Borobogaandooyinka Gacan Ku Rimiska Ahi Ee Ay Wadaan Qaar Kamid Ah Masuuliyiinta Xukuumadu Waa Qayb Ka Mida Dar- Daarankii Madaxweyne Siilaanyo Oo Ahaa In Lala Dagaalamo Duufaanta Siyaasadeed Ee Xusbiga Wadani Iyo Bilawga Midawga Beelweynta Habar Magaado
Sida Runta Masuuliyadu waa ta masuulka faraysay inuu guto waajibaadka loo igmaday , waxaa nasiib daro noqotay in qaar ka mid ah masuuliyiintii ay umadani doortay Ee loo dirtay ilaalinta shuruucda dawladnimo ay ku dhex milmeen golihii fulinta taasi oo ujeedadooda ugu waynina ay tahay inay xukuumadu siiso xoogaayar Oo Dheemaal Ah .
Waxaa Nasiib daro noqotay in maanta xukuumadii Talada dalka haysay marka ay ku fashilantay siyaasadeedii arimaha dibada iyo weliba Gudahaba ay bilawday inay bulshadii
ay iska horkeento iyada oo adeegsanaysa wax kasta Oo Borobogaandooyin ku salaysan Ha ahaato Hab qabyaaladeed iyo Fadeexad ka dhan ah Masuuliyiin Xusbiyada Mucaaridkaas
Waxaa Nasiib daro Noqotay In Nin Weyn Oo xildhibaan ah Oo Weliba Loo Tiriyo Nin Diinta Islaamka Wax Ka yaqaan , Inuu u badheedho Been cad oo aan sal iyo Raad Toona Lahayn Kaasi oo Fulinaya Dar-daaranki Oday Siilaanyo Oo ahaa in Wasiirada iyo Masuuliyiinta ka soo jeeda beesha Gud.Ciro ay bilaabaan Dagaal siyaasadeed oo Af iyo Ficil ah si looga hortago Dufaanta siyaaseed ee ay wadaan masuuliyiinta Xusbiga Wadani.
Waxaa Nasiib Daro ah in Taliska Maanta dalka haystaa uu Heshiisyo Qarsoon Oo Qayrul sharic ah la galeen somaliya , Kuwaasi oo ilaa maanta Caqab Ku ah Qadiyada Madax banaanida Somaliland Oo ay Xukuumada Siilaanyo Fagaare kasta Ay Ka sheegto Inay Somaliya Wada Hadalo Kula Jiraan , Halka Dawalda Federalka Ahina ay Beesha Caalamka Ku Qanciso Inay somaliland Ku qanciyeen inay qaadataan Nidaamka Federalka Oo Ay Musuuliyiinta Sar sare Ee Somaliland ay Isla Qaateen ,
Xil Bukhaari waxaa uu garan laayahay awoodihiisa shaqo ee Uu Ku Leeyahay Golaha Uu ka Tirsan YahayTaasi Oo Faraysa Inuu Yahay Masuul Ay Bulsho Soo Dooratay Oo Uu La awood yahay Madaxweynaha Oo Isna Bulsho Soo Dooratay , waxaa nasiib daro noqotay in ninka caynkaas ah ee awoodihiisa uu dastuurku sharfay uu Maan Inan Yar Oo Siilaanyo Adeer U yahay Uu ku Fushado waxa Danaha Beesha Habar jeclo ay ku jirto , Kaasi Oo Uu Ka Dhigtay GUUL WADE
Xildhibaan Bukhaari waxaanan qabaa inuu yahay Nin aragti Fog oo Siyaasadeed aan lahay , Si Kastaba ahaa Guul wadayta Bukhaari Waxay sharaf dhac ku ah Manasabkiisa uu Bulshada hayo,Magaciisa iyo Bulshadii Soo Dooratayba ., waxaan leeyahay Bukhaari Beesha Ku soo Dooratay Maaha Beesha Habar Jeclo Ee aan Ku xasuusiyo ee Waa Beesha Habar yoonsi Taasi Oo Ay maanta beesha siilaanyo Ay ku Guulaysteen inay Kuugu Garaacaan Gud. Cirro , Waxaana ay ka ka Turjumaysaa Taasi inaad Ay Ku guulaysteen Ujeedadii ay kaa lahaayee waana aynu arki doonaa Halka ay ku dhigaa ( Beeshaa Oo Horeba Abaal Looga waayay ) Tusaale ahaa. C/rahmana Cabdi qadir , Xil Duur . iyo weliba Muuse Biixi oo ay dhamaanba Aanay Gudin Abaalkii ay ku lahaayeen.
