-Wallaahi Mushahar Dambe Oo La Qaadanayo Ma Jirayo
-Halkeed nagu aragtay anaga
-Adeer kii kacayaa ha iska kaco
-Adigu Miyaanad dalka ka Maqnayn
Boorame, 07 April, Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa shalay furay Seminaar loo qabanayay xildhibaanada Golaha deegaanka Boorama oo lagu barayay maamul toosinta, wuxuuna Guddoomiye Ramaax uu hadalkiisii furitaanka kaga hadlay miisaaniyadda dawladda hoose iyo shaqo xumada dawladda hoose ee Boorame, Isla markaana wuxuu canaantay Maayarka iyo Golaha deegaanka, wuxuuna sheegay in la doortay rag wax magarato ah, oo odayaashii ka horreeyay ka wanaagsanayeen, kadib markii uu intaa yidhi waxa madasha ka bilaabay buuq iyo gacan ka hadlay, keenay inuu kulankaasi burburto.
Guddoomiye Ramaax muxuu kulanka ka yidhi?“Boorame waa magaalada kaliya ee ilaa maanta aan dalka laga gudbinin miisaaniyad, yaa leh masuuliyadda, isku kaaliyadiinu waa dhib, isku kaaliya wax baynu eryaynaayee laftigeedu waa dhib, isku kaaliya wax baynu dhisanayee waa dhib.”Ayuu yidhi Badhasaab Ramaax wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Mushaharkii shaqaalaha haddii aan wiigan la saxeexin, wallaahi mushahar dambe oo la qaadanayaa ma jirayo, go’aan baan la idinka qaadanayaa, macaa maayaarkiina, Wasiirka waxaanu isla qaadhay dalkaa ilaa tuulooyinkii yaryaraa miisaniyadii waa la keenay, degmadii boorame Miisaniyadeedii wax haysta xildhibaano, xildhibaan xumadu halkan oo kaliya ma haysto, wadanka oo dhan ayaa xildhibaano xun. “
“Anigu haddii aan dadweynaha ka mid ahay ama aan afkooda aan is idhaahdo ku hadal xildhaabanada wadanka la doortay, ee deegaanada, lama mahadin ee kuwii hore ka fiican. Waayo, kuwii hore waayeel baabay u badnayeen oo rag waaweyn oo isugu yimaada ayay ahayeen.Laakiin niman aan canaan ogolayn, nimaan aan in la isku yimaado ogolayn, niman aan isu-tanaasul lahayn, niman aan shaqadoodii garanayn , niman nin waliba isagu amiir yahay, ma in aynu isku khaldanaa.”ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax
Ogaal