“Waxanmaqlayey rag dhagaxaan tuur tuurayey, dhaqan baynuna lahaan jirney ahaa ninka wax dhima ee dembiilaha ahi dadka cafis buu weydiisan jirey, dhagaxaan, waxana aanu leenahay walaalayaal Waddadii ay lahayd Maydaan Marin…”Boqor Buur-madow.
Hargeysa (Hubaal)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa ka hadlay xukunkii dhawaan maxkamadda ciidanka qaranku ku riday eedaysanayaashii loo haystay dilka taliyihii Booliska ee gobolka Saaxil, Marxuum Casayr, waxana uu sheegay in xukunka raggaas lagu riday oo dil u badnaa uu hambalyeynayo.
Boqor Cismaan oo isagoo ku sugan gobolka Sanaag arrintan ka hadlay, ayaa ka digay mudaharaadada gobolka Saaxil ka dhacay ee xukunkaas lagaga soo horjeedo, waxana uu ku sheegay wax dhaqanka caadiga ah ka baxsan, “nabaddu cid walba waa u dan, waxana aan maqlayey rag dhagaxaan tuur tuurayey, dhaqan baynuna lahaan jirney ahaa ninka wax dhima ee dembiilaha ahin dadka cafis buu weydiisan jirey, dhagaxaan iyo rabshad iyo waxaasina dhaqankeena ma aha.” Ayuu yidhi boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.
Boqorka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in dadka xukunka diidan ay u ekayd inay cafis u doontaan cidda dhibtoodu hore u gaadhay, halka ay mudaharaadada ka samaynayaan, waxana uu yidhi,“Xukunka ka dhacay Hargeysa aad iyo aad baanu u hambalyeynaynaa, waxana aanu leenahay wallaalayaal wadadii ay lahayd ee dhaqanka ahayd ee dembiga ka calaacalkiisa iyo cafis inaad doontaan may daan marin, dadka reer Somaliland-na way arkayaan, tolkuna wixii ay noola yimaadaan waanu sugaynaa.”
Boqor Cismaan, ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha ka socda waddada Ceerigaabo iyo Burco, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay waddadaas dhamaystiraan, si ay taariikhda ugu gasho madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE,“waxqabadka waddada ceerigaabo aad baanu hambalyeynaynaa, waxana aanu rajaynaynaa inay waddadaas dhamaystiri doonaan inta aanay xilkooda ka deign, taasina waxa ay noqon doontaa taariikh uu madaxweynaha xilka haya iyo xisbigiisu ka tegi doonaan, waxana aanu leenahay dhameeya reer Somaliland oo dhammina way idin garab taagan yihiin.”ayuu yidhi boqor Buur-madow.