BOGGA SABTIILAHA AH EE BOOBE: Ballan-qaad Afka Ah……Dib Haddaan U Aammino

0
36

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 “Wadaamaha la dawdabay,

  Dan-yartay ka maqan tahay,

  Raacdadu ma daallana,

  Dorraad iyo shalay-jire,

  Doorka maanta noo jire,

  Dib-u-jire hadhow-jire,

  Ninba weel u daray baa,

  Deyn loogu leeyahay,

  Diiwaanka qarankiyo,

  Taariikhdu dug ma leh,”

 Kulmiye

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 14aad

6/1/2015ka Hargeysa,

Bal hadda aan eegno waxay Xisbigii Kulmiye ku dhammeeyaan arrinkii ama qodobkii daarranaa Xeer-ilaalinta Guud, waxaanay ku soo xidheen:

“….Hay’adaha madax-bannaan sida:

  • Garsoorayaasha maxkamadda Sare,
  • Guddoomiyaha Baanka Dhexe,
  • Hanti-dhowraha Guud,
  • Xeer-ilaaliyaha Guud,

Waxa magacaabaya Madaxweynaha, waxaana oggolaanshahooda iyo xil-ka-qaadistooda ansixinaya, Golaha Wakiillada,”

Hadal-tiro ma maqli jirteen? Alleylehe, tan ayaa tusaale u ah. Xilalkaa qaarkood in ay qaranka u adeegaan iyo in ka adeegaan ayaa la kala saari kari la’yahay. Bal hanti-dhowrahan goobta xilka leh jooga eega ee tan iyo Siyaad Barre soo lignaa ee aanad moodayn in uu habeen jiray. Ma awrkii xumaa ee lagu gabraaran jiray ee Timacadde sheegaa markii uu lahaa:

“Nin gabraaranayaana,

 Kolna awr xun waayo,”

Intaa u sii dhaafi maayo inagamaba mudna. Halkaas ayaan kaga hadhayaa isaga iyo inta la midka ahba ee hadimada qaranka u taagan.

Waa Bogga 23aad iyo mowduuc lagu suntay: Horumarinta Shaqaalaha Dawladda. Miyaad ila yaabteeen. Oo maxaad ii la yaabaysaan waa qormooyin aan idiin ka soo minguuriyay Barnaamajkii ballan-qaadka afka ah ahaa ee codadkiinnii la idin ka siistay e’.

Qodobkanna wuxu qorayaa:

“Maamul kasta oo Xukuumadeed, waxa laf-dhabar u ah guushiisa iyo guul daraddiisa cududda shaqaale ee hawl maalmeedka qarankaa fuliya. Haddaba shaqaalaha dawlada waxaa naafeeyay tayo xumo, tababar la’aan iyo saboolnimo. Mushaharka shaqaalaha iyo ciidamadu, ma aha mid ku filan maceeshada aasaasiga ah kumana noolaan karaan. Waqtigan xaadirka ah, waxa la siiyaa qofka jaamiciga ah ee Darajada A = Sl Sh 421,600, Darajada B = Sl Sh 347/200, Darajada C = Sl Sh 260,400, Darajada D = Sl Sh 155,000, taasoo marka xaaladda noloshu marayso la eego aanay lacagtaasi shaqaalaha waxba tarayn.”

 

Faallayn kooban:    

 

Waa hadal-tiro ma is-tidhaahdeen. Wuxu u muuqdaa hadal lagu doonayay codad oo aan sidaa u sii ridnayn, haddii kale Xukuumaddan maanta talisa werwerkeeda iyo walaaceeda waa aynu ka arki lahayn. Waxba yaanan ku sii talax-tegin.

