Boqorkii Feedhka Maxamed Cali Kalaay Oo Geeriyooday, Hadalladiisii Caanka Baxay iyo Weedhaha Dadka Caanka ah ee Dunidu Ku Sagootiyeen

0
42

Phoenix (Hubaal):- Maxamed Cali Kalaay oo ahaa Nin caan ku ahaa Ciyaaraha Feedhka Adduunka, marar bandanna ku guuleystay Koobka Feedhka, ayaa geeriyooday. Waxaanu ahaa Nin Muslim ah oo da’diisu wakhtigan ahayd 74 jir, xaaladdiisa caafimaadna ay beryahan dambe iska liidatay, maalmihii u dambeeyeyna laga dayrinayey.

Waxa haleeyay xanuun uga dhacay sambabada iyo neefsashada. Waxaa cudurkaasi uu ku dhacay sanadkii 1984, afar sano kaddib markii ka fariistay ciyaaraha feerka. Maxamed Cali waxa uu ku dhashay ee gobolka koofurta mareykanka ku yaalla ee Kentucky.

mohammad ali kalaay

Waxa uu Muslim noqday sannadkii 1964 oo ahayd markii ugu horreysay ee abaalmarinta caalamiga ah uu ku guuleystay. Seddax jeer ayuu helay abaalmarinta feedhka culus ee caalamka. Waxa uu Marxuumku ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka.

Halkan ka aqriso qaar ka mid ah hadallada ugu caansan ee uu yiri marxuum Muxamed Cali Clay.

Waxa uu ka yidhi siyaasadda

“Cassius Clay waa magac addoonnimo. Anigu ma dooran, mana doonayo. Magaceygu waa Muxamed Cali, waxaan ahay nin xor ah. Waxaan rabaa in ay dadka magacaasi iigu yeeraan marka ay ila hadlayaan ama ay iga hadlayaan. “

“Afar boqol oo sano ka hor ayaa halkan nala keenay si aan uga shaqeyno. Maxay tahay sababta dal aan leenahay aan u dhisan la’ nahay si aan uga maarano tuugsiga shaqooyinka? Xor ma ahaan doonno ilaa iyo inta aan dhul ka yeelaneyno. Waxaan nahay 40 milyan oo qof, mana lihin laba acre oo inaga noo gaar ah. “

Markii uu diiday inuu ka mid noqdo Ciidanka Maraykanka

“Maxay tahay sababta ay iiga codsanayaan in aan tuute (labiska ciidanka) u xirto oo aan 10,000 oo mayl uga fogaado gurigeyga si aan u duqeeyo ama aan rasaas ugu rido dad ku nool Vietnam, xilli ay dadka lagu magacaabo Negro ee ku nool Louisville loola dhaqmo sida eeyda, isla markaana loo diido xuquuqda asaasiga ah?”

“Uma socdo meel 10,000 oo mayl ka fog gurigeyga, si aan gacan uga geysto dilka iyo gubitaanka dal sabool ah, si ay gumeystayaasha caddaanka ah usii wadaan haysashada dadka madow ee caalamka.”MOHAMED-ALI-KALAI

Dadka Tacsiyeeyay Geeridiisa

Shakhsiyaad badan oo magac ku leh caalamka, gaar ahaan kuwa Ciyaara feedhka, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Muxamed Cali, oo caan ku ahaa feerka, kuna dhintay cisbitaal ku yaalla Maraykanka asaga oo 74 jir ah.

“Waa maalin murugo badan. Muxamed Cali waxa uu ahaa qof aan jeclahay, saaxiibna ila ah. Weligii lama hilmaami doono, waxaana loo xusuusnaan doonaa sida Martin Luther King.” Waxaa sidaa yiri Don King oo suuqgeynta u qaabilsanaa feerka uu dheeli jiray Muxamed Cali.

“Muxamed Cali waxa uu ka mid ahaa dadka caalamka ugu wanaagsan ee aan la kulmay. Waxaan shaki ku jirin inuu ka mid ahaa dadka ugu wanaagsan xilligiisii.” Waxaa sidaa yiri George Foreman oo ay Muxamed Cali ku feertameen tartankii caanka ahaa ee la magac baxay Rumble in the Jungle.

“Xilli ay adkeyd in dadka madow ee Maraykanka ah ay xuquuqdooda u doodaan, ayaa Muxamed waxa uu u istaagay si uu difaaco waxa uu rumeysnaa in ay sax yihiin. Waxa uu ka dhigay dhammaan dadka Mareykanka kuwa xuquuqdooda u istaaga.” Waxaa sidaa yiri Kareem Abdul-Jabbar oo dheeli jiray kubadda kolayga.

“Ma jiri doono qof u dhigmi kara Muxamed Cali. Dadka madow ee caalamka ku nool ayaa u baahnaa Muxamed. Waxa uu noo ahaa cod. Waxa uu iga dhigay qofka aan ahay maanta.” Waxaa sidaa yiri Floyd Mayweather, oo marar badan ku guuleystay tartamo feerka caalamka ah.

“Waxa naga baxay qof weyn. Feerka waxa uu ka faa’iideystay khibradda Muxamed Cali, balse waxaa si weyn uga faa’iiday bani’aadanka oo uu tusay waxa ay tahay bani’aadannimada.” Waxaa sidaa yiri Manny Pacquiao, oo ka mid ah ragga ugu caansan feerka caalamka ee maanta.

Ugu dambeyntiina waxaa geerida Muxamed Cali ka tacsiyeeyay Donald Trump oo la filayo inuu musharrax madaxweyne u noqdo xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, waxaana uu yiri “Muxamed Cali waxa uu ku dhintay da’da 74 jir! Waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan. Waana tebi doonnaa dhammaanteen!”

Xigasho BBCSomali.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here