Bisha Soon Xurmeeyoo, Nafta Xakameeyoo, Aakhiro Xusuusta

0
93

Barnaamij Koobsanaya Axkaamta Soonka Iyo Fadliga Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

XALQADDA LABAAD

Kolka la millicsado diinta, waxay hoos tagtaa meel loo yaqaan , “ Macluum mina diini bi daruura.” Macnaheedu waa in qof kasta oo Muslim ah uu ku qasban yahay inuu ogaado. Aqoonyahannada diintu waxay leeyihiin qofka diida waajibnimada soonka waa gaal, toobad ayaa la weydiinayaa haddii uu diidana waxa dilaya madaxda ayay leeyihiin. Waana is-raaca ummadda Muslimiinta ( ijmaac maxfuud). Laakiin haddii uu goor dhawayd soo Islaamay, ama waddan gaal ku dhex barbaaray ama aanu la kulmin culimo, in loo cudur daarayo ayay sheegaan aqoonyahannada baadha cilmiga Al Asmaa wal Axkaam.

 guuleed dalxaGeesta kale, qofka sheegaya inay waajib tahay soonku laakiin aan soomayn; wuu qirayaa, mana soomayo, kaasi waa Muslim faasiq ah, kaas waa in lagu qasbo inuu soomo, oo loo diido cunto iyo cabbitaan. Sidaas ayaa ku cad mad-habta Soomaalidu aaminsantahay ee Shaaficiyada.

FAA’IDOOYINKA SOONKA

  1. U hoggaansamidda Alle ayay naftu u hilloobaysaa. Diihaal iyo daal badan ayay la kulmaysaa, waxay habeen iyo dharaarba maanka ku haynaysaa naftu weynaanshaha Eebbe; xuska Rabbi ayaa bata oo tusbaxa iyo wardiga ayaa si is-daba-joog ah u dhaca; cabsida Alle ayaa nafta ku weynaata; Alle ayay naftu uga calaacashaa gefaf badan oo waayo ay soo gashay, qaar cusub na way ka magan gashaa. Goobaha cibaadada ayaa la cammiraa; dharka nooca Khamiiska caddaan ka ah ayaa cirka isku shareera waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “ Hu’gaagu wuu kula baryo tagaa.” Soomaalidu maadaama oo yihiin dad niyad wanaagsan, waxay aaminsan yihiin in Khamiiska ama shuluggu diinta ka mid yahay – qofka khamiis xidhanna halhaleel ayay sheekh ugu yeedhaan. Sidaas awgeed, ayay si cibaadadu ugu macaanaato ay soo gataan dharkii ku habboonaa sida ay aaminsan yihiin.
  2. Deeqsi iyo dhabcaal ba waxa uu u guntadaa inuu bixiyo sadaqada waayo waxay ka warqabaan xadiiskii uu Nebigu SCW lahaa sadaqada la bixiyo waxa ugu khayr badan tan Ramadaanta – wuu sugan yahay xadiisku. (Markhaatiyo ayuu leeyahay markaa Xasan ayuu noqonayaa)
  3. Dharagga badan wuxuu keenaa caafimaad darro iyo cudurrada loo maaro laayahay maanta. Sidoo kale, waxa ay caloosha buuxdaa inta badan awdaa cabsida Alle sida ay tibaaxeen aqoonyahannadii hore ee Muslimiintu. Gaajadan badani waxay kolkaa dabcinaysaa qalbiga adkaaday.

Ninka uu Alle maalka ku mannaystay oo guunyo iyo geel badan isku huba, weligiina aan arag rafaad iyo raashin la’aan ayaa maalinkaa inta la af xidhanyahay maankiisa kaashada. Waxa durbadiiba ku soo dhaca waxa ay masaakiintu baahani la cabaadaan. Wuu u garaabaa kolkaas ayuuna jeebka gacanta geliyaa oo giniyo aan tiro lahayn ku soo fiiqa farahooda basaastu ka muuqato. Dharaaro hore ayuu soo celiyaa xusuustooda, baahiyo loo sheegtay, kolkaas ayuu ka qoommamoodaa gacan adkaantiisii. Maya ayuu ka maagaa, milyan ayuu na ka dhaqaaqaa. Ugu danbeyn, Eebbe Weyne ayuu ka baryaa inuu Jannatu Fardawsa ku hubsado, naaraha kulul na ka leexiyo.

Lasoco Qaybta 3aad Habeen Dambe Haddii Alle Idmo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here