London:(Hubaal)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Britain, Theresa May ayaa shaacisay xiliga uu bilaaban doono qorshaha Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub.
Theresa May ayaa sheegtay in dalkeeda uu billaabi doonno hanaanka rasmiga ah ee uu uga baxayo Midowga Yurub ugu dambeyn bisha Maarso ee 2017-da.
Hadalkan ayey ku dhowaaqday ka hor inta aanu furmin shirkii ugu horeeyay ee uu xisbigeeda Conservative-ku yeeshay, tan iyo markii ay ra’iisul wasaaraha ka noqotay Britain.
Waxa Ay intaa ku dartay inay soo bandhigi doonto qorsheyaal ay meesha uga saareyso sharciyada ay 43 sano ka hor Britain uga mid noqotay Midowga Yurub.
Waxay intaa raacisay in sharciyada cusub ay awooda iyo mas’uuliyadda dib ugu soo celin doonaan hay’adaha Britain.
Qorshaha Theresa May ayaa saleysan afti dhowaan laga qaaday shacabka Britain oo u codeeyey in wadankaas uu gebi ahaan ka baxo Midiowga Yurub, waxaana qorshahan diidanaa raisul wasaarihii hore ee dalkaas David Cameron oo sababtaas awgeed iska casilay xilkiisa.