Masuuliyiin kormeeray goobaha biyo-xidheenka loo qorsheeyey dhul-beereedka degmada Faroweyne oo lagu fulinayo mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Madaxda Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo wehelinayey, ayaa kormeer isugu jira indho-indhayn iyo wargelin bulsho ku soo maray dhul-beereedka Degmada Faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex oo laga bilaabayo hirgelinta biyo-xidheenno loo samaynayo beeraha Gobolka Maroodi-jeex iyo gobollo kale oo dalka ka mid ahba.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md. Faarax Cilmi Geedoole oo ay wehelinayeen Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi iyo hawlwadeenno kale, ayaa kormeeray dhul-beereedka Demgada Faraweyne iyo tuulooyinka hoosyimaada, gaar ahaan meelaha loo qorsheeyey biyo-xidheenno lagu samaynayo qulqulka biyaha dooxyada oo qayb ka ah mashaariicda laga fulinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo dhawaan la bilaabayo.
Weftigu waxay kormeerkooda ka bilaabeen dhulka taagga ah ee ay ka soo rogmadaan biyaha roobka oo waxyeelo u gaysta dhul-beereedka iyo tacabka la geliyo, isagoo Wasiir Geedoole sheegay in ka bilaabi doonaan shaqada biyo-xidheennada ay wadaan.
Prof. Faarax Cilmi Geedoole waxa uu sheegay in biyo-xidheennada laga fulinayo mashruucan Sanduuqa Horumarinta qaybta wasaaradiisu ka heshay ay gaadhi doonaan 16 kun oo beerood, kuwaas oo shaqo ay ka heli doonaan dadka beeralayda ah, isla markaana arrintaasi ka timi hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo, waxaannu yidhi, “Arintani iskamay iman ee waxay ku timi hoggaaminta fiican ee Madaxweynaheenna oo isagu arrimahan si gaar ah noogu igmaday haddii aannu nahay bahda Wasaaradda Beeraha.”
“Waxaan idiin sheegayaa inuu mashruucani ka duwan yahay kuwii hore ee ay lacagtiisa cid kale inoo maamuli jirtay, waxaanna hadda fulintiisa iyo maamulka lacagtiisaba iska leh Somaliland oo waliba dadkiinna degaanka Faraweyne ayaa maamuli doona,” ayuu yidhi Wasiir Geedoole oo la hadlayey dadweynaha tuulada Aburiin oo weftiga u sameeyey casuumad qado sharaf ah.
Sidoo kale, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Cabdillaahi Dheere, ayaa dadweynaha beeralayda ah ku wargeliyey bilowga mashruuc faa’iido wayn u leh dalka, waxaannu yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa hawshii aynu 12-ka bilood ka foolinaynay maanta ayey inoo dhashay, mashruuciina waakaa uu wasiirku inoo furay.”
Badhasaab-ku-xigeenka Gobalka Maroodi-jeex, ayaa ka warramay muhiimada biyo-xidheennadan oo keenaya in wax-soo-saarka dalku kor u kaco, isagoo hirgelinta mashruucan si wayn ugu ammaanay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu xusay inuu ka mid yahay ballamihii uu shacabka hore ugu qaaday.
Guddoomiyaha Degmada Faraweyne Faysal Dheere, ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan oo uu tilmaamay in dadweynaha degmadiisu u riyaaqeen, “Annagu haddii aannu nahay dadka degaanka Degmada Faraweyne waxaannu ku faraxsanahay inaannu nasiib u yeelanno degaankaygu inuu noqdo kii lagu bilaabayey mashruucan horumarinta beeraha Somaliland,” ayuu yidhi Faysal Dheere.
Odayaasha degaanka Faraweyne, ayaa iyaguna soo dhaweeyey billawga mashruuca biyo-xidheennada oo ay ku macneeyeen mid qaali ah, waxaanay ballanqaadeen inay xukuumadda kala shaqayn doonaan sidii uu u najixi lahaa