Aynu ku sii soconno waxyaabaha ay ka ballan-qaadeen arrimaha la xidhiidha Horumarinta shaqaalaha, waxaanay intaa hore ku kabeen:

 

“Waxa dib loo habayn doonaa Xeerka shaqaalaha dawladda oo qabyo badani ku jirto, haddaba, taasi waxay saameysay wax-soo-saarkooda oo aad iyo aad u yaraada, waxayna shaqeeyaan saddex saacadood maalintii guud ahaan,

Faallayn kooban:

 

Waa hubaal in aan saacadihii dawgu amaba xeerkuba ahaa la shaqayn jirin. Bal se waxa dhinac taal in aanay run ahayn in saddex saacadood oo keliya la shaqayn jiray sannadihii ka horreeyay Xukuumaddan hadda talisa. Dadku wuxu wada og yahay oo aanu muran ka taagnayn saacadda Madax-weyne-ku-xigeenku soo shaqo-tago iyo saacadda uu soo rawaxaba. Raxan baabuur ah ayaa is-daba gasha, dadkuna daawashadooda dariiqyada isu taagaan.

Waxa kale oo hubaal ah in uu Madax-weyne-ku-xigeenka ka soo horreeyo Madaxweynaha. Waa wax dabiiciya. Hadba qofka laga sarreeyo ayaa ka soo horreeya qofka ka sarreeya. Marka aan la saayiro saacadaha shaqada ee Xukuumadda maanta talisa waxaad ka dheehan kartaa saacadaha shaqada ee Madax-weyne-ku-xigeenka. Waxba yaanan anigu ku danbaabin e’, bal dariiqa is-taaga oo eega saacadihiisa shaqo. Waa wax u muuqda sida cadceedda. Madaxtooyaduna ka daran ee weydaan geli karayn. Annaga sheeko naguma aha. Saacado shaqo oo la kordhiyay ma jiraan ee waa looga sii daray shaqadii. Ma beentay baa? Bannaanka u soo bax qofka dood ka qabow.

Aynu ku sii soconno ballan-qaadkii afka ahaa, intaa aan kor idiin ku soo sheegayna waxay ku sii dareen:

“Haddaba si wax looga beddelo arrimahan, Kulmiye waxa uu samayn doonaa arrimahan soo socda:

  • Waxa uu kordhin doonaa saacadaha shaqada si dadweynaha loogu adeego, ayada oo si buuxda loo shaqayn doono siddeed saacadood maalintii oo gelin hore iyo gelin dambe ah,

Faallayn kooban:

Si aydaan ii hiifin intiinna aan runta jeclayni, bal aan qaab su’aaleed idiin ku dhigo faallayntan kooban. Siddeed saacadood oo la shaqeeyo ma haysaan? Gelin dambe oo shaqo lagu noqdo yaa arkay oo godkiisa aakhiro la tegaya? Maalinta dhan ee Isniintu maa maalin shaqo ayay ka tahay Madaxtooyada dalka looga taliyo?

Bal hadda aan ku sii soconno arrimaha ay ballan-qaadeen in ay ku tallaabsan doonaa, waxaanay qodobka 2aad ku yidhaahdeen:

  • Mushahaarooyinka 300/% ayaa kor loo qaadayaa, cawil-celinta iyo daryeelka shaqaalaha dawladda la siiyo si qoto dheer ayaa loo eegi doonaa iyadoo ujeeddadu tahay in kor loo qaado noloshooda iyo daryeelkooda guud ahaan,

 

Faallayn kooban:

Marka hore waxaad ogaataan qodobbadan xigashada ah in aan u soo qoray sidii ay u qornaayeen, aniga oo ka cararaya in la yidhaahdo wax buu ku daray. Kaaga-daranta af-qoraal xumadooda waxaan ka cabsi qabaa in gacantu iga barato. Aynu marka hore u qirno in mushaharkii la kordhiyay bilowgii ilaa 100%, ma aha 300%. Maxaa se ka dambeeyay? Cashuur korodha, miisaaniyad dul-saar ah, lacago mashaariic aan xaqiiqadooda la ogeyn loo jaro, iyo intaas oo hadimo oo kale. Ma aamminsani in la sameeyay wax lagu faano.

(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here