“Boorama Waxa Ka Socdaa Waa Kaambayn, Wasiirkii, Madaxweyne Ku-Xigeenkii Ahaa Guddoomiyaha Abaaraha Ayaa Awdal-eey Ii Soo Baxa Yidhi….”

0
29

faysal-cali-warabe

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ahna musharax Madaxweyne ee Xisbigaasi,Ing: Faysal Cali waraabe ayaa ka haddlay socdaaka ay wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo Muuse Biixi ay ku joogaan magaalada Boorama,waxaanu sheegay in uu socdaalkoodu yahay mid  kaanbayn oo ollole

Faysal Cali Waraabe ayaa sidaasi ku  sheegay mar uu maanta ka haddlaayey Munaasabad ay xilka kula kala wareegeyeen wasiirka cusub ee wasaarada qorshaynta iyo wasiirkii hore,waxaana ka mid ahaa haddaladiisii

“Hadda Boorama maxaa ka socda, waxa ka socdaa kanbayn kale  wasiirkii  Madaxweyne ku-xigeenkii ahaa  guddoomiyaha abaaraha  ayaa Awdaleey ii soo baxa yidhi, isma qabto abaar ayaa nahaysa iyo kaanbayn isma qabto waa wax laga xishoodaa weeyo oo kaanbaynka la joojiyaa, aduunka xataa codkeenii muu gaadhin in aynu gaajoonayno”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe oo haddalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maanta waad aragtaan abaar ayaa inagu dhacday abaarii inagu dhacday wey sii xumaanaysaa roob ma da’in,Madaxweynaha xaq ayuu ulahaa inuu tago oo uu soo eego,lakiin abaar soo eegmay ahayne  kaanbayn ayey ahayd sodon baabuur ayaa is raacay, shurururwaa la soo wareegay 12 maal-mood waa la fadhiistay,waxa la mooday in ay abaartii dhammaatay waanay sii xumaatay abaartii

Dhanka kalena Faysal Cali Waraabe ayaa ka haddlaya arimaha qabyaalada uu Xisbiga KULMIYE ku ollolayo,“Halkan waxa jira saddex xisbi ayaani ahayn oo tartami jiray si nadiif ah ayaanu u tartami jirnay qabyaaladi ku jirin, tolaayey ku jirin, maanta tolaayee ayaa soo dhacday, waa markay-gii ayaa soo dhacday,waxa waxaa ka daran Xisbi kala jabay oo KULMIYE ah isna wuxuu inagu soo celiyey ka ciidee haddii aad cuniweyday”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.”

Ugu damayntii Faysal Cali Waraabe ayaa ka haddlay isku shaandhayntii “isku shaandhayntii iminka dhacdayn waxaynu kala ogaan-doonaa inuu isku shaandhayn loo baahnaa ahaa iyo ahaa kaanbayn oo KULMIYE loogu keenbayn garaynaayo, waanu kala garan-doonaa.

DAAWO

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here