Borama:(Hubaal)-Ciidamada ammaanka ee magaalada Boorama, ayaa xabsiga u taxaabay maayar-ku-xigeenkii hore ee golaha deegaanka degmada Boorama Md. Maxamed Muxumed Faarax Dheerayste, kadib markii uu maalin ka hor cambaarayn u jeediyey saraakiil katirsan ciidamada Booliska ee gobolkaas.
Xadhigga xildhibaanka, ayaa dhacay shalay oo Salaasa ahayd, waxana loo taxaabay saldhiga weyn ee magaalada Boorama, iyada oo lagu eedaynayo inuu ku xad-gudbay qaabkii uu uga hadlay deegaanno katirsan gobolka Gabiley, balse ay maamulka gobolka Gabiley sheegtaan inay iyaga hoos yimaaddaan.
Masuulka la xidhay ayaa waxa uu warbaahinta ka sheegay ereyo lidi ku ah qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo ku goodiyey in deegaanka Garbo-haadlay oo ay dhawaan ciiamo Ethiopian ahi kusoo xad-gudbeen ay hoos geyn doonaan dawlad deegaanka somalida Itoobiya.
Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ayaa iyadu heegan ugu jira markasta sidii ay u ilaalin lahaayeen jiritaanka Somaliland iyo waliba sidii ay talaabo uga qaadi lahaayeen cid kasta oo ka hor timaada qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay sababta xadhiga xildhibaankan, balse wararka qaarkood ayaa sheegaya in arrimo la xidhiidha hadalkii uu warbaahinta siiyey loo xidhay, isla-markaana loo arko inuu hadalkaasi ahaa mid ka baxsan milgaha oo dhaawacaya qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.