Tan iyo intii xukuumadda Kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxwayne Siilaanyo ay talada dalka ku guulaysatay sanadii 2010-kii waxa bulshaddii dalka iyo mujtamacii is jeclaa ee walaalaha ahaa la dhex-galiyey Vires aan Ilaahay mooyaane binu-aadan ka saari Karin, waxaynu mudada afarta sano iyo dheeraadka ah u soo taagnayn dhacdooyin faro-badan oo mid walba aanay hore dalka ugu dhicin isla markaana ay necbaysanayaan dhamaan dadka ehelka u ah wanaaga iyo cadaaladu.
Waxay aragnay beel-dhan oo kooga aqoonyahanka ah, kooga madaxdhaqmeedka ah, kooga siyaasiga ah iyo kooga sheekha ahiba uu caadifad qabiil oo gar iyo gardaro-ba ah ay la barbar taagan yihiin madaxwaynihii qaranka oo mar walba qabiil uun ka iman lahaa isla markaana waxay madaxwayne Siilaanyo iyo beeshiisu-ba mareen jidad xiqdi iyo qodax badan oo aanay horre u marrin saddexdii madaxwayne ee ka horeeyey iyo beelihii ay ka soo kala jeedeen oo dhami.
Madaxwayne wayneyaashii Axmed Siilaanyo ka horeeyey mid walba cid aan beeshiisa ahayn ayaa difaacaysay oo kursiga horre u fadhiday, halka maanta Axmed Siilaanyo ay xafiis-walba u fadhiyaan ilaa marfeshyada ay ku yeelatay dad ka difaaca danaha beeshiisa oo lacag ama mushahar ku qaata guul-wadaynta iyo buunbuuninta waxqabad aan jirin oo ay ku riyoodeen inay sameeyeen madaxwayne Siilaanyo iyo beeshiisu.
Waxba yaanu qalinku ila durkine haddii aan usoo noqdo dulucda Faaladeenan waxaan jeclaaday inaan hal shaqsi oo kaliya oo ka mid ah beesha madaxwayne Siilaanyo inaan ka soo qaato xiqdiga iyo xumaanta ku jirta oo haddii Miisaan la saarro aan odhankaro waxa uu ka xumaan iyo qabaalad badan dhamaan mujtamaca kale ee reer Somaliland oo dhan marka laga reebo beesha barriga Burco.
Ninkaasi oo ah Boqor Cismaan Buur-madow oo aan aniga iyo inta taqaanaaba ay u aragto nin ku caan-baxay qabyaalad inuu been isku dir dhex-dhigo bulshadda Somaliland, haddii aan hal iyo laba qodob oo kaliya ka soo qaaddano shaqsiyadda Buurmadow waxaynu ku horayn karnaa hadalkii ka soo yeedhay markii ay madaxdhaqmeedka Awdal tabashadda ula yimaadeen madaxwayne Siilaanyo oo aynu ogayn wiixi uu ku hadlay inaanu qof damiir lihi ku hadli Karin. Waxa ku xigtay haddana inuu dul-dhigto musharaxa madaxwaynaha UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo uu been ka sheegay isagoo si uu bulshadda xumaan u dhexdhigo ka been abuuray Jamaal Cali Xuseen oo uu ku eedeeyey inuu arrin qabiil ka hadlay markii uu lahaa kiiska dilka labadda sarkaal ee Qoru-lugad dawladu si cadaalad ah haw baadho oo haw gasho arrintaas, ayaa waxa uu Buurmadow oo mudooyinkii u danbeeyey u muuqday inuu afhayeen u yahay madaxwayne Siilaanyo oo ay isku beel yihiin oo xataa haddii khalad cad oo Siilaanyo galay la sheego uu si caadifadaysan u difaacayo.
Buurmadow talo iskaga khasaarin maayee waxaan waxgaradka beeshiisa odhan lahaa Vires-ka idinku dhexjira iska qabta intaanay ummadu idinku nicin oo aydaan cid walba isa seegin, haddii aanana khaldanayn madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiiradiisa awooda badan ee ay isku beesh yihiinba waxay taageersansan yihiin Xiqdiga iyo xumaanta uu bulshadda dhexdhigayo Buurmadow oo taas cidna waydiin maayee Vires-kaasi haddii aanay iska qaban iyaguu dib ugu noqon doonaa oo uu burburin doonaa.77
Guntii iyo gabo-gabadii waxaan leeyahay Buurmadow ma Afhayeenka Madaxwayne Siilaanyo ayaa loo magacaabay?ilayn waakan siyaasi iyo madaxdhaqmeedba haddii ay magaca Siilaanyo soo hadal-qaadaan afka kaga boodayee??.
Qalinkii: Axmed Cabdi Oogle