Hargeysa (Hubaal) Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale ayaa dhaliilo u barkiyey xukuumadda Kulmiye oo uu sheegay inay ku milantay maamulka Muqdisho. Boobe Yuusuf oo u waramay telefiishenka Star ayaa cambaareeyay shir uu dhawaan wasiirka warshadaha Somaliland kaga qayb galay wadanka Holland, kaas oo lagaga hadlaayay sidii maalgashi loogu samayn lahaa maamul goboleedyada Soomaaliya “dhaqanka xukuumadda Kulmiye ayaa ah inay adeegsato oo ay ku qadhaabato nooca caynkaasa ee wasiirrada, waxay adeegsataa dad aan xilkooda garanayn, waxay adeegsataa dad u haysta xilkan haday ka tagaan inay dhimanayaan oo Illaahay ka quustay oo u haysta madaxtooyadu inay Risiqa iyo nolosha u hayso. Xukuumaddani markii ay xilka qabatay ee 2010-kii, sida baabuurtu markay weecanayso ay ishaarada bidix iyo midig dhinac uun u ritaan ayay bidhbidhaha waxay u ridatay dhinaca Muqdisho, waxaynu usoo taagnayn Konton Oday oo Xamar ka yimid oo aan Fiiso sidan, Labaatan Laangaruusal loo kireeyay oo madaarka Hargeysa kasoo degay. Waxaynu usoo taagnayn Afar caruur ah oo heesa, oo xil saarnaa gudanayay, ilayn Hargeysa waxay Masuul ka tahay heesaha, suugaanta iyo gabayada, Xiddigaha geesku waxay gudanayeen xilkii Walaalaha Hargeysa ka saarnaa inay Soomaali u heesaan oo ay fanka horumariyaan, ayaa lagu xidhay. Markaa wasiirka maanta dhoofay ee ka qaybgalayay shirku, meel uu tegayana muu garanayn, nooca wasiirrada xukuumaddan ku jira ayaa ah noocaa dhoofku u cusub yahay, waxay yihiin noocaas ay dhar xidhashadu u cusub tahay.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf, waxaana uu sidoo kale ka hadlay wasiirro ka tirsan xukuumadda Kulmiye oo maalmahan isla garab yaacaya inay yihiin Musharax, isagoo uu weli joogo madaxweynihii ay xubnaha golahiisa ahaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inaanay xukuumaddu lahayn maamul iyo kala dambayn “weli maynaan arag madaxweynii London buu joogaa, wasiir bidixdiisa fadhiyaa wuxuu leeyahay Madaxweynuhu waa musharax, wasiir midigta ka fadhiyaa wuxuu leeyahay, anigaa sharax oo maantaa lasoo dhaweynayaa, wasiir kalena shir buu halkan ku qabanayaa oo leeyahay Muuse ayaanu taageersanahay, ayaandarada dalka taalaana waa taas oo dhibaato inagu habsatay” ayuu yidhi Boobe Yuusuf.