Booliska Faransiiska oo baahiyey Sawirrada laba nin oo walaalo ah Oo lala Xidhiidhinayo weerarkii wargeyska Hebdo ee Paris

0
22

Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegaya in weerarka loo tuhunsan yahay labada nin ee walaalaha loo xidh-xidhay ilaa 7 qof

Paris(Hubaal) -ciidamada booliska iyo kuwa milteriga yaa habeenimadii xalay ahayd  ku qaaday baadhitaan xoogan caasimada dalka faransiiska ee Paris iyo magaalada Reims oo ay ka baadigoobayaan dableydii fulisay weerarkii lagu qaaday wargeyska Magazin Hebdo.

weerarKadib markii isla habeenimadii xalay uu Pooliska faransiisku ku baahiyey wargeysyadda tuhunka sadex nin sawiradood oo ay laba walaalo yihiin, laguna kala magacaabo Said Kouachi Cherif Kouachi oo kala ah 32 jir iyo 43 jir.

Dhanka kale ciidamadda Pooliska yaa sheegay in ay ka heleen baabuurkii ay wateen meel u jirta 150km caasimada Paris. Dableydan yaa sida la sheegay ku hubaysnaa qoryaha Ak-47  iyo bambooyin ahaana niman aad u tababarnaa.

goobtaWaxaa intaa ay wargeysyadu raacinayaa in wiilka saddexaad oo magaciisa la yidhaa Hamyd Mourad oo ah 18jir uu san ku jirin fulinta weerarkaas, uu islamarkaa weerarkan dhacay uu ku sugnaa Iskuulka, balse tuhunka looga shakisanyahay.

Dhanka kale waxaa aad loo adkeeyey habeenimadii xalay ahay dhamaan goobaha muhiimka ah iyo meelaha lagu cibaadaysto labada diinood, taaso laga cabsi qabo in iska hor imaad xaga diinaha ah dhici karaan, waxaana Saraakiisha Faransiisku sheegayaan in la soo xidhay ilaa 7 qof oo lala xidhiidhinayo labada qof ee loo raadinayo weerarkii shalay lagu qaaday xaruunta wargyaska Charlie Hebdo ee magaaladda Paris.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here