Boon Xirsi iyo Doorkiisii Masraxiyadda Soomaalida
Godka lagu jannee
Geesi naga baxoo
Guul dhashuu ahaa
Cabdillaahi Maxamed Maxamuud “Qarshe.”
AHN, Xuseen Xirsi Cabdi oo loo garan-ogaa (Boon Xirsi) waxa uu ka mid ahaa da’sankii fanka Soomaalida ka dhex hillaacay horraantii 1970nadii. Inkasta oo uu jilis hibo ah iyo majaajillayn xeel fog ku caan-baxay, haddana hal-abuurka iyo curinta suugaanta jaadadkeeda kala duwanna uma aabbo yeeli jirin, oo riwaayado iyo heeso hal-hays noqday ayaa uu ku suntanaa.
Xilli ku siman 1973kii ayaa uu abwaanku ku soo biiray caalamka fanka, markaas oo uu ka mid noqday koox-faneeddii la odhan jirey Halgan, oo markaas Hargeysa laga aasaasay. Sarreeye, Awkadleeye, Tiriig Xaashi, Maxamed Jaamac “Indho-jacayl,” Maxamed Faarax Xirsi, Maxamed Cabdi Weyrax (Abwaanka kooxda) iyo xubno kale ayaa ka mid ahaa fannaaniinta ay kooxdaas ku bahoobeen. Isla sannadkaas ayaa uu marxuumku sameeyey heestiisii ugu horreysey oo la odhan jirey “Ilwaad” taasi oo uu ku luuqeeyey fannaanka Maxamed Faarax Xirsi. Heestu waxa ay ka curatay qiso jacayl oo abwaanka la soo deristay, waxaana aynu midhaheeda ka soo qaadan karnaa:
Uur jacayl galaa
Aa’ ma daayee
Maxaad isu keen barteed
Iigaga baxdeed
Igu illowday?
Sowtaan ilwaadiyo
Sida ilo biyo leh
Shalay kuu ahaa
Isla sannadkaas 1973kii, waxa uu abwaanku ka qaybgalay riwaayaddii ugu horreysey ee uu jilo oo la odhan jirey “Jacayl waa kane kaalay,” waxaana curiyey abwaan Axmed Saleebaan “Bidde.” Sida oo kale, 1975kii ayaa uu jilay riwaayaddiisii labaad oo la odhan jirey “godob jacayl iyo Geeri,” taasi oo uu sameeyey abwaan Maxamed Cabdi Weyrax, oo ahaa abwaankii kooxda Halgan. Hees towri ah oo tusmo la baxday ayuu AHN, abwaan Boon Xirsi sameeyey 75kii, waxaanay noqotay middii lagu aqoonsaday ee dareenka tawradda ku soo jeedisay abwaanka. Waxay ahayd hees kacaankii dalka ammaanaysay, oo guulihii iyo libtii uu soo hooyey ifinaysey, waxaana midhaheeda ka mid ahaa:
Markuu taliye fiicani
Towrinnimo kacaaniyo
Maskax toosan kugu wado
Tabaabushaha hoggaankiyo
Halkuu tu’iyo awrkiyo
Tusmadaad ka garataa
Haddaan taasi noo dhalan
Abaartii la talax-gabay
Kama baan tisqaadneen
Tu kalena ogeysiis
Sow kuma taqaannaan
Tunka qaban ogaa cadow
Tudh tudh tudh
Kii loo taag waayana
Tabcuun bay ku marayaan
Widh widh widh
Horjoogihii kooxda Waabberi Hargeysa oo ahaa AHN, abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Askari” ayaa la dhacay hibada jilaannimo ee uu Rabbi ku mannaystay abwaan Boon Xirsi, ka dibna waxa uu u soo wareejiyey oo ku biiriyey hobolladii kooxda Waabberi Hargeysa, sannaddii 1976kii. Halkaas ayaa uu fanka Boon Xirsi ku xuub-siibtay, kagana mid noqday rukummada adadag ee ay ku taagan tahay kooxda Waabberi. Riwaayado tiro badan oo uu qaarkood wax ka allifay ayaa uu ka qaybgalay intii uu ka tirsanaa kooxdaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Nin qasbaaya jacayl, ma loo quudhi karaa (1976), waxa curiyey AHN abwaan Cabdi Cali weyd.
