Boqor Sameeyihii Boqor Ma Noqon Doonaa? Muuse Biixi Iyo Doorkan

0
40

Boqor Sameeyihii Boqor Ma Noqon Doonaa? Muuse Biixi Iyo Doorkan

Waxa lagu tilmaamay qof ay adagtahay in laga saadaaliyo, hogaamiye aragti leh, dagaal ooge, qabiilayste, qof hal dag oon laga gol-roonaan, nin run badan oon cidna been ku haasaawin, nin adkaysi iyo naf hurba leh, nin dantiisa kahor mariya wax kasta oo kale oo aan saaxiibtinimo aqoon, nin Somaliland iyo gooni isu taageedu caqiido u tahay wixii aan iyada ahaynbana gorgortan kagali kara……Wax kasta oo la yidhi toona, waxa hubaal ah in aanay jirin sifo kaliya oo koobsan karta shakhsiyadda iyo dabeecadda Muuse Biixi Abdi.Muuse Biixi

Muuse Biixi, guuddoomiyaha xisbul xaakimku waa mid ka mid ah siyaasiinta ugu hadal haynta iyo saamaynta badnaa 30kii sanno ee u dambeeyey marka la fiiriyo geedi socodkii siyaasadda soomaliland iyo dhaqdhaqaaqii ay kadhalatay soomalilandba ee SNM. Inkasta oo a anu mudadaa inteeda badan xil rasmi ah oo dawladeed hayn hadana markaliya carrabka iyo qalinka lagama dhigin.

Ma jiro siyaasi intiisa in leeg soo jiitay saxaafadda. Foostooyin khad ah ayaa ku idlaaday wax ka qorista dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo hadalada ninkan soo hadalqaadkiisu is maandhaafka badan iyo muranka bulshada ka dhex abuuro. inkasta oo bulshada in badan oo ka mid ahi u aragto in uu yahay nin go aanqaadasho leh halka Somaliland maanta joogtana hore uga sii dhaqaajin kara; hadana taa ka soo horjeedkeeda dad baa u arka kalitaliye dagaal ooge ah. Dadka inta badan sidan qabaa waxa ay soo daliishadaan dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sanadihii 90aadkii oo uu isaguna ahaa wasiirkii u qaabilsanaa Arrimaha gudaha iyo Amniga, xilligaas oo go aano iyo hadalo taariikhda galay lagu xiriiriyo siyaasigan.

Si kastaba ha ahaatee, dadka sidan ku doodaya waxa lagu dhaliilaa in ay inta badan indhaha kaqarsadaan xaqiiqadii wakhigaa Somaliland ka jirtay iyo sidii xaalad kalaguur, dhanka aragtida siyaasadda ah, dalku xiligaa ugu jiray. Xilligan oo wax yar uun ka dambeeyey ku dhawaaqidii gooni isutaagga Somaliland laguna guda jiray wali u diyaar garawga dhaqan galintii iyo ka dhabayntii dhawaaqaas. Dadka taariikhda Somaliland ka faalooda waxa ay ku doodaan in Muuse Biixi ahaa masuul wasiir ka noqday wasaarad muhiim ah xilli xoogag iska soo horjeedaa u kala jiidayeen Somaliland jihooyin kalataggan. Waxa ay taariikhyahanadu dagaalkaa dhacay ku sifeeyeen in ahaa mid siyaasadeed ee aanu ahayn mid beeleed. Waxa ay tan u daliishadan in inta badan siyaasiyiintii dagaalka dhanka kale ka soo abaabulaysay ay ku dambeeyeen Muqdisho iyo Somaliya qaarna ay wakhtigaa laftiisa joogeen caasimadda somaliya ee Muqdisho. Hadii, hadaba, tani dhabtahay oo dagaalkii wakhtigaasi ahaa mid ay ku hirdamayeen aragtiyaha Somaliland iyo Somali-wayn, Muuse waxa uu noqonayaa siyaasi u istaagay xilli qadiyadda Somaliland hiil u baahnayd iyo isir saamayn badan kulahaa in qadiyadda Somaliland guulaysato.

