“Guddida abaaraha waxan leeyahay haddii cid gaar ah xoolaha la idiinku dhiibay sidiinaa u wata, haddii kalena dadku saamiga ay ka heleen deeqda ay umaddu siisay halla siiyo oo qayb-qaybinta halla daayo oo umadda halla siiyo”Boqor Raabi
Hargeysa:(Hubaal)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo kamid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa baaq adag u kala diray guddida abaaraha heer qaran iyo weliba bulsho weynta ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxana uu xusay inuu halis ku jiro Biriishkii isku xidhayey Koonfurta iyo Waqooyiga caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Boqorka oo saxaafadda la hadlay, ayaa sidoo kale xusay inay yaraatay ciddii danta guud ilaalinaysay, isla-markaana la meelaystay dhulka danta guud ee laga jaro beelaha la qorshaynayo, waxana uu baaq u diray dadka beeralayda ah, gaar ahaan kuwa beeraha ku leh dhinaca Koonfureed ee magaalada Hargeysa, “Dadka beeraha ku leh Bariga magaalada Hargeysa ee dhulka danta guud ah laga jarayey ee ragga gaarka ahi iska cunayaan inaanay dhulkoodaa iska sharciyey, maadaama aan cid la aaminaa jirin, kollayba dad gaar ah baa cunayee ha iska sharciyeynina oo ku faro adayga, innagaana guddi samaysanayna, cid dambe oo aynu isku hallaynaana ma jirto, kuwa beenta” ayuu yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu dhaliil xooggan u jeediyey guddida abaaraha ee heer qaran, waxana uu shaaciyey saluugga dhinaca dhexdhexaadnimada ah ee guddidaas laga sheeganayo, isaga oo farriin-na u diray,“Guddida abaaraha waxan leeyahay haddii cid gaar ah xoolaha la idiinku dhiibay sidiinaa u wata, haddii kalena dadku saamiga ay ka heleen deeqda ay umaddu siisay halla siiyo oo qayb-qaybinta halla daayo oo umadda halla siiyo” ayuu yidhi Boqor Raabi.
Isaga oo la hadlaya dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa waxa uu ugu baaqay inay u midoobaan sidii loo dayac tiri lahaa Biriishka weyn ee badhtamah caasimadda mara, maadaama sida uu sheegay ay ka gaabiyeen ciddii ku shaqada lahayn, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi boqor Raabi, “reer Hargeysa waxan leeyahay aynu isu soo baxno oo aynu dhisano Biriishkeena, nimankii u xilsaarnaa ee cashuurta dadka kaga qaadayey ee la doonayey inay dalka wax ka qabtaanna Biriishkii magaalada isku xidhiidhinayey dhisi waaye.”