Xusbiga wadani Waxaa Uu hore uga hadlay wadahadalda u dhexeeya Somaliland iyo somaliya waxaana uu ku taliyay in wadahadaladaa la joojiyo , maadama oo ay dawlada somaliya ay jabisay qodobo badan oo ay labada dhinac ku heshiiyeen ( Tusaale ahaa Qodobkii Maamulka hawada oo ay xukumadu si toosa u shaacisay, iskaashiga Amaanka Oo ay maanta soo hubeeyaan Maleeshiyaadka khaatumo) , Taasi Oo ilaa maanta ay xukuumada siilaanyo Ku Adkaysanayo inay sii wadayso Wadahaladaa Macmalka ah Oo laga yaabo inuu somaliland u soo jiido guuldarooyin siyaasadeed Oo Saamayn Ku Yeesha Qadiyada Iyo Jiritaanka J.somaliland
Waxaa guuldaraystay Taliskii Qabaliga ahaa Ee ragaadiyay Ka midho dhilinta qadiyada iyo jirtaanka Somaliland taasi oo ay ku Guulaysteen inay dhamaanba soo wada xidhaan Safaaradihii iyo xidhiidhadii caalamiga ahaa Ee Somaliland ku lahayd Beesha caalamka . Taasi oo ay maantaba ay xidhan yihiin xuduudaha dalalka ethopia iyo Jabuuti Ku waasi oo ahaa Labadii dal ee Udanbeeyay.
Tumasha Durbaanada Beenta ahi waa qaar ka mid ah borobogaandooyinka xukuumda siilaanyo, Taasi oo si toos ah iyo dadbanba u adeegsata Hantida iyo dhaqaalaha dawlda Tusaale ahaa isticmaalka idaacada iyo Television dawlda oo ay u Heleen Masuul Ku Haboo U Guulwadaynta Taliska Dalka ka hir galay,
Iska Horkeenka Bulshadu waa habdhaqan caadado u ah Siyaasada Madaxweyne siilaanyo Taasi oo uu , Tusaale ahaa waxaa jirta Gudi Uu Odey siilaanyo U magacaabay Daminta khilaafka dhashay Biyo soo saarka Xubn
o Weyne kaas oo soo kala dhex Galay laba beelood oo walaalo ah , Gudidaas Oo Ka Soo Saartay Go’aano labada dhinacba ay isku raaceen Go;aanadaa oo ahaa qaar lagu diirsaday , Maalmo ka dib waxaa dhacday inuu dalka ka bilaabay shirar doceedyo siyaasadeed oo isfahan fiican laga gaadhay uu dhex maray Beelaha Habar awal iyo Habar-yoonis , shirarkaas oo laf dhuun gashay ku noqtay xukuumada maanta talada haysa , waxay bilawday inuu madaxweyne siilaanyo sameeyo wax kasta oo Khilaaf ah oo layskagaga horkeeni karo labadan beelood ee is fahanka ka gaadhay aragtidooda siyaasigaa,
Doodo iyo falaqayn faro badan oo laga yeeshay sidii la iskaga Hor Keeni Lahaa Beelahan walaalaha waxaa uu Madaxweyne Siilaanyo Usoo Jeediyay Wasiirada Beesha Habar yoonis Ugu Jira Xukuumadu Inay Xusbiga Wadani U sameeyaan Fadeexado iyo Borobogaandooyin Bulashada Lagu Nacsiinayo. Taasi Oo Bilaw U tahay Hadaladii Gacanku Rimiska Ahaa Ee Ka Soo Yeedhay BUKHAARI.
