Doorashadu Wakhtigeedii Waa Ay Ku Dhici Kartaa Dalkuna In Cirro Laga Badbaadiyo Ayuu Baahanyahay. W/Q: Abdinasir Ibrahim Saacadaale
Markii Lewis Hamilton oo ah dareewal kaxeeya baabuurta dheereeya ee lagu baratamo (fromula 1) ay dhawaan soo food saareen guul darooyin is daba joog ahi, waxa uu sheegay in aan dhibaatooyinkiisu ahayn nasiib xumo oo kaliya. Inkasta oo aanu si toos ah farta ugu fiiqin, haddana hadalkiisa waxaa dad badani u fasirteen in uu farta ku fiiqayay hogaamiyeyaasha Shirkadda Marcedes oo ahaa cidda samaysay gaariga uu ku baratamayay.
Abaarahan soo noqnoqanaya iyo oodo luladkan, horumarka iyo adeegyada bulsho ee aan sidii loo baahnaa uwada baahsanayn, heshiisyada caalamiga ah oo aan intooda badan dadka loo soo wada bandhigin masuuliyadaha iyo xuquuqaha ka dhalanaya, kacaa kufka ka muuqda siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliland iyo dhibaatooyin kale ee badan ee dadku ka cawdaan ma aha qaar ka dhashay nasiibka iyo farasamo xumada dawladda haatan talada haysa, balse waa hogaanka mucaaradka oo liita iyo baarlamaan jira oo aan tayo lahayn; iyada oo hogaankii labadubana cid qudha gacanteeda kuwada jirto.
Sida muuqata, inta badan dadka reer Soomaliland waxa ay rabaan in Xisbiga Kulmiye talada dalka sii hayo, inkasta oo khaladaad badan oo saxid u baahani jiraan. Tanina waa mid ka dhalatay jiritaanka dareen ku baahsan bulshada dhexdeeda oo ah in aan cadawgooda koobaad ahayn dawlad aan sidii loo rabay wax u wada qaban ee ay tahay dhibaatada u weeyn ee dalkan ku habsatay iyo halista ugu weeyni ee ay tahay in dalkan iyo dadkan laga badbaadiyaa mid ka imaanaysa wakiilo iyo mucaarad magan u ah danaysiga iyo hogaaminta liidata ee Guddoomiye Cirro.
Hore u may soo marin taariikhda Soomaliland hogaamiye mucaarid iyo mid aqal wakiilo oo ka aqoonyar dhanka sharciga iyo dawladnimada, ka karti daran kana liita Cirro. Dhawr iyo toban sanno oo uu xubin iyo hogaamiyaba ka ahaa Aqalka Wakiilada ayaanay muuqan waxqabad iyo guul la sheegi karo oo uu degaankii soo doortay iyo qaranka toonna la hor yimaaddaa.
Mudadii uu hogaaminayay wakiilada
Xubin baarlamaan waxa lagu qiimeeyaa sida uu wax uga qabato, isuguna dheelitirto baahiyaha degaankii/gobolkii soo dooratay, baahiyaha qaranka guud ahaan iyo danihiisa qofeed. Kahor inta aanu hogaamiye baarlamaan noqon, Guddoomiye Cirro waa wakiiil degaan. Marka sidaa loo fiiriyana su’aasha meesha imanaysaa waxa ay noqonaysaa Cirro muxuu ka qabtay baahiyihii dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo kuwii kale ee bulsho ee yaallay degaanka uu ku mushahar qaato in uu matalo?
Waxa kale oo iyana isweeydiin mudan, Cirro intii uu horjoogaha ka ahaa wakiilada, maxaa sharci la baasgareeyey (tiro iyo tayoba), maxaa shuruuc wax-ka-beddal lagu sameeyey ilaa xadkee buuse ku hogaamiyay aqalkaa uu masuulka ka ahaa in uu guto waajibaadkii degaan iyo kuwii qaran ee saarnaa xubnaha aqalkaasi? Su’aasha intaas oo dhan ka sii muhiimsan ayaa noqonaysa horto Cirro ma garanayaa shaqada Gudoomiye Aqal, kartideedse ma leeyahay? Haddiiba dadka qaar ku doodayaan in ay jirtay cid ka xoog badisay oo uu ka gudan kari waayay xilkii ummadeed ee uu u dhaartay, mawaxaynu nidhaahnaa Cirro masuuliyaddiisii wuxuu dhaafsaday 2000 ee doollar ee uu mushaharka uga qaato, gunada iyo magaca uu ku maxaabsado ee afyaheeynka aqalka. Waxa run ah in aqoon yarida, iyo karti darida Cirro ay u dheertahay damiir xumo.
