Arabsiyo (Hubaal)-Dadweyne iskugu soo baxay dooxa degmada Huluuq oo ka tirsan degmada Arabsiyo ayaa walaac xooggan ka muujiyay shirkad guranaysa niista dooxa. Dadweynaha oo dooxa ka hela biyaha ayaa ku doodaya in ciidii biyo qabatinka ahayd ay xaalufinayso shirkaddaasi. Dadweynaha ayaa sheegay in degaanka laga xaalufiyay dhirtii, daaqii iyo dhagaxii, haddana loo soo dhigtay ciidda oo waxtar weyn u leh in dooxaasi biyo laga helo, si loogu intifaacsado dadka, duunyada iyo beeraha. Bulshada saxaafadda la hadashay ayaa ku doodaya inaanay gacmaha ka laaban doonin dadka ka ganacsanaya Niiska, iyagoo maamulka gobolka ku sheegay mid aan talaabo ku haboon ka qaadin cabashadooda oo ay u gudbiyeen
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Bulshada Degaanka Huluuqda Oo Walaac Ka Muujiyay Shirkad Niista Dooxa Ka Guranaysa