Boqortooyada Ingiriiska Oo Berbera iyo Hargeysa Ka Reebtay Waddamo Ay Ka Digtay in Muwaadiniinteedu U Safraan

0
30

Akhri Liis Ay Ku Taxan Yihiin Soddon Waddan OoUu Ingiiriisku Ka Digay Amnigooda Oo Soomaaliya Ku Jirto

Hargeysa (Hubaal)-Dawlada Britain ayaa uga digtay markale muwaadiniinteeda inay u safraan wadamo ay ka mid  yihiin Somaliland iyo Somalia, amaba ay u aadaan arrimo la xidhiidha Dalxiis, iyadoo warwar laga muujinayo xagga ammaanka, waxase laga soo reebay magaalooyin kooban oo somaliland gudaheeda ah.

muwaadiniinta reer UKXafiiska Arrimaha Dibedda iyo iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain ee (FCO) ayaa waxay soo saareen Liiska Waddamadda ay Muwaaadiniinta Britishka, gaar ahaan Dalxiisayaasha kala kulmi karaan khatar dhinaca amniga.

Hadalkaasi ayaa soo baxay kadib, markii dhowr isbuuc ka hor 30 Dalxiisayaal British ah lagu dilay weerar ka dhacay xeebta loo dalxiis tago ee Sousse ee dalka Tunisia.

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo barwaaqo-soranka ee dalka Britain ee (FCO) waxa uu Liiska Dalalka uu ka digay in ay Muwaadiniintooda booqdaan ayaa waxaa ka mid ah Somalia iyo Somaliland oo la isku qaaday, waxase laga soo reebay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo Xafiisku ammaankooda ka marag kacay, balse waxa uu ku ladhay in safarrada muhiimka ah oo kali ah loo tegi karo.

Xafiisku waxa uu warwar ka muujiyey shaki dhinaca argagixisada ah oo u badan dhinaca Somalia, kuwaas oo ay afduubyo ku jiraan, balse ma caddaynin sababaha uu uga digayo ammaanka Somaliland.

Dhinaca kale, Waddamadda looga digay Dalxiisayaasha Britishka inay booqdaan ayaa kala ah:- Afganistan, Iraq, Libya,Central African Republic, Russia, Sierra Leone, Syria, Angola,Turkey, Bangladesh, Ecuador, Burkina Faso, Burundi, Burma, Cambodia, Chad, Cameroon, Colombia,Congo, Sudan, Ivory Coast, Thailand, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Egypt, Georgia, Guinea, Haiti, Mali iyo Saudi Arabia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here