Yaa xidhay jacaylkii (1976), waxa lahaa AHN, abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Askari”
Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga (1976), waxa curiyey abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey.”
Ha waallaado jacaylkuye, aynu weerarka aadno (1977), AHN, abwaan Maxamed Cali Kaariye.
Geesi Ilaah ma xilo (1978), AHN, abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Askari.”
Galbeed waa la xoreeyee, Waarsaa gaagixisey (1978), abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey.”
Waynu isla waynee, mabay weyneyn (1979), AHN, abwaan Maxamed Cali Kaariye.
Wadhaf iyo shimbiro, war iskuma hayaan (1980), AHN abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Askari”
Nin ba timo xamar (1980), waxa wadajir u lahaa AHN abwaan Boon Xirsi iyo AHN, abwaan Miicaad Miiggane. Heesaha uu Boon riwaayaddan ku lahaana waxa ka mid ahaa: Waahwaah waabad iga darrayd show iyo Kuu sheekeeye, kaa sheekeeye.
Bidaari sibiq bay kugu gashaa (1980), Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey.”
Nin ba tacabkii, togaay kaa maal (1981), abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise “Singub.”
Wadhaf iyo Shimbiro “qaybtii labaad” (1982), AHN, abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Askari”
Aw-bustaale, sayax ka boode (1982), AHN, abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Askari.”
Mashaakil Bulsho (1982), AHN, abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Askari.”
Hablaha maanta iyo nin holladay guur (1983), AHN, abwaan Cali Afloo.
Sannaddii 1983kii, AHN, abwaan Xuseen Xirsi Cabdi “Boon Xirsi” waxa uu u kicitimay dalka jabuuti, ka dib markii uu ka biyadiiday nidaamkii maammul ee kacaankii dalka haystay. Intii uu Jabuuti joogey waxa uu marxuumku ka qaybgalay riwaayado doora, waxaana uu sameeyey riwaayad la odhan jirey “Ikhtiyaarka ruuxii leh, isroggu wuu u bannaan yahay.”
1988kii ayaa abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise “Singub” iyo abwaan Maxamed Aadan Dacar ay jabuuti ugu tageen Boon, waxaanay ku soo qanciyeen in uu dalkii ku soo noqdo, sidaas ayaana uu u soo guryo-noqday. Markii uu laba toddobaad oo qudha marxuumku joogey magaalada Hargeysa ayaa uu dagaalkii SNM iyo dawladdii Siyaad Barre u dhaxeeyey qarxay, waxaanu ka mid noqday dadkii qaxay ee dibadda u baxay. Halkaas ayuuna kaga biiray halgankii SNM horseedka ka ahayd.
Intii uu halganka ku jirey waxa uu AHN Boon Xirsi ka qayb-galay riwaayaddii War ma hayside, waddankii xoroow, oo ay si wada jira u sameeyeen abwaan Ibraahin Sh. Saleebaan Gadhle, abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Askari,” abwaan Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed” iyo abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey.” Sida oo kalana suugaan uu midheeyey ayaa uu halganka kaga qayb-noqday, taasi oo aynu ka soo qaadan karno hees uu ku boorinayey dagaalyahannadii SNM, oo ay midhaheeda ka mid ahaayeen:
Xaq-u-dirirka dhaqdhaqaaqa
Waddaniga Soomaaliyeed
Waxay ku xarbiyaan
Qalbi xaadhaniyo
Calool xeeb la’oo
Xinjirtii baxda ba
Xaq inuu ku yimid
Way xusuusan yihiin
Rabbi naxariistiisa janno ha ka waraabiyo eh, abwaan Xuseen Xirsi Cabdi (Boon), waxa uu Lix iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey ku noolaa magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu Mawdku ku helay, laguna aasay 17/12/2017ka.
Godka lagu jannee
Geesi naga baxoo
Guul dhashuu ahaa.
F.G. Xogta ku duuban qoraalkan waxa ii hibeeyey Maxamed Cismaan Aadan Xuseen “Askari” oo ah wiil uu dhalay AHN, abwaankii Soomaaliyeed ee Cismaan Aadan “Askari.”
W/Q: Khadar Xuseen Daahir “Hayl” Email: khadarxd@gmail.com