambaysay waa kan dhuuqaya baakidhkiina wuu tuuray. Aniga ayaa dabadeed jeebka gacanta galiyey si aan ninka in yaroo lacag ah u siiyo. Wax kun shilin gaadhaya ayay gacantaydu soo qaadday oo aan u dhiibay. Sadaqo ulama niyoon, laakiin Ayaanle ayaan ka maqli jiray xarraaradu waa wax xun oo ragga laguma eego, aniguna ninka xarraarada ka fuji ayuunbaan is lahaa. Intuu lacagtii si degdeg ah iiga dhuftay ayuu isku cayntaariyey tukaan halkaasoo kale ka soo jeeday. Manna uu noo mahadniqin ducadii masaakiinta lagu yaqaanayna kamaanu maqal afkiisa. Inuu dawarsanyo ayaanu markii hore u haysanay, hadda se inuu waallanyey ayaanu u malaynay.
Daqiiqado yar haddaanu meesha sii fadhinay, dariiqii waxaa soo martay gabadh. Gabadh may ahayne waxay ahayd dahab dirac iyo goorggarad loo soo galiyey. Waxay ahayd macdan yar oo aad mooddo in faraha lagu sameeyey. Labadayaduba si anshaxa ka baxsan dastuurkana baal marsan ayaanu indhaha uga dhex saarnay. Markay aragtay inaanu ku maqanay ayay iyaduna waxay haysayba nagu casuuntay. Way is ruxday: lakax fakax, lakax fakax, markaasuu annagana wadnuhu na qaadqaadmay. Socodkay ku raxlaysay annaguna fadhigaanu ku rabaasnay. Dhulkay ku dekeysay annaguna fadhigaanu ku dayaanay. Indhaha ayey nagu soo yara halacsatay, markaasay meel heblaayo na xanuuntay. Labadayaduba afka ayaanu kala haynaa laakiin war isuma hayno. Hiidbaa na jiidanaya, mooyi se meel uu nagu wado. Waxay ahayd gabadh shushuban, qaarka sare u dhuuban, qaarka hoosena ka barwaaqaysan. Sidii qurraarada kookakoolaha ayay u samaysnayd. Waxay ahayd aniga noocaygii ama dadkaygii. Shalmada liimiga ah iyo diraca barta cad iyo barta madaw isugu jira ayaa shacnigeeda soo saaray. Inay dawo is marisay iyo in kale mooyi, laakiin waxay ahayd gabadh midab ahaan cad.
Niyada ayaan ka sawirtay anigoo ka daba kacay oo la hadlay. Oo maxaan ku idhi? Hadalku lacag iguma joogee, intoon shan meelood iska jabiyey qoortana sida maska laba jeer gundhiyey, oo aan dheega ka raacay, ayaan ku idhi ”Wooof! billaa shuruud ayaad inaabti adigu jannada ku galaysaa. Waxaan kuugu yeedhaba garan maayo jukulaatooy!”. Haddana intoon cidhbaheeda ilaa miskaheeda sidaa indhaha ugu sallabeeyey ayaan idhi “Waxan oo dhan inaabti ma adigaa iska leh? Amaah maba noqon karaane, Illaahaw aanay ammaano kugu noqon, waayo maba celin kartid”. Iyadoon wali ii jawaabin ayaan u raaciyey “Qolomaa tahayna walaal?”. Intoon is badh qabtay ayaan degdeg uga daba geeyey “Macnaha ma xaafadahan ayaad gashaa?”
Akhaseey! maxaan ku hadlay? Qolomaa tahay waa afma? Su’aashaasaa i qarribtay dabadeed intay sanka, afka iyo indhahaba sidaa iyo sidaa kaga siiyey, ayay huruuf igaga qaadqaadday. “Waxyaw dibjirka ahi hanala qabsan”, ayay igu tidhi, iyada is jajabinaysa. Khajilaad waa taa dhulku ila wareegay. Tollow cidi ma ku arkaysay? Laakiin maxay cidi i aragtaa soonigan meeshaydii wali fadhiya maaha. Hadalkuun baa niyada isaga gayn-gaynayee, afkaba lamaan gaadhin oo waanigan kaabbadii hawaara. Iyadaduna waa taa sii socota ee sinaha iyo miskaha ruxaysa. Saaxiibkay waa kan sidii adhi haraarryoonaya carrabka soo laalaadiyey indhihiisana aad mooddo inay ilmo ku soo taagantay.
