Bilowga Tallaal Laba Bilood Socon Doona Oo Hawl-wadeennada Xukuumaddu Ku Talaali Doonto Xoollaha Nool Ee Gobollada Dalka

0
12

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Inay Goboladda Dalka U Kala Dirtay Kooxo Hawl Wadeeno Caafimaad Oo Talaal 2 Bilood Socon Doona Xoolaha Nool Ku Soo Sameyn Doono

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga Somaliland, ayaa shaacisay inay Wasaaraddu kala dirtay kooxo hawl wadeeno Caafimaad oo ay u kala dirayeen si Talaal iyo daawooyin xoolaha nool ee kala duwan ee Somaliland gobolada dalka deegaanadda reer Guuraagu ku dhaqan yihiin hawl galo ka soo fulin doonaan oo la soo talaali doono xoolaha kala duwan.

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyey Kooxo dhakhaatiir iyo hawl wadeeno Caafimaad oo mudo 2-ba bilood guud ahaan goboladda Somaliland ka soo sameyn doono Talaalka Xoolaha nool ee Somaliland, waxaana Wasiirka Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Marwo Yurub, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiinta kale ee wasaaraddaasi, ayaa ka hadleen ahmiyadda Tallaalkani ay fulinayso wasaaradda Xannaanadda Xooluhu uu u leeyahay Xoolaha kala duwan ee Adhiga, Loda iyo Geela oo Xanuuno dhawr ah ay hawl wadeenadda Caafimaad talaal iyo daawooyin ku siin doonaan deegaanadda Miyiga ee Somaliland guud ahaan goboladda kala duwan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kaluummaysiga Somaliland Marwo Yurub Abiib Cabdi oo ugu horeyn faahfaahisay ujeedka kulanka lagu daahfuraayey Talaalka Xoolaha Somaliland waxa uu yidhi “Waxa kulankan aynu iskugu nimid wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga, waxa halkan aanu ku shaacinaynaa in uu dalka ka bilaabmi doono Talaalkii Xooluhu Inshaalaahu hadii Illaahay yidhaahdo talaalka Xoolaha oo socon doona Laba Bilood , hadii ALLE yidhaahdo kolay waxa aynu iskugu nimid waa dardaaran uun iyo in aynu shaqada qaranka fulino hadii ALLE yidhaahdo in hawlaheena aynu si qurux badan u fulino”

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isaguna ugu dambeyn ka hadlay madasha hawl wadeenadda Caafimaad iyo dhakhaatiirta kala duwan ay wasaaradiisu ugu kala dirtay inay talaal mudo 2-ba bilooda qaadan doona ku soo talaali doonaan xoolaha kala duwan ee nool ee goboladda Somaliland ku dhaqan waxaanu yidhi “Xoolaha nooli waa dhaqaalaheeni, waa nolosheeni, waana ganacsiga kaliya ee aynu dunida ku leenahay sida aynu Cawska iyo Biyaha ugu raadino ee dee Bani’aadamkuba u raadsadaan ayaa sida bani’aadamka iyagana Caafimaadkooda iyo daryeelkooda ay inooga baahan yihiin xoolaheenu, waxa la yidhi ka hortagu waxa uu ka fiican yahay daawadda, hadaba hawlagalkan aynu dalka ka sameynayn doono ka wasaarad ahaan ee xoolaheena aynu ku daawayn doono, runtiina talaalkani waxa uu ka hortegayaa xanuuno badan oo xoolaheena ku dhicilahaa intii laga gaadhi karo ayaa la soo daawayn doona xoolaha kala duwan ee gobolada dalkeena ku nool, waxaan idin leeyahay shaqada aad maanta u baxaysaan  waxay bad baadin kartaa Xoolo faro badan oo inaga anfaca in aynu ku noolaano hadii ay caano noqoto iyo haday Hilib noqoto iyo haday iyo haday lacag noqotoba waxa aynu ka helaynaa waa xoolaheena nool ee ALLE inagu manaystay oo Daryeel inooga filan”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here