Bilayska Somaliland Oo Ka Hadlay Baadhis Ay Ku Bilaabeen Qaabka Uu Barkhad Batuun U Dhaawacmay

0
12

Hargeysa (Hubaal) Ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay inay baadhitaan ku samaynayaan nooca rasaasta ku dhacday dadkii ku dhaawacmay mudaharaadkii dhawaan mucaaridku isugu baxeen caasimada hargeysa. waxa dadka dhaawacu soo gaadhay ka mid ah xildhibaan Barkhad Batuun oo kamid ahaa masuuliyiinta xisbiga waddani ee soo abaabushay mudaharaadkaas, kaas oo la sheegay in rasaas lugta kaga dhacday.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidanka booliska oo lagu faafiyey bogga facebook ee ciidanka booliska Somaliland ayaa lagu yidhi sidan:

**Warsaxaafadeed**

Taariikhdu markay ahayd 9/6/2022 waxa ka dhacay magaalada hargeysa Mudaharaad aan Sharci ahayn oo ay abaabuleen Xisbiyada Mucaaridka ah, Ciidanka Booliskuna u maareeyen uguna hor tageen sidii ugu wanagsanayd.

*Hadaba Ciidaanka Boolisku ma adeegsan Rasaas nool,halka Ciidanka lala dhacay rasaas nool una adeegsadeen Ilaalada Gudoomiyaha xisbiga WADDANI iyo musharaxiisu.

* Waxaa kale oo Ciidanka lagala hor yimid gacan ka hadal badan Sida SHIID, BAKOORADO, iyo aflagadooyin badan.

Hadaba waxaaso dhan Waxuu Ciidanku ku maareeyey Si nabadgalyo leh, Isagoo adeegsanayaa rasaasta rabadhka ah iyo waxyaalaha kale ee Booliska caalamku Kaga hortago Isla markaana kula tacaalo Rabshadaha.

waxaa nassib darro ah in ayaamahan udambeeyey baraha bulshada (Socil media) Lasoo dhigaayey xildhibaan barkhad Jaamac iyo rag kale oo la leeyahay Rasaas nool ayaa ku dhacday, Iyadoo lagu Cambaaraynaayo Ciidankan Booliska Iyo qaranka somaliland.

Sida darteed Ciidanka Booliska oo kaashanaya Dhakhaatiir aqoon u leh Arimahan Waxay baadhiis Deg-dag ah ku samaynayaan natiijada dhaawaca ay sheegeen mucaaridku si xaqiiqada loo ogaado sharcigana loo waafajiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here