“Suldaanka Guud Ee War-Cimraan & Haldoorka Deegaankaas Oo Weftiga KULMIYE Uga Mahadceliyey Xilka Ay Iska Saareen Wacyigelinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta”
War-cimraan (Hubaal )- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo socdaal la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta ku maraya Gobolka Togdheer, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada War-cimraan, Qoryaale, Shansha-cadde, Taalo-buur iyo Balli-calanle.
Degmada War-cimraan, ayaa boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan oo lulaya caleemo qoyan, calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo astaanta xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyeen Guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxaanna halkaas kala hadlay madaxda xisbiga, maamulka degmada, madaxdhaqameedka iyo waxgaradka deegaanka oo dadweynaha ku dhiirrigeliyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta ee waqtigan ka socota labada gobol ee Togdheer iyo Maroodi-jeex.
Suldaanka guud ee beelaha degmada War-cimraan Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen, xubno kale oo ka mid ah maamulka iyo odayaasha deegaanka, ayaa weftiga xisbiga KULMIYE uga mahadceliyey xilka ay iska saareen inay wacyigelin la xidhiidha qaadashada kaadhadhka codbixinta ku fuliyaan degmada War-cimraan iyo degaannada kale ee Togdheer, iyagoo sidoo kalena xukuumadda talada haysa ee xisbiga KULMIYE ku ammaanay waxqabdka ay ka hirgelisay degmada. Waxa kaloo ay caddeeyeen in bulshada ku dhaqan deegaankaasi ay si buuxda u taageersan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE, waxaanay murrashax Muuse Biixi ugu bushaareeyeen inuu codka degmada qorshihiisa ku darsado.
Sidoo kale, madaxda xisbiga KULMIYE waxa soo dhawayn indho-daraaran ku riday loogu sameeyey degaanka Shansha-cadde ee Gobolka Togdheer, halkaasi oo shacabka ku nool rag iyo dumar ay ka muuqato wejiyadooda farxad iyo rayn-rayni ay kaga hortageen meel ka baxsan magaalada iyagoo sita caleemo-qoyan iyo astaamaha xisbiga, looga galbiyey madal loo asteeyey qaabilaadooda.
Dhinaca kale, dadweynaha degmada Qoryaale ee Gobolka Togdheer, ayaa iyaguna si wayn oo aan loo kala hadhin u qaabilay weftiga uu horkacayo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo xilli habeen ah gaadhay halkaasi habeenimadii Arbacadii, waxaanay u galbiyeen weftiga barxad loo goleeyey soo dahwayntooda, halkaas oo ay inta badan haldoorka bulshada deegaanku hadallo la xidhiidha taageerada ay KULMIYE u hayaan ka jeediyeen.
Madaxda degmada, madaxad-dhaqameedka, odayaasha, dhallinyaro iyo haween loo xulay hadalka, ayaa si kal iyo laab ah uga mahadceliyey booqashada weftiga KULMIYE oo ay ku tilmaameen kalgacal uu xisbigu u hayo, isla markaana waxay si buuxda u ballanqaadeen taageerada murrashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka xisbiga ee doorashada madaxtinimada.
Dhinaca kale, weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo sidoo kale kormeerkooda la xidhiidha wacyigelinta kaadhka codbixinta ku soo maray deegaamo hoosyimaada Gobolka Buuhoodle, ayaa taageero baaxad leh kala kulmay degmada Qorulugud iyo deegaannada ay maamusho ee Coodanle iyo Balli-calanle, kuwaas oo kumanaan qof oo ku nooli isugu soo baxeen goobo fagaarayaal ah si ay u soo dhaweeyaan madaxda xisbul-xaakimka, isla markaana waxay si cad u muujiyeen inay taageero hiil iyo hooba leh la garabtaagan yihiin xisbiga iyo murrashaxiintiisa madaxtinimada.
Waxa kaloo weftiga soo dhawayn aad u ballaadhan oo farxad galisay ay kala kulmeen shacabka ku dhaqan deegaannada Taallo-buur oo ka kala tirsan degmada Balli-dhiig, waxaana halkaas kala hadleen boqolaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha weftiga kormeeraya qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha iyo taageerada ay u hayaan xisbigaba.
Masuuliyiinta KULMIYE, Wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil kale oo ka tirsan weftiga oo khudbado ka jeediyey deegaamada kala duwan ee weftigooda lagu soo dhaweeyey, ayaa si wayn ugu mahadceliyey dadweynaha soo dhawaynta gacaltooyada leh iyo taageerada baaxadda ee ay sameeyeen, iyagoo intooda badani ka sheekeeyey taariikhda dheer ee ka dhaxaysa xisbiga KULMIYE iyo taageerada bulshooyinka ku dhaqan deegaamada ay socdaalka ku mareen, isla markaana waxay isku raaceen inay sheegeen inay maanka ku hayn doonaan abaalka weyn ee ay shacabkaasi muujiyeen.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna mahadnaq iyo farxad dhoolla-caddayn badan leh kaga dareen-celiyey soo dhawaynta iyo cuddada taageero ee kula kulmay shacabka Gobolka Togdheer, waxaannu sheegay inuu si milgo leh u qaatay kalgacalka iyo dareenka is-xilqaanka ah ee ay dadweynuhu sida gaarka ah ugu muujiyeen.
Waxa kaloo Md. Muuse Biixi uu ku dhiirrigeliyey dadweynaha guud ahaan Gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex inay qaataan oo aanay u kala hadhin kaadhadhkooda codbixinta doorashooyinka soo socda oo qiimo ugu fadhiya muwaadinka iyo qarankaba.