Siday isu sii weedhaaminaysay ayey sekedda dhammaadkeeda ka laabatay annaguna indhaha ayaanu ka daba laabnay sidii oo ay xoolo naga sidato. Markaas ayaa saaxiibkay Ayaanle hadal awoodiisa ka baxsani ka soo boodday. ”Duulku waa ballaayo loo baahanyey”, ayuu si daacad ah u yidhi. “Ragguna maxay yihiin markaa?”, ayaan ku jikaaray. Markaan su’aashaa wayddiinayo isagu wuuba kacay oo sii socdaa oo tallaabada hoosta ka boobayaa. “Waar waa xaggee?”, ayaan ka daba tuuray, laakiin dheg jalaq iima siin. Markaan isaga sii eegayo, ilqoodha ishayda, oo dhanka midig ah, waxaan dareemayey hummaag qof oo igu soo socda. Ayaanle siduu u soo socday ayuu ka daba laabay gabadhu meeshii ay ka laabatay.
Markii aan isaga ka soo jeestay, waxay indhahaygu ku dhaceen, ninkii diifaysnaa ee aannu lacagta siinay oo igu soo socda. Waa hummaagii aan il qoodha ka arkaayey. Niyada ayaan mar labaad ka hiifay, anigoo is wayddiinaya wuxuu iminkana doonayo ee uu iigu soo noqday. Dariiqu sidan muu ahaan jirine hadda wada shaxaad ayuu noqday, ayaan hoos isugu leeyey. Ninku Gacanta ayuu ku sitaa xabbad sigaar ah oo aan shidnayn.
“Dab ii dhiib”
“Ma cabbo sigaarka”
“Ninkii kula fadhiyey mee?”
“Mooyi, wuu kacay uun. Ma dabkaad ka qaaddan lahayd?”
“Haa”
Dhulka ayuu sidaa u eeg eegay, isagoo raadinaya haashkii saaxiibkay tuuray bal inuu meelahaa ka muuqdo, wuu se ka waayey. Dadka waddada maraya ayuu isha sidaa ula raacay, isagoo ka dhex baadhaya qof sigaar cabbaya, si uu uga shito, laakiin wax sigaar cabbayaaba meesha ma marayn. Halkii saaxiibkay ka kacay ayuu dabadeed salka dhigay oo iska fadhiistay. Waa dhicayga midig. Madaxa ayuu salaaxayaa kolba, gadhka ayuu misena jiidjiidayaa, shaarubaha iyo afka ayuu markale gacanta sidaa ugu camcaminayaa. Maskaxdaydii gabadha is ruxaysay ay amar la’aantayda ku maamulaysay, iminka waxay ku foogantay ninkan i dhinac fadhiya ee is rifaya. Mararka qaar intuu waddada eego, ayuu cabbaar indhaha ku illaabayey. Waxaad mooddaysay inuu duni kale daawanayo ama la joogo. Sidii aannu gabadha indhaha ugula maqnayn ayuu isna ugu maqanyey meesha uu eegayo. Wax aanan arkayn ayuu isagu arkaa. Wuxuu isagu arkayo ciddiba la arkimayso. Waxaan is wayddiinayaa waallidu waxay tahay? Marka la waasho maxaa dhaca? Maskaxda maxaa ku dhaca? Waallidu waa maxay horta? Markaan wayddiimahaa maskaxdayda isu daba dhigo, ee aan kala soo noqdo farmadhnaan iyo jawaabo la’aan, ayaan isku qanciyaa in waallidu tahay xaalada ninkani ku suganyey. Waallidu waa tan dhicayga fadhida. Aniga laftayda ayaaba waallan, waayo waligay maan waalane maxaan waalli iyo waxaan la ii dirsan isu wayddiinayaa? Illaahaw ha na waallin.
Hal mar ayaan, mar labaad ninkii kor iyo hoos u eegay. Waxay ishaydu qabatay madaxiisa. Dhinacyada ayuu timo badan ku leeyey, laakiin dhakada sare waa qafiif ama wax hagaagsani kuma yaallaan. Nin waalan oo bidaar leh waa ii kaw. Waxaan cabbaar eegay madaxiisa. Waa maxay bidaartu? Waa timo la’aan. Waa maxay timo la’aantu? Waa dhako qaawan. Dhakada maxaa qaawiyey? Timaha ayaa ka guuray ama iskaga tagayba. Timuhu xaggeebay u guureen ama iska tageen? Waxay iska tageen meesha bidaartu ka timi. Oo waa halkee meeshaasi? Waa meelaan adduun iyo aakhiro toonna ahayn. Anigoo wali isaga ku maqan, ayuu i soo jalleecay, markaasay indhahayagu is qabteen. Degdeg ayaan uga jeestay oo aan gafuurka dhanka kale u jeediyey.
