Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Oo Mucjiso Ku Noqotay Madaxweynayaasha Masar Iyo Saadaasha Sanadkan

0
48

Shantii Ramdaan Ee U Dembeeyey Oo Ay Shan Madaxweyne Isu Weydaarteen Dalka Masar

 Qaahira (Hubaal/Togaherer)- Wadanka Masar oo ka mid ah dalalka taariikhda faca weyn iyo xadaaradda soo jireenka ah ku leh dunida oo dhan isla markaana khariidada qaarada Afrika kaga yaalla cidhifka waqooyi ayaa sanadihii u dembeeyey isbeddelo  hoggaaminneed  ka dhacayeen.

madaxweynayaashii MasarIsbeddeladaas oo isugu jira af-gembi millatari iyo kuwo dimuqraadiyadeed ayaa laga soobilaabo sanadkii 2010-kii ilaa sanadkan aynu ku jirto ee 2015-ka waxa dalka soo maray tiraba shan madax weyne oo  qaarna ay cod ku yimaadeen qaarna cudud, hase yeeshee arrinta xiisaha leh ayaa ah in dalka Masar marka dib loo raaco taariikhda, gaar ahaanna loo  gu’ tiriyo dhinaca kalandarka islaamiga ah waxa soo baxaya in hoggaamiye kastaa oo kamid ah madaxweynayaashaasi uu muddada uu talada hayaa ku soobeegmaysay xilli lagu jiro bisha Islaamku aadka u qadariyo ee Ramadaan.

Si kale haddii aynu u dhigno Tiraba inta la og yahay muddo shan sanno ah ayaa shan madaxwene Ay isu beddeleen talada dalka Masar kuwaasi oo kala ah:

  1. Bishii ramadaan ee Sanadkii 2010-kii ee taariikhda Miilaadiga ah, isla markaana waafaqsan 1431-kii taariikhda hijriga ah waxa   dalka Masar katalinayay hoggaamiyihii kacdoonkii Taxriir sahayday ee Maxamed Xusni Mubaarik.
  2. Bishii ramadaan ee Sanadkii 2011-kii ee taariikhda Miilaadiga ah, isla markaana waafaqsan 1432-kii taariikhda hijriga ah  waxa isna  dalka Masar katalinayay General Maxamed Xuseen Dandaawi oo ahaa taliyihii ciidammada Masar  ee hoggaaminayay kacdoonkii xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarik.
  3. Bishii ramadaan ee Sanadkii 2012-kii waafaqsanaydna 1433-kii hijriga waxa wadanka Masar Madaxweyne ka noqday Maxamed Mursi Ciisa-cayaan oo ahaa Madaxweynihii u horreeyey ee rayid ah doorashada xorta ahna ku  guulaystay  52%.
  4. Bishii ramadaan ee sanadkii 2013-kii/1434 waxa wadanka Masar ka talinayay Cadli Mansuur oo ahaa madaxweyne ku meel gaadh ah oo xilka hayay muddo hal sanno.
  5. Bishii ramadaan ee 2014/1435 waxa Masar Madaxweyne ka noqday Gen. Cabdil-fataax Al-siisi oo ahaa wasiirkii gaashaandhigaa ee dawladdii Masar isaga oo hoggaaminayay inqilaabkii Madaxweyne Mursi talada lagaga tuuray.

Haddaba, Su’aash u waxa ay tahay Sanadkan 2015-ka, gaar ahaanna bishan innagu soo fool leh ee Ramadaan, tolow dalka Masar Ma noqon doonaa Mid yeesha hoggaamiye lixaad mise Madaxweyne Siisi-ga hadda ayaa nasiibku u hiilin doonaa?

  Source: Togaherer

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here