“Bishii U Dambeysay 2017 Ayaa Taliyahu Nagu Wargeliyay In Kooxdu Aanay Ka Tirsanaan Doonin Taliska Asluubta JSL.” Tabobarayaasha Kooxda Kubadda Kollayga Ee CA

0
81

Kooxda Kubadda Kollayga Ee Taliska Asluubta JSL Oo La Kala Diray Iyo Wargelin uu Taliyuhu Ku socodsiiyey Hoggaankooda

Hargeysa (Hubaal) Waxa Gebi ahaanba la kala diray kooxda kubadda Kolleyga ee ku ciyaarta magaca ciidanka Asluubta. Sida ay Hubaal u sheegeen labada tabobare ee kooxda Axmed Maxamed Yuusuf (Baande) iyo Cabdikariin Ismaaciil Xariir (Karro).

“Bishii December ee sanadkii dhammaaday 2017 ayaa taliyaha ciidanka Asluubta, sareeye guuto Xudhuun waxa uu nagu wargeliyay in kooxdu aanay ka tirsanaan doonin amaba ku ciyaari doonin magaca ciidanka asluubta.” Ayay yidhaahdeen Baande iyo Karro

Waxa ay sheegeen in Taliyaha ciidanka Asluubta uu kaladirista kooxda sabab uga dhigay, maadaama aanu jirin wax tartanno ciyaaro ah, oo kooxdu ka qaybgashay muddo saddex sanno ah, “ciidan asluubta intii aan joogay xerada wax tartan ah looma qaban kooxda kubadda koleyga ee ku ciyaarta magaca ciidanka asluubta, markaa maxay meesha iiga qabanayaan, ciidan Ayaan ka dhiganayaa.”

Kooxda Ciidanka asluubta oo ahaa koox ciyaartoy ahaan dhisan, isla markaana kamid ahayd kooxihii ugu adkaa dhinaca kubadda Kolleyga waxay ku guulaysteen koobab tartanno iyo kuwo munaasibado ahba.

.

Sida uu taliyaha ciidanka Asluubtu ku dooday ee ah inaanay kooxda ka tirsan ciidanka asluubta ka qaybgalin wax tartan ah muddo sanado ah ee uu ku wargeliyay ciyaartoyada kooxdaasi inay iska kala tagaan, ayaa ah mid Taliyuhu laftiisu ku degdegay, maadaama kooxdu tahay mid dhisan oo heerka koowaad ah, isla markaana aanay kooxdu iyadu awood u lahayn qabashada tartan ciyaareed

Doorka wasaaradda ciyaaraha

Waa mid ku tusaysa fadhiidnimada wasaaradda Ciyaaraha oo ay meesha ka baxday ciyaarihii iyo tartannadii la qaban jiray muddo saddex sanno ku siman. Waxa sidoo kale barbar socda dayactir la’aan ka jirta gegida kubadda Kollayga Hargeysa oo lafdhabar u ah ciyaaraha kubadda Kollayga, maadaama aanu caasimada ka dhisnayn garoon kale oo lagu qabto ciyaaraha kubadda Kollayga, taasina ay masuuliyadeeda leedahay wasaaradda ciyaaraha oo ka fadhiisatay hawlaha garoonkaasi ka dhiman wakhti xaadirkan.

 

Taariikhda kooxda kubadda Kolleyga ee ciidanka Asluubta

Kooxda kubadda kolayga ee ciidanka Asluubta ayaa la aasaasay sanadkii 10/05/2010, isla wakhtigaas Waxay tartankii ugu horeeyay ciyaartii Final-ka isaga horyimaadeen kooxda Gaashaan oo ahayd kooxdii kali ahayd ee ka qaramaysnayd kubadda koleyga, halkaasi oo ay kooxda Asluubtu kabaha la dulmartay dhigooda Gaashaan, sidaasna waxay  kooxda Asluubtu ku noqotay horyaalka cup-kaas. Waxa wakhtigaas ciidanka asluubta haystay taliye Xiirane oo isagu usoo taagnaa koobkii ay kooxda asluubtu ku guulasyatay. Guushaasi oo noqotay tii kooxda lagu qaatay inay ku ciyaarto magaca ciidanka asluubta oo lagu qarameeyay. Kooxda kubadda kolayga ee ciidanka asluubta waxay bilaa mushaar ku ciyaari jirtay intii u dhaxaysay 10/05/2010 oo ahayd markii la aasaasay kooxda ilaa 14/12/10, oo mushaarka loo qoray iyadoo laga siin jiray qasnada.

Sida uu Taliye Xudhuun sheegay kooxdan oo ah kooxda ugu ciyaartow fiican labadii tartan ee ciyaarahii gobollada Dalka ka qabsoomay waxa ciyaartowgii ugu fiicnaa qaatay ciyaaryahanka layidhaa Calooley, halka gool-dhalintiina uu qaatay ciyaaryahanka Axmed Cumar, halka tabobarihii ugu fiicnaana uu noqday, Karo Xariir.

Tartankii labaad ee ciyaarihii gobollada dalka waxay kooxda Asluubtu kasoo hoysay bilado ay kamid yihiin, ciyaartoygii ugu fiicnaa oo kooxdaasi ciyaaryahanka layidhaa Cawil china u qaaday.

Waxa xusid mudan Laba koob oo ay kooxda ciidanka asluubtu soo hoysay, kuwaasi oo kala ahaa; tartan loo qabtay xuska 18 May iyo tartan kale oo isna loo qabtay maalinta nabada (International Peace Day) oo ay kooxdu ku guulaysatay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here