Booliska Magaaladda Ceerigaabo Oo Xabsiga Dhigay Laba Wariye Oo Ka Hawl Gala Warbaahinta Madaxabannaan

0
20

Ceerigaabo(Hubaal) Boliiska Ceerigaabo ayaa goor dhoweyd waxay suuqa ka qabteen labada weriye oo kala ah Maxamed Yuusuf Bakayle iyo Barkhadle Maxamuud Geeddi oo ka kala hawlgala warbaahinta (Royal TV iyo Kalsan TV) Waxaana labadan weriye lagu xidhay Saldhigga booliiska Daallo ee magaalada Ceerigaabo oo ay waqtigan ku xidhan yihiin.

barkhad & bakayleLabadan weriye ayaa wararku sheegayaan inay u xidhan yihiin war ra’yi ururin ah oo ay maalintii shalayto ka qabteen bulshada Ceerigaabo qaarkood kana sii daayeen warbaahinta ay ka hawlgalaan taasoo bulshadu kaga hadleen waxqabadka golaha degaanka Ceerigaabo oo ay dhalliilo u soo jeedinayaan. Arrantaasoo ay dhibsadeen qaar ka mid ah golaha degaanka Ceerigaabo ee dhalliilaha bulshadoodu usoo jeedinaysey kana dalbadeen boliiska in loo xidho weriyayaashan dhalliilohooda baahiyey.
Taasoo u muuqanaysa arrin xorriyatul-qawlka saxaafadda kazoo hor jeedda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here