Khudbad Farriin Siyaasaddeed Huwan Oo Boqor Buurmadow Ka jeediyey Madal Kulmisay Wejiyo Siyaasaddu Kala Fogaysay
“Maanta Waxaad Aragtaan In Cali & Xirsi Ay [saf] Kasoo Jeedaan, Aniguna Cidda Aan Ahay waan Ogaadoo nin xadhigii yaraa ku baqanaya ma ihiye shuwaalka ayaan is dhaafinayaa”
Hargeysa (Hubaal) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, oo dhawaan cafis madaxweyne kaga soo baxay xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa sheegay inuu bishan shuwaal ka dib saxaafadda la hadli doono, kana hadli doono arrimo badan. Boqor Buurmadoow, oo ay maalmihii u dembeeyey baraha xidhiidhka bulshada iyo degellada wararka Somaliland qaarkood baahinayeen warbixin ku saabsan khudbad uu boqorku ka jeediyey toddobaadkii ina dhaafay madal dhaqan oo meher ahayd, taas oo uu kamid ahaa marti sharaftii lagu casuumay xafladaas isla markaana ay joogeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirkii hore ee hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Mareexaan), xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye ay Mr Buurmadow oo hadalka lagu soo dhaweeyey waxaa uu halkaasi ka jeediyey khudbad dhadhan ahaan ku socotay masuuliyiinta meesha fadhiday, waxaana isaga oo si gaar ah ugu soo hal qabsanaya hoggaamiyaha xisbiga Waddani iyo wasiirkii hore ee hawlaha guud uu ku tiraabay weedho u muuqday isbedel siyaasadeed oo uu damacsan yahay in uu dhawaan soo bandhigo. “Xirsi awalba hore ayuu u sii joogee Maanta waxaad aragtaan Cali Mareexaan inuu ka soo jeedo [isku saf], aniguna cidda aan ahay waan ogaadoo maanta waaniga xaggan ka jeeda, halkan uun baanay noqonaysaa. Aniguna nin xadhigii yaraa ku baqanayana ma ihi ee dhawaan waan hadlayaa laakiin shuwaalkaan is dhaafinayaa”. Hadal nuxurkiisu sidaas ahaa ayuu boqorku ka yidhi madashaas, sida lagu baahiyey degelka http://baligubadlemedia.com oo aanu warkan kasoo xiganay, waxaana boqorku markuu hadalkaas yidhi u dhacay sacab badan. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, ayay maxkamadda gobalka Hargeysa ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah, ka dib markii markii uu degmada Carmo ee maamul goboleedka Puntland kaga qayb galay xaflad dhaqameed lagu caleemo saarayey beel-daajaha deegaankaasi oo uu hadal ka jeediyay. Laakiin Madaxweyne Biixi ayaa bishan boqorka ku soo daayay cafis madaxweyne.