Boqorkii Sideedaad- W/Q: Maxamed Faarax Qoti

0
80

mohamed farah qottiQalinkii: Maxamed Faarax Qoti

Hooyaddii waxa ay ka soo jeeday dhalasho ahaan dadka Giriisiga (Greece) ee ku nool dalka Giriiga, waxaanu ku dhashay dalka Kanada, laakiinse, dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeeday dadka Jerokee (Cherokee) ee ku nool dalka Jarmalka.

Waxaanu ka mid noqday Boqoraddii hore ee soo taliyey dalka Kanada, Boqorku waxa uu had iyo jeer dadkiisa kala hadli jiray goob fagaare ah oo lagu beeray doog iyo dhir aad u qurux-badan oo si fiican loo illaaliyey, wakhtigaas, inkastoo uu lahaa khudbado aad u qiimo badnaa, haddana, marka ay wax ka qorayaan wariyayaasha iyo Qorayaasha reer Kanada, waxa ay ugu yeedhi jireen Boqorkii Sideedaad.

Taasoo ku abuurtay Boqorka in uu ka cadhoodo oo aanu raali ka noqon in loogu yeedho magac bixintaa loogu magac daray Boqorka sideedaad, waxaanay arrintaasi noqotay murankii ugu mudada dheeraa ee in badan soo jiitamayey, haddana wali taagnaa, marka la barbar dhigo Boqoraddii ka horeeyey.

Boqorku waxa uu ahaa hal-abuur  indheer-garad ah, kaasoo qoray buuggaag badan oo ay ku duugnaayeen, Taariikheed nololeedkiisii, Gabayo, Dhacdooyin  iyo Sheekooyin gaagaaban, inkastoo uu lahaa laba sinjiyadood oo leh hal-dhaqan oo kaliya, laakiinse, haddana dhamaantood waxa laga dhan-dhansanayey labadiisa-hide ee uu ka soo jeeday.

Waxaanu ahaa indheer-garad fahamsanaa khatarta ay leedahay qoraaladda la xidhiidha mawduucyadda takooridda, sidoo kalena, waxa uu juhdi iyo dadaal badan galiyey faalooyin lagu duubay cajaladdo ku saabsanaa dadka Ameerikanka ah ee  Hooyooyinkood ay ka soo jeedaan sinjiyaddaha kale

Boqorku isagoo ka biyo diidsanaa dhalan rogga ku iminayey dhinaca sinjiyaddaha, waxa uu qaaday wakhtigaasi talaabo weyn oo uu u isticmaalay  awood ciidan oo dhinaca xuduudaha ah, waxaanu xilalkii ay hayeen ka qaaday dhamaan masuuliyiintii lahaa Labada-sinjiyadood, taasoo uu ku suureeyey in ay hallis ku ahayd nidaamka geedi socodka dalkiisa, sababtoo ah buu yidhi:-  Waa lagu soo dhex-mari karaa, taasina waa mid hallis ku ah jiritaanka qarannimadeena.

Waxaanu soo saaray sawiro muujinayey cadeymo badan iyo kuwo kale oo si far-shaxanimo leh oo ay ku dheehan tahay waayo-arragnimo, loogu xar-dhay Hooyo iyo wiilkeedii oo difaacaysa aqoosiga dhiiga ay ka soo jeedo, laguna qabtay iyadoo socota dhulka lama degaanka ah ee u dhexeeya Kanada iyo Ameerika,

Hadda marka aad eegto  shaqsiga u dhashay dalka Somaliland, laakiinse, sita sinjiyaddaha kale, waa sida dhiig isku mulaaqmay oo kale.

Maaha tani mid ina tusinaysa sinjiyadda iyo dhiigaga isku mulaaqmay oo kaliye, laakiinse, haddana waxa ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, xil-dhibaan aannan jeclayn in aan halkan magaciisa ku xuso oo ku soo baxay cod aqlabiyadd ah doorashaddii Gollaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo wakhti danbe la ogaadey in uu haysto diinta kiristaanka.

Haddaba, marka aynu eegno qurba joogeena iyo kuwa haddeer tahriibka ku galay wadamada Aduunka, inkastoo ay jiraan dad badan oo dhaqankoodu iyo diintooduba aanay is badelin, laakiinse, waxa hubaal ah in ay jiraan Lab iyo Dhadig, haba-yaraadaane ay guursadeen sinjiyaddo kale, halka kuwo kalena  ay ku dhaqan-doorsoomeen dhaqamadda kale duwan ee ka jira daafaha dunida.

Ka sokow, waxa iyana taasi barbar socda kuwo sita sinjiyaddo kale oo ku soo guryo noqday iyagoo qaba hamuun masseyr-xilleed ay ku doonayeen in ay xil ka qabtaan dalka Somaliland, ka dibna, loo dhiibay xilal  aanay waayo-arragnimo hore iyo aqoon badan u lahayn nidaamka dowliga ah, kuwaasoo wiiqay dhamaan nidaamkii iyo habkii dowladnimo ee ka jiray Gollaha Fullinta iyo Gollaha Sharci Dajintaba.

Haddaba, miyaanay la gudbooneyn kuwa sinjiyadda kaliyaata haystaa, innay fiiro-dheer u yeeshaan arrimahan ka socda xayndaabka gayigan ay ku xeeran yihiin, kaasoo u baahan  halgan dheer iyo sharciyaddii lagu xakameyn lahaa arrimahaas oo dhan.

Qalinkii: Maxamed Faarax Qoti

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here