Si kasta oo ay tahay, waxa dhab ah in aan hawlaha siyaasadeed ee Muuse Biixi la kawsan wakhtigaa uu wasiirka noqday. Dadka aqoonta dhaw u leh Muuse waxa ay sheegaan in uu yahay nin aad ugu fiican abaabulka iyo in uu yahay qof aan kahadhin arin uu u qalab qaatay ilaa uu ka midho dhaliyo.   Waxa ay inta badan tusaale u sooqaataan xilliyadii uu ku soo biiray halgankii SNM oo ahayd xilli Jabhaddu aad u kala daadsanayd iyo sidii uu uga qayb qaatay abaabulkii iyo isku dubbaridkii ciidamada. Waxa la xusaa in uu gacanwayn kulahaa fikraddii iyo samaysankii golaha guurtida ee xilligaas. In uu ahaa miskaxdii kala shaqaysay in Gaashaanle Sare Ahmed Cumar Jees kabaxo forontii dagaalka ee uu kala soo horjeeday SNM, arintan oo gacan kagaysatay libtii SNM kagaadhay dagaalkii lagula jiray rajiimkii wakhtigaa dalka haystay.

Dhanka hogaamintiisa dagaalka waxa aad loogu majeertaa in uu ahaa hogaamiye talo waydiiya cidda uu hadba aqoon bidayo, iyo in uu ahaa hogaamiye horkaca colka uu hagayo ee aan daba socon iyo in uu ahaa nin aan wadnihiisu galawda aqoon. Waxa aad loogu xusuustaa dagaaladii galbeedka oo uu hogaankooda la wareegay intii dambe. Dagaaladaas oo uu guulo badan kasoo hooyay, haarihii dhaawacyadii wakhtigaa soo gaadhayna wali jidhkiisa ka muuqdaan. Muuse Biixi Waa hogaamiye u muuqda inay damaqdo sida mararka qaar looga been sheego ka uu yahay iyo waxa uu u taaganyahay, hadana aan wakhti badan ku lumin in uu saxo been kasta oo laga sheego taariikhdiisa iyo gefkasta oo laga galo shakhsiyasaddiisa.

Marka xilligan lagu soo noqdo iyo arimaha doorashooyinka ee inagu soo fool leh, waxa dad badni is waydiinayaan‘ ninkii boqorada samaynjiray( kingmaker), isagu doorkan boqor ma noqondoona?’ Haa, waa boqor sameeyihii ugu fiicnaa ee soomaray Somaliland. Waxa uu si hagar la aan ah ugala shaqeeyey in AHU Maxamed Ibrahim Cigaal in dawlidisii taabbo gasho, waxaana lagu xashashaqaa in Ina Cigaal dhintay isaga oo baadi goob ugu jira soo celinta xidhiidhkii dhawaa ee isaga iyo ina bixi ka dhaxayn jiray wakhtiyada qaar. Dhanka kalena waxa aan dadka intooda badan caad kasaarayn in uu yahay miskaxdii iyo mishiinkii waday ololihii   talada dalka gacanta u galiyay Siilaanyo, oo ahaa saaxiib ay jid dheer iyo nolol adag isla soomareen.

Muuse Biixi, inkasta oo dadka qaar u arkaan inuu yahay hogaamiye aan soo jiidasho (charisma) badan lahayn, hadana waa siyaasi dad aqoon ah fahamka iyo aqoonta uu taariikdha dadkan iyo dalkan u leeyahayna ay yartay cid la barbadhigaa. Waa hogaamiye jecel horumarka ayna u muuqato jidka loo marayaa. Waa siyaasi indheer garadnimo, dulqaad badan iyo go aan qaadashaba muujiyay xaalado badan oo adkaa. Marka la barbardhigo siyaasiinta saaxadda siyaasadda kula jirtana waa hogaamiyaha kaliya ee taariikhdiisu dhiirigalinayso in mustaqbalka dalkan lagu aamino. Marka sifooyin kaa uu kulansaday la fiiriyo, waxa ay dad badani u arkaan in uu yahay Muuse jawaabtii inta badan suaalaha ay qabaan dadka reer Somaliland iyo hogaamiyaha ugu haboon ee xiligan dalku heli karo.

Waxa hubaal ah in aanu Siilaanyo dhaxalkiisa, dalka iyo dadka toona kaga tagi doonin gacan uga aamin badan ta Muuse Biixi; iyo in uu Muuse yahay hogaamiyaha badbaadin kara midhihii halgankii dheeraa ee loo soo maray dib u soo celinta xorriyaddii dalkan iyo dadkan ka luntay, xilligan oo isbadalo badani gobolka iyo dunidaba ka dhacayaan.

Dhanka kalena waxa dad badan u muuqda in Muuse Biixi dhaxli doonta dal iyo dad u baahan in cudoddooda iyo caqligooda laysu soo dumo oo dhan loo wada jeediyo; iyo waliba dal ay ku noolyihiin 4 millionaire iyo 4 million oo maskiin, waxaanay is waydiinayaan siduu talaw hal xidhaalahaa u xallindoonaa?

Abdinasir Ibrahim Ismail (saacadaale) is a researcher with FCTR and a lacturer in Public Policy and Strategic Management.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here