“Reer Somalilanoow, waxaan leeyahay, Waa La Idinka Xaal-marinayaa Waxa Aad Tirsaneysaan ee Waayo-waayo Aynu Xusuusanno Iyo Xalay-dhalay”
Kismaayo (Hubaal) – Madaxweeynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, ayaa Shacabka Somaliland ku Hambalyeeyay Xuska 26-ka June oo ku beehan 56 Guurada ka soo Wareegtay Wakhtigii Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Gumeystihii Ingiriiska, taasi oo xalay oo kale 26-kii June ee sanadkii lixdankii ay reer Somaliland calankii ugu horreeyey ee xornimo ah ka taagtay dhulka Soomaalidu degto. Axmed Madoobe oo shalay dib ugu Laabtay Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu ka soo kicitimay Magaalada Baydhabo oo uu kaga qayb-galay Shirkii Madasha Wada Tashiga Soomaaliya, ayaa Shacabka Somaliland ku amaanay doorkii ay ku lahaayeen Gobanimo Doonkii Soomaaliyeed, isagoo taa beddelkeeda kula taliyey inay soo nooleeyaan Dedaalkoodii Midnimo Doonka. “Walaalaheen reer Somaliland waxaan leeyahay, bahasha maalmo danbe oo aan sameeynay macno inooma sameeynaysee teenii hore aan dib ugu noqonno, inagoo 60-kii joogno ka soo qaadno, waayo waayo aan xusuusanno, Xalay dhalay aan ka dhigno, wixii dhexda soo maray dhanna ha la iska iloobo,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Shacabka Reer Somaliland ku amaanay in ay kaalin ku lahaayeen halgankii Gobanimo-doonka Soomaaliyeed, haddana laga doonayo inay iska iloobaan wax walba oo hore u dhacay oo ay soo nooleeyaan midnimadii Soomaaliweyn.