BILLAD GEESI: Sahra-Halgan Iyo Cabdinasir Macalin– Qalinkii Mustafe A. Nuur

0
147

 Sahra Ahmed Maxamuud oo loo yaqaanno Sahra-halgan, waxay ku dhalatay magaalada Hargeisa, waxaanay iyada oo da’ yar magac ku yeelatay fan ka. Sahri waxay ku soo caan baxday oo magaceedu shaanshaan uga dhacay dulmi nacaybkeedii iyo door kii ay ka qaadatay halggan kii hubaysnnaa ee lagala hortegay xukun kii milatariga ahaa ee Siyaad Barre.

Cabdinaasir M. Cayddiid, waa fannaan, abwaan iyo mulaxam muusiga heesaha lagu iidaamo dejiya. Waa taabud magaciisa iyo wax soosaar kiisu kun jeer ka da’ weyn yahay cimrigiisa. Cabdinaasir ma laha taariikh halgan oo qudh ah, taa soo ka soo billaabmaysa waagii halgan ka; kuna dhammaanaysa guushii laga gaadhay dagaal kii hubaysnaa ee lala galay maamulkii Siyaad Barre. Ka sokow, gobanimo jacayl ka ku kalifay in uu halgan kii Somaliland lagu xorreeyay ka qayb galo, Cabdinaasir wuxuu ka mid ahaa dad kii horumariyay fan kii waayadii dhexe, islamarkaasi waxaan u aqoonsanahay in uu yahay farshaxan badbaadiyay fanka burbur kii ka dib.

Mustafe Aadan NuurSidoo kale, fankan casriga ahna waxa uu u yahay barta uu ka soo biqlo, iyo mishiin soo saara dhallinyarada fannaaniin ta ah ee wakhtigan. Haddaba, ummadaha dunida ku dhaqan oo dhammi waxay leeyihiin dadyow si gaar ah ugu suntan halgamadooda iyo dhammaan guulaha ay nolosha ka gaadheen. Qof waliba waajibaad ka uu nolosha ku leeyahay hadduu si hagar la’aan ah uga soo baxo, waxa uu mudan yahay in lagu xasuusto oo lagu xuso .

Halgan walba waxa ka dambeeya ujeeddooyin: sida aan lagu murransanayn ugu horreyn waa in cadaadis maamul la iska tuuro, kadib na mid isaga dhaama la dhisto. Sidaasi oo ay tahay, kolka guulaha halgamada laga rajaynnayo la gaadho, haddaan la xasuusan dadyowgii halgan kaasi gacanta ku lahaa, waxaa suuro gal noqon karta in wixii dhalliyay colaaddaasi oo dhan dib loogu noqdo. Waxa kale oo xasuusnaanta halggan ku wax ka tartaa sii xoojinta iyo joogtaynta nabad ku wada noolaanshaha. Halgamayaashu na waxay astaan u yihiin qiimaha uu halgan kaasi lahaa. Sidoo kale, waxaa xusuusashada halgan ka lagu calaamadsan karaa taallooyin iyo shaqsiyaad si gaar ah loogu xuso dedaal koodii ay kaga qayb qaateen is xorreyn tii.

Xuska iyo magac-dhowga qof kasta oo naftiisa u huray in uu dad kiisa ka xorreeyo dulmi iyo hagardaamo, waa taariikh waana dhaxal u hadhaya jiilka dambe, kuna abuuri doona ku faro-adaygga xornnimadaa dhiiggu ku daatay.

Sidaasi oo ay tahay, Sahra iyo Cabdinaasir waxay ahaayeen lammaane halgankii SNM laydhka u shiday. Waxay soosaareen heeso aad u tiro bada.

Heesaha iyo fankooda ba waxay ku dhiirri gelin jireen dhallinyaradii hubaysnnayd. Waxay ahaayeen buun iyo carroog. May ahayn fannaaniin heesahooda cajallado laga dhegaysan jiray, waxay ahaayeen geesiyo taagnaan jiray furrimaha dagaal ku ka socdo.

Codka Sahra iyo kaban ka – cuudka wadnaha xula ee Cabdinaasir waxay ahaayeen wehel iyo dugsi laga xigsado dhiilladii halgan ka. kolka ay wada jir heesaha tirtirsiga ah u qaadayaan waxay nafta ku beeri jireen kalsooni iyo rajo, waa lagu nafisi jiray, qalbiyadana waxay gelin jireen xasillooni.

Si kastaba ha ahaatee, halgan kaasi dheeraa baahidiisii ugu weynnayd waxay ahayd isku-duubni. Wada jirkaasi iyo wax wada qab kaasi hiil joogto ah ayuu u ahaa halgamayaasha, gacma is haysashadaa la’aanteed na la iskama dhiciyeen dawladdii milatari ga ahayd. Qalbiga oo dareen isku mid ah iyo waddaninniimo wadaaggay ayaa saldhig u ahaa in laga badheedho halgan kaasi. Heesaha iyo guubaabada Sahra iyo Cabdinaasir na waxay halbowlle u ahaayeen abuuris ta jawigaasi. Iyadoo ay Sahra iyo Cabdinaasir ba ka horreeyeen halgamayaal uu ka mid ahaa Maxamed Mooge Liibaan, haddana Maxamed kadib iyo soo gelitaan kii magaalooyin ka waxa calan kii halgan ka garbaha ku qaatay, Sahra-halgan iyo Cabdinaasir.

Waxaa xusid mudan in, fan ka iyo suugaan tu ba ay ahaayeen hub aan hanta u baahnnayn oo halgankaasi tiir u ahaa. Holac-caasi ayay suugaan tu guud ahaan guubaabo u ahayd. Suugaan tu waxay isku xidhi jirtay dhallintii cuduudka ka tallowday iyo intii magaalada ku hadhay. Waxa uu ahaa xidhiidh duunku is ogyahay oo dhallinyaradaasi ay goor walba quluub ta ka wada sheekaysan jireen. Xidhiidh kaasi waxtar kiisii waxa uu dibada u soo baxay oo loo aayay maalmihii SNM ay soo gashay gudaha magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Waxa halgan kii sii hurriyay dhallinyaro baraarugsan oo ay Sahra iyo Cabdinaasir na ka mid ahaayeen. Heesaha iyo suugaan ta qaybaheeda kale ba waxay abuurri jireen dhiirranaan iyo lahaansho ay dhallinyaradu dareento waddaniyada iyo door ka ay maalin taasi ku lahaayeen oo ahaa in ay dhiiggooda u daadiyaan xornimo iyo madax-bannaani.

May jirin warbaahin xor ah oo ka soo warrami jirtay tacadiggii iyo dhibtii xukuummadii milatariga ahayd ay ku haysay bulshada Somaliland. Waxaa la weheshan jiray oo weliba dambi ahayd suugaanta— hees iyo gabay ba. Iyadaa warrami jirtay, iyadaa wixii la yeelayana tilmaami jirtay. Kolka nabad la haysto suugaan tu waxay buuxisaa kaalmo kale oo bulshada dhexdeeda lagama maarmaan ku ah.

Haddaba dhammaan dad ka intooda maalin baas ta aan dhuuman ee halkaa inta ay u baxaan bulshadooda garab joogsadaa waxay xaq iyo maamuus u leeyihiin in la xuso oo la xasuusnaado.

Mustafe Aadan Nuur

manmustafa@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here