Hargeisa-(Hubaal)-Waxaa tan iyo habeen hore weli ku xayiran Madaarka Dubai gudihiisa boqolaal rakaaba Somaliya oo la’ diyaarad ka qaada madaarka oo u duulisa Somalia iyo Somalilandba.
Dadkan rakaabka oo habeen hore saqdii dhexe lagu soo xareeyay madaarka Dubai ayaa filaayey in isla habeen horeba niska danbe diyaarad ku duusha magaca African Airways halkaas ka qaado,geysana Somaliland iyo Somalia.
Yeelkeede diyaaradiiba waa la waayey muuqeeda iyo Meel ay Jaan iy cidhib dhigtay,Ku darsoo shaqaalaha shirkada African Airways ee Dubai ayaa dadkii watay Ciqaamadaha iyo Baasaboorada dawladaha Yurub iyo Maraykanka ka saarey gudaha Madaarka oo dib ugu celiyey magaalada iyo Hoteelo halka dadkii arimaha caafimaadka u tegay iyo ganacsatada yaryar u badnaa ee haystay fiisayaasha weli ku xayiran yihiin ama hoganayaan Madaarka Dubai gudihiisa oo dhinac walba loo diiday inay u dhaqaaqaan,qaarkoodna ganaax iyo taqsiir wajahi doonaan haddii fiisahoodu dhaco intay madaarada tuban yihiin ,sidoo kale waxay shaqaalaha shirkadu dib u celiyeen Rakaabkii ka ku xigi lahaa ee la filaayey inay saaka (Isniinta) ka soo dulaan Imaraadka.
source: Qarannews