Boqortooyada Midowday Ee England Oo Xustay Askartii Somaliland Ee Boqol Sanno Ka Hor Britain Kaga Dhimatay Dagaalkii 1aad Britain

0
26

 

HUBAAL KA Bogo: “Dawladda Britain Waxa ay Hoosta ka Xariiqday Inaan La Hilmaamin Ragga Ku Aasan Xabaalaha Dagaalkii Dalalka Barwaaqo-sooranka ee Ku Yaalla Caasimadda Somaliland”

Addis Ababa (Hubaal) – Safiirka UK u Jooga Itoobiya, Greg Dorey, ayaa qoraal uu shalay ku baahiyay Mareegta dawladda Britain, ku muujiyay ixtiraamka ay u hayaan ciidamada u dhashay Somaliland ee ku naf-waayey dagaal-weynihii dunida, kuwaas oo ka garab dagaalamayay ciidamada Boqortooyada Ingiriiska.

Ambassador Greg Dorey, ayaa hadalkan ugu talo-galay inuu kaga qayb-qaato xuska sannad-guurada 100-aad ee ka soo wareegtay bilowgii dagaalkii koowaad ee dunida, kaas oo ay dawladihii ka qayb-qaatay dagaalkaas isla markaana ku soo kala horjeeday wakhtigaas ay 3-dii bishan August wada-jir u xuseen.
Waxa uu Safiirku hoosta ka xariiqay inaan la ilaawin karin ragga ku duugan Xabaalaha Dagaalkii dalalka Barwaaqo-sooranka ee ku yaal magaalada Hargeysa, ee caasimadda Somaliland, halkaas oo uu sheegay sida rikoodhka lagu hayo ay ku aasan yihiin 115 saraakiil iyo askarba isugu jira oo ka mid ahaa Ciidamadii Hindiya iyo kuwii Somaliland ee la odhan jiray “Somaliland Camel Corps”.
Dagaalkii 1aad ee Dunida“Qubuurahan ayaa inta badan ragga ku aasani yahay raggii ku naf-waayey dagaalkii dhacay intii u dhaxaysay 1914 ilaa 1920-kii ee lagaga soo horjeeday Mullah Maxamed Ibn Cabdulla Xasan (dadka qaarkoodna u yaqaanaan Mad Mulah) ama Sayid Maxamed Cabdulla Xasan, kaas oo ka dhacay Shimbir Berris (Shimbiraale) oo ku taal gobolka Sanaag ee Somaliland.
“Ixtiraam aan dhammaad lahayn oo aanu u hayno dhamaan Saraakiishii iyo raggii kale ee ka tirsanaa Ciidamada Hindiya iyo kuwii ka tirsanaa Ciidamada Somaliland Camel Corps ee nafahooda ku waayay Somaliland xiligii Dagaalkii weynaa – Hadalkaas ayaa ku suntan Quruubaha Dagaal ee Barwaaqa-sooranka (The Commonwealth War Graves)” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Safiirka Britain u fadhiya dalka Itoobiya.
Waxa kale oo uu Amb. Greg Dorey qoraalkiisa ku xusay dagaalkaas sida weyn u saameeyay dunidu uu xataa sababay inay Britain iskaga horyimaadaan Itoobiya dawladii Talyaaniga oo ay wakhtigii dagaalkii koowaad xulifo ahaayeen, balse dagaalkii labaad uu dalka Talyaanigu cadow u noqday Britain, hase yeeshee waxa uu xusay in casharadaas ay wax badan barreen, taasina ay keentay inay wakhtigan dhammaantood (Italy, Britain iyo Itoobiya) wada-jir uga shaqaynayaan nabadgelyada iyo ammaanka gobolkan oo ay kaga soo horjeedaan cadowgooda keliya ee ah argagixisada.

Dagaalkii 1aad ee Dunida

Dagaalkii 1aad ee Dunidak-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here