Mar iyo laba waa ay jiraan la xusi karo oo guddoomiye Cirro uu abaabul galay intii uu hogaaminayay aqalka wakiilada waxaase hubaal ah in aanay ahayn qaar uu u galay dan guud iyo gudashada waajibaadkii qaran ee saarnaa ee ay ahaayeen dan qofeed. Waa markii uu ka baqay in kursiga guddoomiyenimada laga qaado oo uu soo abaabulay jifadiisa hoose iyo suldaanka reerkiisa, taasoo lafjab ku ahayd qaranimada.
Hogaamintiisa Mucaaradka
Haddii waajibaadka hogaamiyaha mucaaradka ee la isla aqoonsanyahay tahay in uu dood geliyo siyaasadaha dawlada markaas talada haysa oo uu goldaloolooyiinkeeda indhaha bulshada kusoo jeediyo, islmarkaana dhiirigaliyo la xisaabtanka dawladda iyo in uu keeno siyaasado beddel u noqon kara kuwa jira, isagu waa uu kuguuldarraystay. Waxaa cad Cirro in aanu garanayn shaqadiisa ka hogaamiye mucaarid ahaan; iyo inaanu hayn aragti lagu badali karo ta haatan lagu dhaqo dalka. Waana labadan arrimood oo laysku daray dhibtiisu marka la fiiriyo sida ay taladii xusbiga mucaaradka ah ula wareegeen kaadiradii iyo hawlwadeenadii xukuumadda haatan talada dalka haysa iyo xisbigeeda katirsanaan jiray ee dhawaan ku biiray.
Hadii taariikhdiisa loo fiirsado, Cirro waa nin ku maxaabsiga xilku kaga weeynyahay gudashada waajibaadka xilkaa, isla markaana aan ahayn qof damiirkiisu joojiyo. Cidii taa diidani ha eegto sidii uu ugu shaqaysanay shaambadii Siyaad Barre ee Safaaraddii uu katirsanaa isaga oo Siyaad Barre sii mootan sanado. Cirro waxa uu shaambaddii Qunsulnimo sii sitay ilaa uu uga wareegayay Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Soomaliland oo uu isna danihiisa gaarka ah ugu adeegto. Waana sababtan ta aanu u rabin in doorasho dhacdo ilaa uu ka hubsanayo in uu shaqadan gudoomiyaha baarlamaankana uga wareegi karo ta ugu saraysa dalka ee madaxwaynenimo oo aan la hubin halka uu dalkan geeyndoono.
Qabashada doorashooyinka
Aragtida ay mudooyinkan dambe aad u riixayaan hogaanka Xisbiga Wadani ayaa ah in aan doorasho la qaban karin xilligan abaaraha jira awgood. Dooddani waa mid xaqiiqada aad uga fog marka la fiiriyo laba arrimood. Waa ta koobaade marka taariikhda dib loogu noqdo bisha March ma aha markii koobaad ee la qabto doorashooyin. Doorashooyinkii dalkii la isku odhan jiray Soomaliya ka dhacay sanadihii 1959, 1964, iyo 1969 dhammaantood waxa la qabtay bisha March oo ah bil jilaal inta badan dhulka Soomalidu degto. Waliba iyada oo xilliyadaa horena dadku reer miyi u badnaayeen halka iminka magaalooyinka loo badanyahay.
Dooda labaad ee ah iyana ah in dadkii ka guureen meelihii ay deganaayeen oo ay u guureen meelo kale ayaa ah mid jaban marka la fiiriyo xaqiiqada ah in doorashada dhacaysa bisha March tahay tii madaxtooyada oo aanay ahayn tii wakiilada. Maxaa looga baahan yahay in qofku joogo degaankiisa haddii aanu dooranayn wakiil baarlamaan? Qofkasta oo ku jira xuduudaha Soomaliland waa in uu u codeeyaa murashaxa u rabo isaga oo jooga goobta uu markaas ku sugan yahay. Tani waa arrin farsamo inka badan inta ay tahay arrin sharci, waana arrintaa farsamo ta ay tahay in xal loo helaa, mana mudna in doorashada dib loogu dhigo sababo aan sidaa usii ridneeyn.
Marka la soo urursho, dhibta ay tahay in dalka looga warwaraa maaha abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee dabiiciga ah, waxayse tahay in laga warwaro in talada umaddu u gacan gasho cid aan karti iyo damiir qabta toona lahayn.
Qalinkii: Abdinasir Ibrahim Saacadaale