Budh-Cad Abaabulan Oo Xaafadaha Hargeysa Ka Urursatay Ugu Yaraan 11-Kun Oo Mobile-Lada Casriga Ah Iyo Booliska Oo Ku Mashquulay Goobihii Madaxdu Fadhiday

0
70

Waxa  iyagoo kooxo kooxo u socda ay mobile-lada ka qaadayeen dadweyne Da’ walba Leh oo dabbaaldegga 18-ka usoo diyaar garoobaydalcada xaafada masalaha ee Hargeysa

Hargeysa:(Hubaal)-Xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaan goobaha ku hareeraysan waddada halbowlaha ah waxa  maalintii shalay ilaa habeen hore lagu arkayey dhallinyaro si xoogan isu abaabulay, kuwaas oo ciddii ay arkaan si xoog ah uga qaadayey hantida ay sitaan, gaar ahaan Mobile-da.

Dhallinyaradan oo aad u tiro badnaa, ayaa habeen hore iyagoo kooxo kooxo ah isu taagay waddooyinka iyo jidadka cidhiidhig ah ee hareeraha ka xigga waddada halbowlaha ee caasimadda, waxana ay si badheedha Mobile-da uga qaadayeen dadweynaha halkaas maraya.

Sida hawl-wadeenada wargeyska Hubaal indhahooda ku arkeen waxa dhallinyaradani si aan gabasho lahayn u baadhayeen dadweynaha isku dayaya inay munaasibadda 18-ka May ka qaybgalaan, waxana iyagoo isku duuban ay dadka mid mid uga qaadaayeen mobile-lada iyo waxyaabaha kale ee ay sitaan, kadib markii ay ciidamada ammaanku ku mashquuleen celinta dadweynaha u oomaanaa daawashada gaardiga ciidamada kala duwan ee qaranku ka sameynayeen waddada Halbawlaha. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland, waxa min habeen hore ilaa shalay gudaha magaalada Hargeysa lagu dhacay ugu yaraan 11000(kow iyo toban kun)oo mobile oo waliba nooca casriga ah ee SMART PHONE-ka ah, kuwaas oo shirkaduhu xogahooda heleen.

Buuqa iyo sawaxanka dadweynaha dhallinyaradani hagardaamada iyo dhaca u geysteen, ayaa si weyn looga dareemayey gudaha magaalada Hargeysa, waxana canaan badan dusha laga saarayey ciidamada ammaanka oo shaqadooda inay ka gaabiyeen loo tirinayey.

Dhallinyaradan ayaa u muuqday qaar ka faa’iidaysanaya mashquulka ciidamadu booliska oo maalinta xuska ku ekaa oo kali ah celinta iyo xanuujinta dadweynaha waddada kusoo qamaamayey, waxana ay taasi keentay in dadka budhcaddani baadhato iyagoo waddooyinka taagan.

Ciidamada booliska, ayaa u muuqday qaar aan waxba iska hagran marka la eego sidii ay heeganka ugu jireen ilaalinta ammaanka, balse waxa ay culayska saareen ammaanka wajahadda hore ee waddada ciidanku marayaan iyo waliba goobta madaxtooyada oo ay madaxda qaranku fadhiyeen.

Waxa looga baahan yahay ciidamada booliska Somaliland oo marka si loo eego si ishooda ku ekeeyey dhibka ka iman kara dhinaca cadowga Somaliland inay haatan wixii ka dambeeya talada ku darsadaan budhcadda hantida dadka usoo diyaar garoobaysa eek a faa’iidaysanaysa maalintan qaranku mashquulka yahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here