Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay Tirada Dembiyada Dalka Ka Dhacay Sannadkan

0
13

Hargaysa  (Hubaal)  Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay tirada guud ee dembiyada ka dhacay dalka sannadkan 2021.

“Tirada guud ee dembiyada dhacay sannadkan isugeyntoodu waa 19,230 kiis oo kala duwan, inta beenowday waa 4,400, inta heshiis laga gaadhay waa 6,085, inta baadhis weli ku jirta 1,077, inta maxkamad la horgeeyey ee gartooda la qaaday 7,668, inta xukun ku dhacay waa 6,034, inta garsugaha ahna waa 1,634.” Sidaa waxa yidhi sarkaal booliska u hadlay.

Tirada guud ee dilalka dalka ka dhacay waa 89 dil oo ay galeen 89 eedaysane, waxana gacanta lagu dhigay 84 eedaysane, halka 5 eedaysane baxsadeen.Tirada kufsiyada dhacay waa 232, waxaana lagu eedeeyey 260 qof, waxa la qabtay 245, halka 15 eedaysane ay baxsadeen.

Shilalka gaadiidka ee sannadkan dhacay waa 5,581shil, dadka ku dhintayna waa 212 ruux, kuwa ku dhaawacmay waa 3,771 qof, waxana ku burburay 3,101, xoolaha ku dhaawacmay ama ku dhintayna waa 458 neef, halka  tirada dhismayaasha ay burburiyeen tahay 102.

Mukhaadaraadka ciidanku qabteen sannadkan waa 41000 litir oo khamri ah, 3000 caagagood oo isbiirto ah iyo tiro kale oo xashiishad ah,  eedaysanayaasha loo  xidhay mukhaadaraadku waa  1,313 qof. Tirada dembiyada abaabulan ee sannadkan la qabtay waxay ahaayeen 27 eedaysane oo 23 ka mid ah maxkamad la horgeeqyey.

Tirada carruurta la tuuray sannadkan ayaa iyaguna dhan 40 qof.

Hoggaanka Booliska ayaa warbixintan ku soo bandhigay munaasibadda sannad guurada 28aad ee ka soo wareegtay markii ciidanka booliska Somaliland la aasaasay oo magaalada Hargeysa lagu qabtay maanta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here