Bilowga Jidkii Dib U Dhaca! Qallinkii: A.A. Asporo

0
42

Sida qorshuhu ahaa waa la isku raacay hir-gelinta iyo dhammaystirka ay hawshani u baahan tahay, waxaana loo arkaayey fadhi ay ka soo baxeen midho dhaxal-gal ah oo salka ku haya horu-socodka iyo hayaanka uu Qarankani ugu jiro ka gun-gaadhista Himillooyinkiisa, taasoo muujinaysay heshiis wadarreed saddexda dhinac-ba isla qaateen fullintiisa, isla markaana aad moodaysay in laga feejigan yahay turanturrooyinka iyo caqabaddaha ka hor iman kara.

Wada-xaajoodkii labaad ee dhinacyadani is arkaan waxa soo ifbaxay tabashooyin la xidhiidha qaabka ay Xukuumaddu wax u soo dhigtay, kaasoo ay labada garab ee Mucaaridku

CABDIQANI-ASBAROO-AFTAHANNEWS-300x248saluug badan ka muujiyeen is barkinta labadda Xeer ee Xukuumaddu isku qaaday, taasoo ay u arkeen xeelad ay Fullintu ku doonayso inay dib ugu riixdo Doorashooyinka, waana Wer-wer iyo Walaac baaxaddiisa leh, markaad eegto sida dhinac kastaaba uga hadlay dareenkiisa una soo bandhigay natiijada u dambaysa ee ay rabaan inay fulliyaan.

Mucaaridku waxay wer-wer iyo walaac ka isa soo taraya ka qabaan labada Xeer ee Xukuumaddu isku barkisay, ee Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta madaniga ah oo mudo dheer soconaysa, waxaanay Xisbiyadda mucaaridku u arkaan arrin ay Xukuumaddu uga dan leedahay cago-jiid iyo wakhti lumis lagu majaro habaabinayo wakhtigii loo asteeyey qabsoomida doorashooyinka, waxaanay dal-badanayaan in labada Diiwaan-gelineed la kala qaado oo mid weliba ay dhankeeda ka socoto si aanay caqabad isugu noqon. Sideedaba waxa habboon inaad ogaato jallaafooyinka aad shalay iyo doraad ku soo maray inay waayo-aragnimo iyo sooyaal taariikheed kuu dhaafeen, waa inay maanka kuugu jiraan Casharkii amaba darsigii aad ka baratay dhacdooyinkii is xig-xigay ee ku soo maray, waa inaad ogaataa waxa aad ku maaraynayso iyo halka daawadda u baahan inaad isha ku hayso oo ay kuu caddahay abbaaristeedu. Tusaale ahaan caqabadaha imika taagan waxa ka mid ah labadan Diiwaan-gelinood ee Xukuumaddu is barkisay, mucaaridkuna doonayo in la kala qaado oo aanay dabar amaba caqabad ku noqon hawlaha doorashooyinka, waxa kale oo iyaguna wakhti dheer qaata isku cel-celinta Xubnaha loo soo Xullo Komishanka doorashooyinka oo sidii horeba loo arkay in badan muran abuurra.

Haddaad u fiirsato Doorashooyinkii hore wakhti badan ayaa Muran iyo isku tuur-tuur ka taagnaa Magacaabista Xubnaha noqonaya Komishanka doorashooyinka oo ay ku xafiiltamayaan Mucaaridka iyo Muxaafidku, balse ma dareensana in wakhtigu kaga lumayo waxaan sakaaro ka biirsan, hadaad eegto sidii ay ku yimaadeen Komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda Madaxweynaha somaliland uu kala diray, wakhti dheer ayey soo jiitamayeen laga soo bilaabo Sanadkii 2007 ilaa 2009 Mudada dheer ee labadaa Xilli u dhaxaysaa waxa dalka ka jirey Muran siyaasadeed oo u dhaxeeyey Xisbiyadii mucaaridka ahaa ee KULMIYE iyo UCID iyo UDUB oo Xisbul-xaakimkii ah, isla markaana garabsanaysa Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa iyaguna khilaafkaas dhinac kaga jirey Golaha Wakiillada oo ay ku xoog badanaayeen Mudaneyaasha labada Xisbi mucaarid, kuwaasoo mar walba hor istaagaayey xubnaha ka yimaada Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin, balse wakhti dheer ka dib waxa lagu guulaystay in la sameeyo Guddigii hirgeliyey labadii doorasho ee u dambeeyey, kuwaasoo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo kala diray saddex toddobaad ka hor.

 

La Soco………………………

 

Qallinka Weriye A.A.Asporo

 

Asporo23@gmail.com

 

Hargeysa/Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here