“Maxaad madaxayga ka eegaysaa?”
“Waxba, ishuunbaa igaga dhacday”
“Ma bidaartayda ayaad la yaabbantay?”
“May! Maxaa igu wata oo aan ula yaabbayaa!”
Baqdin aan ka qabo bidaarta iyo necbaansho aan u hayo, ayaan indhaha ugu ilaabay ninka madaxiisa. Qaddar yar ayaanu kala aamusnayn. Qosol ayuu kaga gah gah siiyey, “Waar bal adduunyadan eega!”, ayuu markii xigtayna yidhi. Cabsi ayaa i gashay. Ilayn waa ninkaas waalane inuu igu kaco, oo uu dhagax igu bashaaqiyo ayaan ka baqay. Bal maxaa igu watay ee aan madaxiisa baas ka eegayey? Markuu meesha soo fadhiistay bal maan isaga kaco, maxaa i sii fadhiisyey meesha, saaxiibkayba iskaga tagye? Sigaarkii oo aan shidnayn ayuu afka galiyey, haddana ka saaray oo farta murddisada iyo fardhexada badhtankooda ku qabtay, markaasuu madaxa, wajiga ilaa gadhka, gacntiisa kale, sidaa ugu soo wareejiyey, sidii wax fooldhaqanaya.
“Waxaan ku idhi”, ayuu yidhi. Cod aad garanayso inuu ka soo baxay ruux digtooniyi ku jirto oo dacfi iyo gargarriirba ka muuqdo ayaan “Haa”, ku idhi. “Anigu bidaar ma lihi ee timahaygu fasax ayay ku maqan yihiin”. Waa wadheenii iyo waxeenii xilka lahaa! Nin waalani waa nin waalan, ayaan niyadda ka idhi. Halka uu hadalka ka billaabay, waxaa ii muuqata inuu qarxi doono oo uu xanaaqiisa mar bannaanka soo wada dhigi doono, anigana nabar igu dhufan doono. Baalla daymoodka ayaan badiyey, kolba dhan ayaan eegayaa, inuu i dareemana waan iska ilaalinayaa. Saaxiibkay oo aanan tagistiisa iyo maqnaashiyiisa toonna markii hore dan ka lahayn, hadda waxaan aad u jeclaan lahaa inuu ka soo muuqdo meeshii uu ku libdhay. Abaal ayaan uga hayn lahaa hadduu igu soo laabto, waayo ballaayada ayaan ka weheshan lahaa. Ballaayo lagula qabaa soo kama ayaan roona mid kaligaa cidlo kaa heshay oo kugu yurursatay? Saaxiibkay gabadhii ayuu kollay xilligan gidaar la taaganyey oo uu lambarka ka soo qoran rabaa. Hadduu doono wuu u sheekeynayaa oo ku akhriyayaa beentiisii uu hablaha qalbiga kaga xadi jiray.
“Timahayga iyo dhakadayda inta bannaan ayay idinka wadi wayday”, ayuu ku bilaabay hadal xidhiidh ah oo aan xiiq tirasho lahayn. “Qof walba waxaa loo diray iinta dadka kale. Ceeb qof kale ayuunbaa lagu wada shuqlanyey. Qofna isagu hoos isuma eego. Ballanbalka iyo bayhoofka guud ee ummada iyo arligaba jaanjaamiyey wax yarbaa og oo ka hadla, haddii kalena cidiba kama war hayso. Bal inta waxee laga yakh-yakhsiiyoodo ee wadda kasta yaalla, ee surin walba daadsan, ee luuq walba sudhan eeg. Waxaasoo foolxumo ah ma bidaartaydaa qarisay?”. Baqdintii iyo shakigii hadda si yar si yar ayuu iiga soo baxayaa. Si aad yar yar ah ayaan uga soo deggayaa rakadii aan markii hore fuushanaa. Su’aalo ku wii hore ka duwan ayaa maankayga ku soo dhacaya. Iminka inuu waallanyey uma arko inuu miyir qabbana u malaynmaayo, wax kaloon ku sheegana garanmaayo. Wax horta labadaa u dhexeeyaa ma jiraan? “Dadkoo dhanbaa bidaar wada leh. Qofna tiisu way muuqataa, sidaydaydoo kale, qofna tiisu ma muuqato. Dadka xumaha mooyee aan waligood wanaagba ka shaqayn