Brazil Oo Culayskii Ugu Waynaa Taariikhda Ka Muddatay Sugida Ammaanka Ciyaartii Jarmalku Guusha Ku Qaaday
Sida aynu dhamaanteen ka wada war qabno, waxa maalmo yar ka hor la soo gaba gabeeyay ciyaarihii koobka aduunka, tartankaas oo afartii sanadoodba mar la qabto laguna tilmaamay ciyaaraha loogu daawashada badan yahay dunida, isla markaana loogu jecel yahay.
Haddaba waxa dal kasta oo marti galiya ciyaaraha aduunku ka mutaa dhibaatooyin badan oo dhinaca, ammaanka iyo dhaqaalaha labadaba la xidhiidha, taas oo u tartanka marti galinta iyo jacaylka loo qabo awgeed dal kasta oo marti galiya koobka aduunku culays wayn kala kulmo.
Dalka Brazil oo dhaqaalihiisu rubuc qarnigii ugu danbeeyay si qunyar qunyar ah u koroyay, aadna ay ilaa wali u kala badan yihiin, dakhliga dawlada iyo tirada dadka ku dhaqan dalkaasi, waxa mar kasta ka jira culays nololeed oo sababay in laamo badan oo dawlada ahi kuwo liita ama awood daran noqdaan.
Meelaha laga saluugo dalkaas waxa kow ka ah, hay’addaha ammaanka u qaabilsan dalkaas, waana sababta waddankaas ka dhigtay kuwa dunida ugu horeeya rabshadaha, dilka iyo budhcadnimada.
Haddaba ciyaartii kama danbaysta ahayd ee lagu soo gaba gabeeyay koobkii aduunka ee 2014-ka, ayaa hay’adaha ammaanka qaabilsan ee dalkaasi ka muteen casharkii ugu adkaa taariikhdooda, sida warbixin laga soo saaray wakaalada ammaanka federaalka Brazil lagu shaaciyay, in ka badan sodon kun oo ciidamada ammaanka dalkaas ee kala duwan ayaa iyagu ka qayb qaadanayay sugida nabad galyada Garoonkii ciyaartii ugu danbaysay ee Germany Iyo Argentina dhex martay.
Ciyaartaas waxa ka qayb galayay 18-Madaxweyne iyo in ka badan kun iyo lix boqol oo wasiir dunida oo dhan laga soo kala casuumay, waxa kale oo iyaguna ku sugnaa ilaa sadex kun oo marti sharaf kala duwan oo waddamada caalamka FIFA ka soo casuuntay.
Culayska intaas leeg waxa laamaha ammaanka Brazil u dheera dadka ku dhaqan dalkaas oo in badan oo ka mid ahi ka soo horjeeday marti galinta koobka iyo dhaqaalaha ilaa 8-bilyan dhan ee dalkaasi ku bixiyay, waxa kale oo u sii dheeraa niyad jab shacabka dalkaas badankoodu ka qaadeen guul daradii xulka qaranka dalkooda ka soo gaadhay labadii ciyaarood ee ugu danbeeyay oo ay masiibo oo kale u qaateen.
Booliska ayaa toban qaybood loo kala qaybshay waxaanay baadhayeen dadka garoonka gelaya, kuwa u soo dhawaada, kuwa dhibaato soo gaadhsiin kara iyo kuwa khaladaad nabad galyo daro abuura samayn kara.
Waxa heegan ku jiray kumayaal gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambulance-yada iyo baabuurta dabka damisa isugu jira, waxa kale oo gabi ahaanba la xidhay xaafadaha ka ag dhow garoonka, booliska ayaa baadhayay, qof kasta, waxa haddana inta aanu garoonka u dhawaan la hubinayay tigidhka uu qofku sito, si aanay u suura galin in dad sita tigidho been abuur ah iyo kuwa tigidhadii ciyaarihii hore sita u galin garoonka.
Tirada daawadayaasha oo sii korodhaa waxay sii kordhinaysay culayska nabad galyo ee garoonka iyo marti sharafta kala duwan, taageerayaasha ayaa lagu dhex daray ilaa shan kun oo boolis dhar cad hubaysan ah, kuwaas oo dhex fadhiyay una diyaar ahaan wax kasta oo ammaan daro abuuri kara inay halkiisa ku bakhtiyaan.
Afhayeen u hadlay maamulka sugida nabad galyada garoonka Maracana loogu talo galay oo lagu magacaabo, Jose Mariano, oo ka hadlay sidii xaaladoodu ahayd ayaa ku tilmaamay inay ka muteen casharkii ugu adkaa ee taariikhda hay’adaha ammaanka dalkaas soo mara.