Wasiirka Waxbarashada Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Marwo Samsam Cabdi Aadan
Hargeysa (Hubaal) Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay bilowga dhismaha dugsigii koowaad ee tabobarka macalimiinta Somaliland oo si rasmiya uga bilaabmay magaalada Hargeysa, ayaa waxa kazoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere), Wasiirka Maalliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Yuusuf Cismaan Garas iyo Masuuliyiin uu kamid yahay Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).
Khudbado ay xubnaha golaha wasiirrada iyo maayirka caasimadu ka jeediyeen goobtaasi ayaa dhammaan waxay ka warameen ahmiyada uu qaranka u yeelan doono dugsigan oo ay dhismihiisa hadda gacanta ka saareen shirkadda Caalin Construction, oo iyadu ku guulaysatay qandaraaska mashruucaasi, isla markaana Masuul ku hadlayay magaca shirkadda uu tilmaamay inay si dhakhso ah u dhamaystiri doonaan mashruucaasi.
Ugu horeyn Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “runtii goobtan aynu joogno waa goob wakhtigii ay Samsam Cabdi Aadan ay joogtay wasaaradda waxbarashada ay dhagax dhigtay, waxaanan ka wasaarad ahaan ugu mahadnaqaynaa wasiirrada shaqo adag oo waxbarashada dhextaalay, oo runtii tacab ah.” Ayuu yidhi Mr. Garas
Waxa geesta kale isna halkaasi ka hadlay mayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo yidhi “halkan aynu joogno sidaynu ku wada hadalnay waxaydun u baahateen dhulkii dhulkii dhul ka badan. Beertan aynu joogno waxa inoo yaala Afar baloog oo dhul dan guud ah, wax alla waxaynu uga baahannana waynu kaga kordhinaynaa waxbarashada, haddii Alle yidhaahdo. Waxaanu maayirka caasimadu balan qaaday inaan la waayi doonin dhul dan guud oo wax laga dhiso, “Run ahaantii intii aanu joognay, imika laga bilaabo waxaan leeyahay meel iskuul laga dhiso iyo meel garoon laga dhiso iyo meel caafimaad laga hiso intaba la waayi mayo.”
Wasiirka wasaaradda maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna goobtaasi ka hadashay faa’iidada uu dugsigani kusoo kordhin doona guud ahaan dalka, “runtii meeshani waa meel ahmiyad u leh Somaliland. Somaliland may haysan meel macalimiinta lagu tabobaro, waxa weeyaan berigii Lafoole ayaa inoogu dambaysay ee Xamar la tegi jiray, oo halkani may lahaan jirin, had iyo jeerna nusqaan baa ka iman jirtay waxbarashadeena. Caruurtaa Somaliland in wax la baro oo macalinka waxbarayaa noqdo macalin aan balwad lahayn, macalin aan been sheegayn, macalin dhisan, macalin tabobar sita, macalin diin garanaya marka lasoo saaro ayuu arday fiicanna soo baxayaa.” Sidaasi ayay tidhi wasiirka wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan
Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere), oo isna ka hadlay ayaa ka xogwaramay meelaha lacagta lagu dhisayo dugsigan ay kasoo baxday iyo weliba faa’iidada ku jirta hirgelintiisa ayaa waxa uu yidhi “dhismahani laba ayuu ka imanayaa qaybtiisa dhaqaalaha. Dhaqaalahu waxa weeyi dhaqaale ay bixinayaan saddexdan hay’adood ee midowga yurub caawiyaan ay bixinayaan shan boqol oo kun oo doolar ($500,000) iyo qayb barnaamijka la yidhaa Global Partnership for education oo mashruuc ay Unicef masuul uga tahay wasaaradda, oo isagana ay ka imayso intaasi ayaa lagu bilaabaya. Dhamaystirkiisana bilowgaa adage mar haddii la bilaabo wuu iska imanayaa, oo haddii Alle yidhaa waxaanu filaynaa in sanadka soo socda bilowgiisaba lagu bilaabi doono tababarka maciliinta”. “Illaa la helo macalin tabobaran oo dhaqaallo ahaanna xaalladiisa waxlaga bedello inaan la helayn arday si fiican wax loo baro ogaada, markaas uun baynu heli karaynaa arday aqoon leh oo hoosta ka soo dhisma” ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi dheere, waxaanu intaa ku daray isaga oo u mahad naqaya wasiirrada wasaaradda maalliyada Somaliland marwo Samsam cabdi Aadan oo muddo afar sanno ah wasiir ka soo ahayd isla wasaarada waxbarashada ee haatan uu xilkeeda hayo Wasiir Cabdillaahi Dheere, tasoo uu sheegay in muddadii ay xilka waxbarashada haysay ay dadaal xoogan u gashay ka midho dhalinta mashaariic horumar u leh waxbarashada oo kan dugsiga tabobarka macalimiintuna kam id yahay “ Wasiir Samsam muddo dheer bay hay’adaha daba socotay in la dhiso arrintaasi oo illaa qiyaastii afar sanadoodba deraasaddaas bay wadday….. sidaas darteed maadaama oo ay barnaamijkaasi muddo dheer daba socotay waxaanu wasaarad waxbarasho ahaan garanay inaanu saaka ku marti qaadno bilowga dhismaha dugsiga tabobarka.” ayuu yidhi Wasiir Habanne, gebogabadiina waxa uu halkaas wasiirka waxbarashadu shahaado sharaf ku maamuusay wasiir Samsam, oo uu sheegay in ay kaalin ku lahayd dhamaystirka horumarka wasaarada waxbarasahda“