dadnimada ayay ka bidaaraysan yihiin. Sidaa timahayga maalinba in yari u soo ruqaysay ee ay u wada yaaceen, ayay iyagana dadnimu aad yar aad yar uga guurtay ilaa ay iska waayeen gebigeedaba. Kii loo diray inuu ummada dantooda ka shaqeeyo ayaa ka danaysanaya. Miyaanu iimaanka bidaar ku lahayn? Ka jidgooyada dadka u gala, ee ka furto waxay sitaan iyo ka habeenkii guryaha u soo dhaca iyo ka qalinka wax ku xadda ee xafiis fadhiyaaba waa saddex tuug oo qalbiga bidaar ku leh. Kaa qalinka sita ayaa ugu bidaar wayn. Haddaan inteena wax hoggaaminaysa, wax garadkeena, aqoon yahankeena iyo haldoorkeenu damiirka bidaar ku wada lahayn ma sidan ayaynu ahaan lahayn? Bal kuwan ganacsatada isku sheegaya ee waxay ka naxayaan aanu jirin eeg? Askarigan ilaa laaluush loo dhiibo aan indhuhuba u furmayn arag? Maxakamad waligaa wax ma kaa galleen? Sharciga iyo xeerkaba waa la kufsaday, markaasaa bilaa meher lagu uureeyey. Toddobaatan jeer ayaa sharciga iyo xeerarkuba garcadeen. Dhaqanku goormuu ganacsi iyo wax lagu shaqaysto noqday? Waa maxay odey dhaqameedkan bahalka noqday? Mid dhakhtar ku magacaaban oo shahaado sita ayaa loo keenayaa qof naftu hayso ama ay ka gurmayso, ilaa loo dhiibo iga wallaa inaanu tallaabo qaaddayn. Dhammaantood bidaar ayey leeyihiin, waliba mid ballaadhan oo isku wareeg ah. Ta qarsoon ee halista ah ayay leeyihiin. Aniga tayda dawo iyo timo ardafiishal ah iyo waxbaa loo helaye, tooda xataa dawo ma leh. Illaaha timaha iga xaalufiyey ee aan dadnimada, diinta, akhlaaqda, damiirka iyo xishoodka aan bidaar igaga ridin ayaa mahadaa leh”.
Shakigii markan toos ayuu iiga wada baxay. Inuu miyir qabo ayaan ku qancay. Laakiin waxa sidan u galay ee uu la fool xunyey ayaan haddana la yaabbanay. Kalsoonibaa i gashay. Waanigan sidii qof magnnad haysto u nuuxsan la’ ee u isaga uun dhagaysanaya. Wayddiimihiisa qaar, si hoos ah, ayaan haa uguga jawaabayaa. Qaarbaan se amakaaga iyo layaab ku dhuganayaa. Isaga iyo waxa uu ka sheekeynayo maxaa soo kala maray ayaan mar mar is leeyey ma kala hadashaa. Laakiin haddana kuma dhaco. Armaan bad gala? Maxaa sidan kaa dhigay, xaq miyaan ugu leeyey?
Anigoo damacsan inaan hadalka la sii wado oo su’aalo wayddiiyo ayuu si yaroo fudud ninkii u kacay, una dhaqaaqay. Waddada toosan ee hortayda ku beegan ee xaafadaha dhex marta ayuu cagta saaray, dibna iima soo jalleecin. Anigu waan fikirayaa. Waxaan ka fikirayaa wax badan. Hadalkiisii ayaa niyadayda ku soo noqnoqonaya. Ma runtiibaa? Dadku ma bidaar ayey wada leeyihiin? Bidaar qarsooni miyey jirtaa? Saaxiibkay oo qoslaaya ayaa halkii uu markii hore ku libdhay ka soo mudh yidhi. Gabadhii idin soo hor martay maxaad sida bawdawda uga eegayseen?, ayaa igu soo dhacday. Iyadu maxay isla kala guraysay, may xishooto? Xishoodka ayey bidaar ku lahayd annagana asluubta wanaagsan ayaa na xaalluftay oo aannu salxamo dhaadheer ku lahayn. Dad waynaha ayey ku badantay bidaartu.
Khadar Cabdi Cabdillaahi.
Fiyeena, Ustari.
Khadarcc98@hotmail.com
Sirsomali.com
Qormadan Oo Faahfaahsan Halkan Ka Akhri