Hargeysa(Hubaal) Booliiska Somaliland ayaa habeen hore gurigooda kala baxay Axmed Maxamed Ducaale (Caawiye) iyo xaaskiisa Nuura Aw Yuusuf C/laahi, waxaanay u taxaabeen xarumaha sirdoonka iyo baadhista danbiyada.
Lama oga sababta Rasmiga ah ee qoyskan loo xidhay, hase yeeshee wararka aanu ka helayno ayaa sheegaya in loo haysto baadhista kiiska Qaraxii Jabuuti ee ay xukuumadda Somaliland saddexda nin hargeysa uga dhiibtay hay’addo dhinaca sirdoonka ah oo ajanabi ah oo baadhaya.
Ilo wareedka warkan aanu ka helnay ayaa la xidhiidhinaya sababta qoyskan loo beegsaday in ay tahay muwaadinkii ka shaqayn jiray shirkadda Jubba Express ee loo dhiibay sirdoonka Jabuuti iyo Maraykanka oo ay xaaskiisa dhaleen.
Xukuumadda Somaliland illaa hada war kamay soo saarin qoyskan iyo halka ay marayso baadhista Raggii ay dhiibtay toona, balse waxa la dareemayaa wali inay dalka ka socdaan baadhiso kiiskaasi la xidhiidha oo lagu beegsanayo Xogo kale oo qarsoon.
Ehelada Qoyskan ayaa cabasho u gudbiyey xukuumadda, taasoo ay ku doonayaan inay ku ogaadaan sababta qoyskan loo xidhay, hase yeeshee sida wararku sheegayaan wax jawaab ah kamay helin wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay hor tageen shalay.
Caawiye iyo Nuura ayaa ah qoyskii ugu horeeyey ee bilaabay Iskuuladdii la odhan jiray Al-baraka ee xidhmay