BOGGA SABTIILAHA AH EE BOOBE: Ballan-qaad Afka ah……Dib Haddaan U Aammino

0
31

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 “Wadaamaha la dawdabay,

  Dan-yartay ka maqan tahay,

  Raacdadu ma daallana,

  Dorraad iyo shalay-jire,

  Doorka maanta noo jire,

  Dib-u-jire hadhow-jire,

  Ninba weel u daray baa,

  Deyn loogu leeyahay,

  Diiwaanka qarankiyo,

  Taariikhdu dug ma leh,”

 Kulmiye

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 10aad

29/12/2014ka Hargeysa,

Nimankii Kulmiye ee ballan-qaadka darraa bal hadda ma eegnaa, waxay ka qoreen Dhismaha Komishanka Musuq-maasuqa in kasta oo aanay waxba ka fulin. Waxay inoo qoreen oo ay codadkeennii qaaliga ahaa inaga siisteen:

Dhisidda Komishanka la-tacaalidda musuqa (Anti-corruption Commission)

  • “Oo shaqadiisu noqonayso in uu dabo-gal ku sameeyo cid allaale ciddii lunsatay ama si sharci-darro ah ugu tagri-fashay hantida ummadda,”

In aan ku hafanno Qodobbadan meesha la iska toomiyay ma aha. Aynu xabbad-qaadno oo midba markeeda dhufanno. Cinwaanka ku horreeya. Wuxu u dhigan yahay oo aanan anigu u dhigin ee ay iyagu u dhigteen: Komishanka La-tacaalidda Musuqa.

Hadda ereyga ay adeegsadeen waa la-tacaalid oo noqonaysa la-noolaansho. Ma musuq ayaa lala noolaan karaa oo lala tacaali karaa? Musuqu ma wax lala tacaalaa, mise waa wax lala dagaallamo oo mudan in la dabar-gooyo? Waxay se u badan tahayba in aynaan si u wada aqoonnin musuqa af Soomaaligaba. Iyagu waxay u yaqaaniin musuqa, wax lala- tacaalo, innaguna waxaynu u naqaannaa wax dabar-goyn mudan iyo in la tir-tiro oo xididdada loo siibo.

  • Bal amarka Ilaahay, waxay ku xigsiiyeen: “….Oo shaqadiisu noqonayso in uu dabo-gal ku sameeyo cid allaale ciddii lunsatay ama si sharci-darro ah ugu tagri-fashay hantida ummadda,”

Dhabanka iyo gacmuhu ma isku kiin engegeen. La-ye waa komishan sahqadiisu noqonayso in uu dabo-gal ku sameeyo cid allaale ciddii lunsatay ama si sharci-darro ah ugu tagri-fashay hantida ummadda. Waa saddex ereyba: dabo-gal, lunsatay ama si sharci-darro ah ugu tagri-fashay. Intaas ayay kaga hadheen.

Waxay xagga dambe kaga kaabeen ama ladheenba:

  • “Dejinta Xeerar iyo Siyaasado ku habboon la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo kor-u-qaadidda maamul-wanaagga lagu ilaalinayo lacagaha iyo hantida qaranka,”

Hadda, beryihii hore waxaynu kala naqaannay oo inoo kala soocnaa waxeenna iyo waxa ay ummaddu leedahay. Waxaynu ahayn dad Somaliland ah oo Ilaahooda yaqaanna. Maanta, kuwii lagu baxsan lahaa ayaa laga cararayaa oo qowlkii Ilaahay si kale u fasiraya, wax kastana xalaalaystay.

Aan u gudubno Bogga 18aad. Hadda waa Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee Kulmiye waxan aynu gorfaynaynaa innaga oo ku dedaalayna in aynaan cidna u gefin. Waa tii aan hore idiin ku soo sheegay oo wuxu ma aha barnaamaj si cilmiyaysan loo raseeyay. Waa qalin-daraale qubane ah oo maxaa kaa galay la isugu dhex qubay, illeyn marka horeba dan lagama lahayn ee doorasho ayaa lagu raadinayay e’.

Qodobkan soo socda oo noqon lahaa kuwa ugu muhiimsan ee xagga hore gala, waxa lagu suntaday:

Dib-u-eegista Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka:

Qodobkani wuxu u qoran yahay sidan:

“Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan shuruucda iyo xeerarka kale ee dalka, waxa ku jira qabyo iyo gol-daloolooyin badan oo caqabad ku keena habsami-u-socodka hawlaha qaranka, kuwaas oo marar badan sabab u noqday khilaafaad iyo muranno Dastuuri ah iyo kuwo siyaasi ah oo ka dhex aloosmay Golayaasha Qaranka.

Haddaba, si loo qabyo-tiro Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, waxa uu Kulmiye:

  • Xurmeyn doonaa una hoggaansami doonaa Dastuurka iyo sharciyada JSL,
  • Waxa kale oo uu xurmeyn doonaa go’aannada Golayaasha Baarlamaanka,
  • Wuxu magacaabi doonaa guddi khabiirro sharci-yaqaan ah oo daraasad iyo dib-u-eegis ku sameeya Dastuurka iyo Shuruucda Qaranka,”

Horto, waa iga su’aal e’ waxyaabahan aan idiin soo qorayo hore miyaad u aragteen? Kuwan se aan idiin qoro ma akhridaan? Mise, hadal-tiro ayaad u haysataan. Waa Bogga 18aad ee Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee Kulmiye. Dibuhabayn ay Dastuurka iyo Xeerarka ku sameeyaan iska dhaaf e’, xataa dib looma milicsa. Awrka ayaa lagu kacsanayay ama kursiga Madaxtooyada ayuun baa lagu fuulayay, markii dhakada looga baxayna dibba looma eegin wixii dadweynaha loogu ballan-qaaday.

Waxa igu maqaale ah in nin Kiiniyaan ahi qoray Buug uu ku magacaabay: “Waa waqtigeennii innaguna aynu wax cuni lahayn.” Waxaan filayaa in uu afka Ingiriisiga ku ahaa: “It is our time to eat.” Wax kale kama hadlayn oo aan ahayn in madaxtinnimada iyo kuraasida loo fuulo si wax loo raamsado.

(La soco maalinta Sabtida, haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here