Waxaan ugu horayn salaamayaa dhamaan akhyaarta sharafta iyo karaamada iga mudan ee reer Somaliland, bacda salaan. Waxa ka jirta Magaalada Hargaysa biyo la’aan tii abid ugu darnayd, biyo la’aantani waxay si xoog ah u saamaysay Degmada Axmed Dhagax oo moodo in ay tahay Jasiirad ka go’an dalka intiisa ooy biyo la’aani ku habsatay, biyo la’aantani waa mid aad ka dareemayso xaafadaha ay degmadani ka kooban tahay. Barigii hore Degmada Axmed Dhagax waxay biyo la’aantu saamaysay wixii ka sareeya wadada hor marta Cisbitaalka weyn ee Edna Adan Hospital, waxaan ula jeedaa wixii wadadaas Hawd ka xiga, halka wixii wadadaas waqooyi ka xigaana ay heli jireen biyaha afartii habeenba habeen hayskaba yaraadaan Biyahaasiye. Biyo la’aanta waa mid wada saamaysay Degmada Axmed Dhagax, oo maanta biyuhu ay marayaanba in Degmada oo dhami aanay biyo helin oo wixii biriishka ama dooxa weyn ee Hargaysa Hawd ka xigaaba biyo aanay helin. Degmada Axmed Dhagax waxa imika u dhaamiya Booyado iyo Gaadhi Dameero.
Booyadahani waxay foostada biyo ah siin jireen markii hore 10,000 shilin, halka maanta ay tahay 14000 oo Shilin. Gaadhi Dameerku wuxuu Foostada Biyo ah siin jiray 15000 Shilin, halka uu xalay ku iibinaayey 25000 Shilin. Biyahan ay Booyadahu dhaaminayaan waa biyo ay ka keenayaan Deegaanada u dhaw Magaalada Hargaysa sida Aw-Barkahdle,Jaleelo, Dararweyne iyo Xumbo weyne. Biyaha laga keenayo Deegaankaas aynu soo sheegnay waa biyo adag oo loo isticmaali karo oo kaliya SUULIGA, CUNTO KARSIGA IYO DHAR MAYDHID, waa Biyo aanay dadku cabi Karin oo hadii ay cabaana aan oon tiri Karin.
Booyadaha qaar ayaa waxay biyaha ka soo dhaamiyaan beebka wakaalada Biyaha Hargaysa oo la odhan karo waxay 20% ka noqonayaan biyaha ay booyaduhu dadka ka iibinayaa. Biyahan nadiifta ah Wakaalada laga soo dhaaminayaa waa biyo laga iibinayo dad macmiil ah iyo Dad jeebkoodu buuran yahay oo kaliya.
Waxa kale oo Biyahan aan nadiifta ahayni sababeen Shuban fara badan oo ku dhacay caruurtii, Rag iyo Dumar iyo Dadkii waawaynaaba, oo hadii aad waysato kuu sheegaya inay ku xanuusadeen Biyahan adag een nadiif ahayn.
Xukumadana waxaan leeyahay waad hagrateen Biyo gaadhsiinta Degmada Axmed Dhagax idinka oo waliba TV-yada la taagan horumar ayaanu gaadhnay, horumar ka weyni ma jiro in dadku biyo helaan. Dhagax, Wado iyo Quruxi wax tarimayso inta ay dadku Biyo la’yihiin, waayo dhagaxa iyo wadadu maaha noole ee waxaan odhan lahaa noolaha idiinka baahan inaad Biyo gaadhsiisaan, hal ku dhigbaa ahaa “BIYO LA’AANI WAA NOLOL LA’AAN”. Haddii aany xukumadu biyo galin ku samayn Degmada Axmed Dhgaxa iyo Deegaanada kale, waxaanu u qaadan doonaa in Dadka Dega Gobolada Maroodi-jeex, Hawd, Daad-madheedh, Saaxil iyo Togdheer aanay ka mid ahayn umadda ka tirsan Qaran Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan ku baraaru jinayaa Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta Mucaarid iyo Muxaafidba, Dhalinyarada iyo Waheenka inay u midoobaan sidii ay biyo ugu dooni lahaayeen dadka Biyo la’aantu dishootay oo isku garab sadaan arinta ka midho dhalinta Biyo galinta dhamaan Deegaanada kor ku xusan.
dearmahad@outlook.com