Boorama (Hubaal)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqasho ay ku dheehan tahay xusuus iyo xiiso uu u qabo ku tagay dhismihii dugsigii sare ee Camuud oo hadda ah Jaamacadda Camuud, kaasi oo uu ka baxay muddo hadda laga joogo 46 sannadood.
Guddoomiye Muuse Biixi oo isaga weftiga uu hoggaaminayo oo ka kooban xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo u jooga Gobolka Awdal dabbaaldegga munaasibadda 25 guurada ka soo wareegtay maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May oo ay kala qaybgaleen shacabka magaalada Boorama, waxa uu galabnimadii isla maalintaas qaranimada booqosho ku tagay xarunta Jaamacadda Camuud si uu mar kale u soo arko dugsigii hoyga u ahaa (boarding school) ee uu waxbarashada sare ka baranayey sannadihii 1966 ilaa 1970-kii, halkaas oo qalbigiisa ku leh xusuus aan marnaba ka bixin.
Md. Muuse Biixi oo ay wehelinayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Agaasimaha Fulinta ee Komishanka La-dagaallanka AIDS-ka Cabdikariim Xinif iyo xubno kale oo ka mid ah weftigiisa, waxay tageen xarunta Jaamacadda Camuud xilli waxbarashada jaamacadda fasax tahay, balse ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah maamulka oo si fiican u qaabilay, iyadoo dhinaca kalena, indhuhu ku doogsanayaan quruxda barwaaqada deegaanka jaamacaddu ku taal ee miyiga ah oo ay maasheeyeen roobabka ka da’ay dalka.
Maamulka jaamacaddu waxay Guddoomiyaha iyo xubnaha la socday ku wareegeen dhammaan dhismayaasha ay ka kooban tahay xarunta waxbarasho ee Camuud oo ay indho-indheeyeen isbeddelka iyo farqiga u dhexeeya waqtigii uu ahaa dugsiga sare ee hoyga iyo hadda oo ay tahay jaamacad hoggaamisa aqoonta heer jaamacadeed ee guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kaloo ay mid mid u istaageen afar fasal oo Muuse Biixi iyo ardaydii uu ka mid ahaa ku qaateen aqoonta afartii sanno ee ay ku jireen dugsiga Sare, kuwaas oo badankooda aan hadda wax lagu baran ee siyaabo kale loo isticmaalo, waxaannu Guddoomiyuhu halkaasi kaga sheekeeyey xusuusta iyo taariikhda aan qalbigiisa ka bixin ee waayihii ardaynimo iyo dhallinyarnimo ee uu ku soo maray.
“Markii dugsigii Camuud galnay annagu waxaannu ugu nimi oo maamule ka ahaa Alle ha u naxariistee Xuseen Kaahin iyo macallimiin kaloo badan, raggii aannu ku soo gaadhnay ee markaa dugsiga hormoodka u ahaa ama ku jiray fasalka afraad waxa ka mid ahaa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, markii aannu saddex sanno dhiganaynay (froum three) waxa noo yimi oo maamule ka noqday Prof. Saleebaan Axmed Guuleed (guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee hadda). Markaa afartan fasal ee isku xigaan dhammeeyey, fasalladu waa sidoodii laakiin kuraasta ayuun baa badatay, waayo ardaydu way yaraad waqtigaas oo fasalkiiba ilaa 28 arday baanu ahayn, balse dhismuhu wuu isbeddelay oo wax badan baa kordhay oo meelaha qaar baaban garanwaayey,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u ballanqaaday maamulka Jaamacadda Camuud inuu u dhimaystirayo dhisme qayb ka ah horumrinteeda oo hore uga qabyoobay.