Waxa Ay Hal Dabo La’ Kalsooni Ku Taageereen Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE
Hargeysa ( Hubaal) – Qaar ka mid ah dadweynaha degmada Balli-cabanne ee gobolka Hawd ayaa isu soo bax ballaadhan oo ay maalintii shalay ku muujiyeen dareenkooda siyaasiga ah waxaa ay taageero isla barbar taageen xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE iyo murrashaxiintiisa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka u tartamaya doorashada madaxtooyada ee 12 maalmood kadib u qorsheysan inay dalka ka qabsoonto.
Dadweynahan oo ka koobnaa aqoonyahanno, siyaasiyiin, dhalinyar, haween iyo hal door kale waxaa ay isu soo baxoodan sidoo kale jawaab kaga bixiyeen dad ay ku tilmaameen inay ka been sheegeen masiirkooda kuwaas oo kuandacooday inay beesha deegaanka Balli Cabanne metelayaan codkooda iyo kalsoonidoodaba.
“degmaddu maanta iyada ayaa iskeed isu soo abaabushay inay ka jawaabto farriintii ay saxaafadda mariyeen…”. Sidaas waxaa yidhi mid kamid ah haldoorkii isu soo baxa ku muujiyey taageerada ay xisbiga KULMIYE u hayaan kaasi oo isaga iyo xubnaha kaleba ay ku jeeni qaarnaayeen astaanta iyo calanka xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE, waxanu masuulkan oo hadalkiisa sii wataa uuintaa ku daray “Mid baan xaal ka siinayaa dadweynaha reer Balli Cabanne oo kuwii danaystayaasha ahaa ay magacooda isticmaalleen waxaanan leeyahay afar nin iyo laba nin midna magaca reerka Ma isticmaali karo, waxaana magaca reerka ku hadli kara oo keliya suldaanka guud…..annaguna maanta waxaanu leennahay Somaliland ha jirto, xisbiga KULMIe ha guulaysto, Murashaxa madaxweynaha ee KULMIYE Muuse Biixi ha guulaysto”.
Dhinaca kale mid kamid ah oday dhaqameedyadii madashaasi ka hadlay ayaa farriin u diray dadweynaha ku dhaqan degmada Balli Cabanne, oo uu sheegay in ay muujiyeen dareen xambaarsan taageerada buuxda ee ay xisbiga KULMIYe la garab taagan yihiin waxaanu yidhi “Walaalayaal reer Balli Cabannoow dareenka aad muujiseen iyo taageerada aad la garab istaageen xisbigiina waxaa ka marag ah sida aad usoo baxdeen maanta ee aad golahan isugutimaadeen yar iyo weynba”. “Degmadu weji iyo mawqif bay leedahay ku jihaysan xisbiga KULMIYE iyo Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi”.
Sidoo kale mid kamid ahayd haweenweynihii madashaasi hadallada ka jeediyey ayaa maxarrim ku tilmaamtay in cid aan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ahayni ay hungureeyaan kalsoonida deegaankaas “Waxaan idin leeyahay maanta cid aan KULMIYE taageersanayni way ka xaaraansan tahay halkan, waxaana dalka u sharraxan maanta ninkii usoo dhaawacmay ee dhiigiisa u soo qubay xorayntii dalkan”.
Xil. Ilyaas Aw Jaamac Xuseen oo katirsan golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa oo isaguna khudbad ujeediyey dadweynihi isu soo baxay eedeegaankaas waxaanu sharraxay waxyaabaha u qorsheysan in xisbiga KULMIYE xukuumaddiisu ay wax ka qabato doorashada madaxtooyada haddii ay ku guulaysato.
“xisbiga KULMIYE xukuumadda uu soo dhisi doonomarka uu ku guulaysto doorashada waxa ay xukuumaddiisu doonaysaa inay wax ka qabato arrimaha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, shaqo la’aanta, adkaynta amniga iyo arrimaha kale ee aasaasiga ahiba waxaa ay ku jiraan barnaamijyada xisbiga KULMIYE iyo himillada murrashaxeen”. Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Ilyaas Aw Jaamac Xuseen.