Bisha Rammadaan waa fursada joojinta Qaadka iyo Sigaarka; W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
33

Waxaan markasta iyo meelkastaba ugu mahadnaqayaa ALLAH oo inoo suuro galiyay in aynu wax isgaadhsiino waxkastana inoo fudaydiyay.

Waxaan kaloo aad u salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda  kala duwan iyo bahda akhristayaasha meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

maxamed barkhad

Bisha ramadaan waa bisha aad u qayr badan waana bisha shaydaanka la xidho waa bil loogu talo galay in khayr la shaqaysto waa bil barakaysan oo bilaha kale ALLE SWC ka dhex calaamadiyay waa bil waajib laynooga dhigay in la soomo , iyadoo aynu nahay dad muslima oo qayrka markasta shaqaysa ayaa hadana waxa jira dad iyagu isticmaala balwadaha kala duwan sida qaadka iyo sigaarka kuwaas oo naftoodu ku jirto halis iyo halaag.

Bishan ramadaan waa bil fursad kuu siinaysa inaad joojiso balwadaha kala duwan ee ay dadku isticmaalaan sida qaadka , sigaarka iyo I.W,M.

bisha ramadaan  waa jaanis ALLE swc inoogu talo galay in la shaqaysto khayr , waana bisha la furo albaabada janada iyo dambi dhaafka , waana bisha ugu wanaagsan ee ay cidkasta u jeedsato wanaaga iyo khayr shaqaysiga.

Hadaba  bishan waa bil cidkasta oo balwad leh ay heli karto jaanis wanaagsan oo ay ku joojin karto balwadaha xun xun ee maanta dadkeeni iyo dalkeeniiba ku haya dhibaatooyin laxaad leh haday tahay dhibaato dhaqaale iyo haday tahay dhibaato caafimaad taas oo aynu ognahay dhibka uu u gaysto cidkasta oo isticmaasha qaadka iyo sigaarka.

Sigaarka ayaa isna ah maandooriye khatar ah kaas oo sababa cuduro kala duwan sida cansarka iyo wadna xanuunka , dhakhaatiirta aqoonta u leh maandooriyaasha ayaa sheegay inuu sanadkii kasta ay u dhintaan 5 Million wax ka badan bal hadaba qiyaas dhibka uu ku hayo adduunka aynu ka midka nahay.

Waxa hubaal ah in dad badan oo dhintay oo  u dhintay si mawtalqafle ahi ay sabab u ahayd cabista sigaarku laakin aynaan dareen sanayn oo aynu nidhaahno waxa ku dhacay mawtulqafle inkasta oo ay geeridu xaq tahay qofkastaana marayo hadana waxa jira dad yaw aad u badan oo u dhintay cabista sigaarka laakin aan loo dareemin inay u dhinteen dhibaato sigaar awgeed.

Runtii anigu shaqsi ahaan sigaarka aad baan u necebahay dadkana waxaan jecelahay inay ka waantoobaan oo wax ka wanaagsan u badashaan cidkasta oo aan arkana waxan ku guubaabiyaa inay iska daayaan maadaama uu yahay halis nafta wax yeelaysa.

Waxa  aan naxaa markaan arko qof soomanaa maanta oo dhan oo marka la afuro ku afuraya sigaar iyo qaad taasina waa mid u baahan in laga waantoobo oo loo baydho dhinaca khayrka iyo wanaagsan runtii adduunkan aynu ku nool nahay waxa qofkastaa ku jiraa tartan dhaqaale iyo mid waxbarasho laakin waxan leeyahay waa in tartan loo galaa sidii janada loo gali laha,  horumarkaagu ugu wayn iyo xisaabtaada ugu way nee aad diyaarisaana ha noqdo sidii aad janada loo shaqaysan  lahaa.

Waxaan hadaba kula talinayaa dhamaan cidkasta oo isticmaasha balwadaha qaadka iyo sigaarka inay iska daayaan oo ay I tudhaan naftooda iyo dhaqaalahooda.

Waxaan iyana kula  talinayaa kuwa iska daayay qaadka bisha ramadaan  kaliya inay sidaas iskaga daayaan  oo aanay dib ugu noqon iyagoo ka fikiraya dhaqaalahooda iyo naftooda iyo diintoodaba.

Wabilaahi tawfiiq

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

               Email: farxaanmxd@gmail.com 

  TELL: 252263–4400319

   Hargeisa

   Skype: Farxaan.mxd

   Face book: rakad mxd sultan

   Social activist

   Thank you all

                 Post number:  RP113

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here