Qodonka Labaad Ee ka Soo baxay Doodaha iyo Falaqaynta Ay Xukuumada Ka yeelatay Siyaasada Firfircoon Ee Xusbiga Wadani ayaa waxaa lagu Go’aamiyay Soo Jeedimaha Qaar Kamid Ah Wasiirada Cidiyo Ku Dirirka ah , Qodobkaasi Oo Ahaa In Si Deg-Deg Ah Loo Magacaabo Gudi Cusub Oo Dhex Gasha Khilaafkii Heshiiska Laga Gaadhay Ee Ceelasha Biyo Soosaarka Xumbo Weyne , Gudidaas Oo U Tafo Xaydatay Inay Dagaal iyo Khilaaf Siyaasadeed Kala Dhex Dhigto Bulshada Walaalaha Ee Is Fahanka Aragtida Siyaasiga ah Wada Gaadhay .
Hadal haynta Hadal ay Bulshadu Ka Cadhootay Oo Kasoo Yeedhay Cakuse Waxaa uu ka turjumayay Dareenka dhabta ah Ee Ay Qabaan Xukuumda Siilaanyo Taasi oo uu Warbaahita Kaga Hadlay Hadalo Ka Baxsan Akhlaaqda iyo Haybada Wasiirnimo ,
Hadalo Xanaf Iyo Naxli Wata Oo wasiir Cakuse Ka jeediyay Shir Doceed Ka Dhacay Hutel KAAH Oo Dhex Maray Isaga Iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumada Iyo Garab Ka Mid Ah Dadka Deegaankaasi Ee Hore Khilaafka Biyuhu Usoo Kala Dhex Galay ayaa Waxaa Uu CAKUSE KA Jeediyay Hadalo Guubaabo Hurin Colaaadeed ah Taasi Oo ay bulshada Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Habaryoonis ay Ku Daadafeeyaan Heshiiskii Hore Loo Gaadhay Khilaafka Biyaha .
Gubaabada Colaada ah Ee uu Wasiir Cakuse Ka Wado Biyaha Xumbo Weyne Waa Mid Siyaasadaysan Oo la doonayo In Layska Hor Keeno Labada Garab Ee Khilaafku Biyuhu Hore Uga dhexeeyay ,
Dagaalkan Siyaasadaysan Ee Xukuumada Ka Kala Dhex-wado Bulshada Walaalaha ahi waxaa u noqon doonaa mid saamayn ku yeesha Nabada Iyo Hormarka dalku Hiigsanayo , waxaan Uga digaynaa Wasiir Cakuse iyo inta La Caqliga ahba inay ka Fogaadaan Wax Kasta Oo Colaad sokeeye looga dhex Hurin Karo Bulshada walaalaha ah . Iyada Oo Laga Leeyahay Dano Siyaasadeed.
Gebo Gebo
Bulashadu Ha Ka Feejignaato Colaadaha IYo Dagaalada Sokeeye Ee Xukuumda Siilaanyo Ka Dhex Hurinayso Shacabka Reer Somaliland Taasi oo Ku raadinaysa Masiirkeeda iyo Danaheeda Siyaasadeed
. Cakusoow Waxaan Tallo Kuu Siin Lahaa Sidaad Habeenkii U hadasho Maalintii Hawga Hadlin Warbaahin ilay Maalin Wasiir Dawladeed ayaad Tahee
Dr.Elmi Saed Mouse
Tell; 063 442 54 53
Email; Maxfuud009@hotmail.com